Tallaalka Covid ma wuxuu sababaa caado wareer?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Isbeddello yar oo caadada haweenka ku yimaada ayaa ka dhalan kara tallaalka Covid balse si degdeg ah ayay xaaladdu caadi ugu soo laabataa, sida ay sheegtay dhaqtarad sare oo UK u dhalatay kuna takhasustay caadada.
Dr Victoria Male, oo ka tirsan Kuleejka Imperial ee London, ayaa daraasadda laga sameeyay Mareykanka iyo Norway ku tilmaantay mid xaqiiq ah.
Waxayna sheegtay in wararka been abuurka ah ay dabka u hurinayaan walaaca laga qabo dhalmo la'aanta.
Waaxda caafimaadka ee UK ayaa sheegtay inaysan jirin caddeyn loo hayo in noocyada tallaalka Covid ay saameeyaan dhalmada.
Waxadan oo baarta tayada dawooyinka iyo waxyaabaha daryeelka caafimaadka ayaa heshay in ka badan 37,000 oo warbixinno ah oo ku saabsan dhiigbax lama filaan ah oo xubinta taranka haweenka ah, dhiigbax caadada ah iyo caadada oo soo daahda kaddib qaadashada tallaalka Covid.
Waxay mar walba waaxdu ku celcelisaa inaysan jirin caddeyn ku aaddan xiriir ka dhaxeeya arrimahaas iyo tallaalka, iyadoo sheegtay in xilliyada caadada ee haweenku ay si dabiici ah u kala duwan yihiin, balse saynisyahannada ayaa ku baaqaya in la sameeyo baaritaan dheeraad ah.
Dr Male ayaa farta ku fiiqday labo daraasadood oo la sameeyay.
Daraasad Mareykanka laga sameeyay oo ay ka qeyb qaateen ku dhowaad 4,000 oo haween ah iyadoo la adeegsanayo app lagula soconayo xilligooda caadada ayaa lagu ogaaday inay caadadu ka soo daahday marka ay qaateen kuurada labaad ee tallaalka, balse taasi laguma arkin kuurada koowaad.
Cabashada guud
Haweenka qaatay labada kuuro ayaa waxay caadadu ka soo daahday labo maalmood, balse Dr Male ayaa sheegtay inay u badan tahay inaysan taas ku dhicin haweenka UK, oo ay labada kuuro ugu yaraan siddeed toddobaad u dhaxeeyaan.
Tobankii haweenba mid ayaa sheegtay in muddo siddeed maalmood ah ay caadada ka soo daahday, marka loo barbardhigo 25-kii haweenba mid oo aan tallaalneyn. Balse ugu dambeyn si caadi ah ayay ku soo laabatay.
Daraasad kale, oo ay ka qeyb qaateen in ka badan 5,600 oo qof oo ku nool Norway, ayaa muujineysa sida ay xilliyada caadadu u si dabiici ah ugu kala duwan yihiin.
Ku dhowaad 40% haweenkaas ayaa isku arkay hal isbeddel, xitaa kahor tallaalka - iyadoo cabashooyinka ugu badan ay yihiin dhiigbax caadada ah oo sida caadiga ah ka duwan.
Dr Male ayaatiri: "Isbeddellada xilliyada caadada way dhacaan kaddib tallaalka - balse way yar yihiin marka loo barbar dhigo tan dabiiciga ah."
Walaaca haweenka ayaa ka dhashay "warbixinnada khaldan ee ah in tallaalka Covid-19 uu sababo dhalmo la'aanta haweenka", ayay tiri.
Sidoo kalena daraasado badan oo ku saabsan uurka ayaa loo baahan yahay in la sameeyo si loo caddeeyo in tallaalka uusan saameyn ku lahayn.
Caabuqa Covid, ayaa si kastaba, "laga yaabaa inuu yareeyo tirada iyo tayada biyaha ragga" - in aad loo fahmana waxay ka dhigan tahay in bukaannada la siiyo talo saxan.
Waxaa dhowaan la filayaa in daraasad laga sameeyo haweenka UK iyadoo la adeegsanayo app-ka lagula soconayo xilligooda caadada.
Ilaa 51 milyan oo kuuro oo tallaalka Covid ah ayaa la siiyay haweenka ku nool UK.










