You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Afafka qalaad iyo aqoonsi raadinta Somaliland
- Author, Xasan Sheekh Cumar
- Role, Weriye, BBC
Dhawaan qaar ka mid ah magaalooyinka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Soomaaliland waxaa ka dhacay isu soo baxayo loogu mahadcelinayo isla markaana lagu soo dhaweynayay dood la xiriirtay qadiyadda aqoonsiga Somaliland oo mid ka mid ah xildhibaannada Uk u horgeyay baarlamaanka. Haddaba bannaanbaxyadaasi waxaa hareyay oo baraha bulshadana aad uq absaday in shacb iyo mas'uuliyiinba ay ka jeediyeen khudbooyin iyo kalmado kookooban oo loo istcmaalayay luuqado qalaad sida Ingiriis,Carabi iyo Faransiis.
Arrintaas oo ahayd wax ku cusub aqoonsi raadinta iyo dibadbaxyada ka dhaca gudaha waxaa si aad ah loogu qaadaa dhigay baraha bulshada oo Facebook uu ugu horreeyo.
Haddaba maxaa keenay adeegsiga luuqadaha qalaad?
Maadaama baarlamaanka dalka Ingiriisku ay dood ka yeesheen qadiyadda aqoonsiga Somaliland,sababta ugu weyn ee bannaanbaxyadii ka dhacay magaalooyin ay ka mid yihiin Hargeysa iyo Burco looga jeediyay khudbooyin ku baxayayluuqado kala duwan waxay ahayd u mahadcelin baarlamaanka UK iyo soo dhaweyn,waxaanse ka marneyn hadallo jeedintaas fariin ah in Somaliland ay qaadday tallaabooyin ay u arkaan shacab iyo dowladba in la aqoonsan karo.
Xildhibaan Suldaan Jaamac Nuux oo ka mid ah Golaha deegaanka ee magaalada Burco kana mid ahaa mas'uuliyiintii Burco kaga hadlay luuqadda English-ka ayaa sheegay in sababta khudbad Ingiriisi ah uu uga jeediyay isu soo bax ka dhacay Burco ay tahay in qadiyadda Somaliland ee dhanka raadinta aqoonsiga la gaarsiiyo dunida gaarahaan Yurub iyo Mareykanka, loona sheego dareenka ay qabaan dadka reer Somalliland.
"Waxay ahayd in runtii qadiyadda Somaliland la gaarsiiyo dadyowga kala duwan ee Yurub iyo Amerikaanka ah si loo tuso maadama in badan aan ku bannaabaxaynay luuqadda Soomaaliga ah oo loo turjumayay in markaa loo sheego dadkaa dareenkoodu wuxuu qabo".ayuu yiri xildhibaan Suldaan Jaamac.
Sidoo kale wuxuu sheegay in baarlamaanka dalka Ingiriiska loogu mahadcelinayay isla markaana loogu muujinayay in tallaabadaas ay qaadeen shacabka Somaliland ku taageersanyihiin xildhibaannada.
Isticmaalka luuqadaha qalaad qayb ma ka qaadan karaa helitaanka aqoosi?
Waa lagu kala aragti duwanyahay marka ay timaado doorka luuqadaha qalaad ay ka qaadan karaan helitaanka aqoonsi,waxaana dadka arrimahaan falanqeeya ay qaarkood daliishanayaan in isticmaalka luuqadaha lagu gudbin karo kaliya fariin hase yeeshee aaney wax muuqan wax wayn oo dhankaa ay ku kordhin karaan.
Agaasimaha guud ee Machadka Isir ee Somaliland Maxamed Cabdiraxmaan ayaa qaba in isticmaalka luuqadaha qalaad ay si ula socdaan wakhtigan casriga ah oo dunidu si aad ah u isticmaalayso baraha bulshada oo fariimuhu gaari karaan cidda loo dirayo oo uga dusi karta dhanka shucuubtooda. Dhanka kalana Cabdiraxmaan wuxuu qabaa marka la eegayo kaalinta adeegsiga luuqadaha qalaad ay ka qaadan karaan karaan helitaanka aqoonsiga Somaliland in arrintaa ay ku xirantahay dhanka ficillada ay qaaddo, qoridda waraaqo iyo doodaha oo uu isagu u arko in lagu gudbin karo wax badan.
Dadkii toddobaadkii la soo dhaafay ka hadlay dibadbaxyadii ka dhacay magaalooyinka Somaliland oo isugu jiray mas'uuliyiin ka tirsan dowladda iyo shacab waxay intooda badan khudbadahoodii xoogga ku saarayeen in Somaliland ay gaartay xilligii la aqoonsan lahaa iyaga oo tusaale uga dhigayay qabsoomidda doorashooyin ay dadku codkooda ka dhiibtaan,dimuquraadiyadda iyo arrimo kale. Balse agaasimaha Machadka Isir ayaa qaba in dhanka warbaahinta gudbinaysay fariimihii ku baxayay luuqadaha uu gaabis ka jiray maadama warbaahintu u badned kuwa gudaha.
"Waxaa laga yaabaa in uu gaabis ka jiray dhinaca warbaahintii duubaysay oo mar warbaahintii Af-ka Soomaaliga ku hadlaysaa mise waa tii dunida halkaa oo kale malaha in culeyska la saaro oo ay sii fogaan lahayd ayaa laga yaabaa" ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmaan agaasimaha Machadka Isir.
Daahir Qoriyow Isaaq oo ka faallooda arrimaha siyaasadda ee geeska Afrika, ayaa isana BBC-da u sheegay in isticmaalka luuqadaha qalaad aaney kaalin muuqata ku lahayn helista aqoonsi maadama luuqadd tahay wax lagu wadhadlo oo kaliya isla markaana inta badan wadamada caalamka ay la socdaan xaaladaha Somaliland maadaama qaarkood wakiilo u magacaabeen Hargeysa. Wuxuu tusaale u soo qaatay dhulka Falastiin oo muddo raadinay madaxbnaani khudbado Af- ingiriisi ah iyo Carabina kaga hadla meelo badan sida Golaha ammaanka, tallaabooyinkaas oo aan ila aiyo hadda wax is badal ah u keenin reer Falastiin .
"luuqad aad isticmaasho waxaad ku soo jeedinaysaa aragti ama qadiyadda aad leedahay dad aan fahmeynin luuqadda aad ku hadasho ayaadna wax u sheegaysaa laakin caalamka iyo diblumaasiyadda sida looga dhaqmo badi dalalku waxay leeyihiin safaarado ama xafiisyo siyaasadeed kuwaas oo shaqaale u qoro in xaaladaha ay la socdsiiyaan iyaga ayaana ku filan". ayuu yiri Daahir Qoriyow Isaaq.
Balse Xildhibaan Suldaan Jaamac Nuux ayaa isagu aaminsan in maadaama dad badan oo reer Somaliland ah ay ku noolyihiin wadamada qurbaha ayna garanayaan luuqadaha dalalkaas gaarahaan Yurub ay gaarsiin karaan qadiyadda aqoonsi raadinta ayna ka gadi karaan in arrintaa u sahlanaato Somaliland. Wuxuu intaa ku daray in muhiimaddu tahay indhaha dunida lagu soo jediyo Somaliland.
Iminka aduunyadu aad iyo aad waxay u isticmaashaa baraha bulshada dad badan oo wadamada caalamka ahana way ku xiranyihiin marka haddii ay arkaan dad reer Somaliland ah oo luuqadahoodii ku hadlaya dad badan ayay soo jeedin kartaa" ayuu yiri oo BBC-da u warramay Xildhibaan Suldaan Jaamac.