Maxay dadkan uga guurayaan telefoonnadooda casriga ah?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Daraasad ayaa sheegeysa in ilaa shan saacadood aan ku bixnno telefoonnadeenna casriga ah

Iyadoo aan ku nool nahay duni ay dad badan oo inaga mid ah ku mashquulsan yihiin telefoonkooda, Dulcie Cowling ayaa ku dhaqaaqday waxaan caadi ahayn - iyada keedu waaba ay ka guurtay.

Gabadhan 36 jirka ah ayaa dhammaadkii sanadkii hore ku fekertay in ka guuridda telefoonkeeda casriga ah uu wanaajin doono caafimaadka maskaxdeeda. Sidaas darteed, waxay bishii la soo dhaafay qoyskeeda iyo saaxiibbadeeda u sheegtay inay qaadaneyso telefoon hore oo nooca Nokia ah kaas oo keliya qofka laga wici karo farriinna looga diri karo.

Waxay sheegtay in waxa ku dhaliyay go'aankaas ay tahay maalin ay ku sugneyd beerta nasashada oo ay la joogeen labo wiil, oo ay da'doodu kala tahay lix iyo saddex: "Waxaan ku mashquulsanaa telefoonkeyga aniga oo meesha lagu cayaaro la joogay carrurta waxaanan eegay waalid walba - waxaa joogay ilaa 20 - waxayna eegayeen telefoonkooda, iyagoo hadba dhan u eegaya," ayay tiri.

"Waxaan is weydiiyay 'goormey sidan dhacday?'. Qof walba waxaa dhaafaya nolosha dhabta ah. Uma maleynayo in haddii aad tagto sariirtaada geerida aad ka fekeri lahayd inaad waqti badan ku bixin lahayd Twitter-ka, amaba aad maqaallo ka akhrin lahayd baraha internet-ka."

Ms Cowling,oo ah agaasimaha shirkadda wax xayeysiisa ee fadhigeedu yahay London ee Hell Yeah!, ayaa intaas ku dartay in fekerka ay isaga deyneyso telefoonkeeda casriga ah uu dhashay intii ay socotay xayiraadda Covid.

Dulcie Cowling

Xigashada Sawirka, Dulcie Cowling

Qoraalka sawirka, Dulcie Cowling ayaa qorsheyneysa in waqtigeeda ay ku bixiso wax akhrin iyo inay hesho hurdo fiican

"Waxaan is weydiiyay inta nolosheyda ka midka ah ee aan ku bixiyay telefoonka iyo waxaan uga faa'iideysan lahaa. Inaad ku xirnaato meelo badan waxay kaa weecineysaa waxyaabo badan, maskaxduna waxay ku tahay howl culus."

Waxay qorsheyneysaa inay waqtigaas u adeegsato wax akhrin iyo inay hurdo fiican hesho.

Qiyaastii tobankii qof ee UK ku nool sagaal ka mid ah ayaa haatan wata telefoonka casriga ah, waana wax ka dhaca inta badan dunida kale. Annaguna iskama deyn karno - daraasad dhowaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in celcelis ahaan uu qofkiiba 4.8 saacadood maalintii ku bixiyo telefoonka.

Haddana dad yar, balse soo badanaya, ayaa isaga guuraya telefoonnadooda casriga ah.

Alex Dunedin wuxuu telefoonkiisa casriga ah tuuray labo sano kahor. "Dhaqan ahaan waxaanu la qabsannay qalabkaan," ayuu yiri ninkan oo ah baare dhanka waxbarashada ah iyo khabiir dhanka teknolojiyadda ah. "Waxay waxyeeleynayaan garaadka waxayna wax u dhimayaan wax soo saarka."

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Telefoonnada casriga ah ayaa loo adeegsadaa wax ka badan in qof laga waco

Mr Dunedin, oo ku nool islamarkaana ka shaqeeya Scotland, ayaa sheegaya sabab kale oo ka danbeeysa go'aankiisa ay ahayd walaac ku aadan deegaanka. "waxaan luminaynaa laba jibaar xadiga tamarta lasoo saarayo ayuu yiri.

Waxaa uu noqday mid aad u fir fircoon tan iyo markii uu joojiyey isticmaalka telefoonka caaqilka ah. waxaa uu leeyahay Mr Dunedin ma heysto telefoonadii hore ama xitaa leen leenka guriga. Taa badelkeeda waxaa kaliya ee lagula xiriiri karo waa email ugu soo dhacaya computerkiisa guriga u yaala.

"Waxbadan ayay ka badashay noloshayda, " ayuu yiri. "fikirkayga waxaa ka xuroobay mashiinkii sida joogtada ah ay maskaxdaydu ugu xirnayd kaas oo u baahnaa in lagu quudiyo tamar iyo lacag. Waxay ila tahay in qatarta Technology yadda ay tahay in ay nolosheena ceyrteeynayaan. "

Lynne Voyce, waa 53 jir maclimad ah islamarkaana qoraa ah oo kasoo jeeda Birmingham, iyadu waxay u wareegtay dhinaca kale, oo waxay bilowday in ay isticmaasho telefoonka caaqilka ah August dii aan soo dhaafnay kadib lix sano oo aysan isticmaalin. Waxa ay sheegaysaa in ku qasbanaatay in ay mar kale soo iibsato sabab la xiriirta in QR code ka maqaaxiyaha ay ka isticmaasho si ay cunno u dalbato iyo ku heysato waxa loogu yeero baasaboorka Covid ka, waxaa intaa sii dheer in ay si joogta ah ay ula xiriiri karto gabadheeda oo ku nool Paris.

.

Xigashada Sawirka, Lynne Voyce

Qoraalka sawirka, Lynne Voyce ayaa isaga guurtay telefoonkeeda si ay gabdhaheeda ugu dhiirrigeliso inay waqti yar ku bixiyaan kuwooda

Balse waxaa ay qorshaynaysaa in ay markale iska deyso, hadii ay awoodo, "marka laga baxo cuduruka safmarka ah, iyo marka gabadhayda weyn ee Ella aysan ku nooleen dibbada, waan iska dhaafi karaa markale. Waxa ay u egtahay balwad miyeeysan ahayn? "

Markii Ms Voyce ay iska deeysay isticmaalka telefoonka caaqilka ah 2016kii waxaa ay gabadheeda ku dhiiro galinaysay in ay iska yareeyso waqtiga ay ku bixiso isticmaalkiisa.

"Indhaha kama aysan dhaaqi jirin telefoonadooda. Waxaan u fakaray in wadada kaliya ee looga celin karo ay tahay in aan telefoonkayga ka taqaluso. Waana ay sameysay isbedel. Tusaale ahaan, marka aan aadno maqaaxi ma arki doonaan anigoo telefoonkayga soo qaadanaya. "

In aanan isticmaalaynin telefoonka caaqilka ah, "waxbadan ayay igu qaadatay in aan maskaxdayda ka saaro," waxay tiri, " Maan dareemin in aan si degdeg ah uga jawaabo waxyaabaha ama la heli karo marka aan dibadda joogo".

Iyadoo ay sidaa tahay, Wali qaar ayaa ka walaacsan waqtiga ay ku bixiyaan isticmaalka telefoonkooda gacanta, malaayiin kalena waxa ay qabaan in alle usoo diray. Si aan waligeed horay loo arag waxaa ay taleefanka ka dhex heli karaan, adeegyada dadweynaya sida caafimaadka iyo wax barashada, badanaa ehelka iyo asxaabta waxa ay adeegsanayaan digital, taleefanka caaqilka ahna waa wax dadku u baahanyihiin ayuu yiri afhayeenka UK mobile network Vodafone.

"waxaan sidoo kale sameynay ilo dadka lagu caawinayo si ay badankood waxyaabaha oga helaan telefoonkooda, hadiiba ay badqabayaan marka ay online ka yihiin, taas ayaa ah muhiimadda ugu weyn. "

NHS Covid-19 app

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Telefoonnada casriga ah ayaa howlo muhiim ah qabtay inta uu socdo xanuunka safmarka ah ee coronavirus

Si kastaba, Hilda Burke, oo ah dhaqtar dhanka cilmu-nafsiga ah iyo qoraaga maqaalka La qabsiga Telefoonka, ayaa sheegtay inuu jiro xiriir xooggan oo u dhaxeeya isticmaalka badan ee telefoonka iyo arrimaha xiriirka, tayada hurdada, awoodda aan u leennahay inaan iska deminno oo aan nasanno iyo heerkeenna inaan hal shey diiradda saarno.

"Dad badan ayaa waxaa codsiyo badan ay ugu yimaadaan telefoonka, qaarkoodna degdeg been abuur ah ayay wataan.

"Waxay dareemayaan inaysan awoodin inay xad u yeelaan, taas oo sababeysa in waxa ugu dambeeya ee habeenkii ama waxa ugu horreeya subixii ay sameeyaan ay noqoyo inay eegaan iimeyladooda iyo farriimahooda."

Haddii inaad ka takhalusto telefoonkaaga casriga ah ay kugu adag tahay balse aad weli ka walaacsan tahay inaad waqti badan ku bixiso, waxaa jira tallaabooyin kale oo aad ku yareyn karto.

Inkastoo ay markii hore u muuqatay wax aan suurtogal ahayn, haddana app-yo badan ayaa soo baxaya kuwaas oo kaa hor istaagaya rogrogidda micno darrada ah ee telefoonka.

Tusaale ahaan, app-ka Freedom wuxuu kuu sahlayaa inaad si ku meel gaar ah isaga xirto app-yada iyo baraha internet-ka si aad howlahaaga kale diiradda u saarto. Sidoo kale Off The Grid ayaa kuu suurto gelineysa inaad xirto telefoonkaaga muddo cayimad.

Ms Burke ayaa sheegtay inay waxtar yeelan lahayd haddii ay dad badan la socon lahaayeen waqtiga ay ku bixiyaan telefoonkooda. "Inaad bilowdo garashada waqtiga aad ku bixiso telefoonkaaga ayaa baraarug xoog leh kuu noqon karta isla markaana horseedi karta isbeddel."

Waxay sidoo kale ku talineysaa inaad waqtiyo gaaban telefoonkaaga demiso amaba aad guriga uga tagto, kaddibna aad tartiib tartiib u kordhiso muddada sugitaanka.