You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dal Muslim ah oo markii ugu horeysay haweenay ay ka noqotay garsoore Maxkamadda Sare
Waxaa la dhaariyay haweenaydii ugu horeysay ee dalka Pakistaan garsoore ka noqta maxkamadda ugu sareysay dalkaasi. Caaisha Mailk oo 55 jir ah ayaa hataan ku biiraysa 16 saaxiibbadeeda shaqada ah oo dhamanatood ay rag yihiin. Arrintaan ayaase gudaha Pakistaan looga arkaa siyaabo kala duwan oo dadka qaar ayaa soo dhaweyay halka qaar kalana ay ka horyimaadeen. Munaasabbada dhaarinteeda ayaa lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Islamabad.
Qareennada iyo u dhaq-dhaqaaqayaasha arrimaha bulshada ayaa sheegaya in halgan dheer oo qaatay tobanaan sano isla markaana la xiririiray matalaadda dumarka ee maxakamadda saree e Pakistaan ay haatan haweeenku gaareen guul nadir ah.
Balse qaar ka mid ah qareennada ayaa ka soo horjeestay magacaabista Malik sababo la xiriira dhanka awoodda. Garsoore Malik, ayaa cilmiga sharciga ku baratay gudaha dalkeeda Pakistan iyo jaamacadda Harvard,ee dalka Mareykanka, waxaana labaatankii sano ee u dambeeyay ay ka shaqeynaysay maxkamadda sare ee Lahore ee bariga Pakistan. Haweenka dalkeeda ayaa u arka tallaabo guul gaara u ah haweenka reer Pakistaan.
Wararku waxay sheegayaan in marka laga soo tago qareennada guud ee ay dood magacaabisteedu ka dhexdhalisay garsoorayaashii codka u qaadayay magacaabisteeda kadib.
Waxaa lagu ammaanay in ay kaalin muhiim ah ka qaadatay ka hortagidda hannaanka garsoor ee raggu doorka ugu badan ku leeyihiin. Sannadkii hore, waxay mamnuucday adeegsiga "baaritaanka bikranimada" si baaritaanno loogu sameeyo dhibanayaal kufsi loo gaystay.
Garsoorka Pakistan taariikh ahaan waxa uu horey u ahaa mid ay raggu u badanyihiin. Tallaabada lagu magacaabay ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo wax badan ka badali doonto aragtiyo kala duwan oo laga qabay in aaney dumarku qayb ku lahayn arrimaha garsoorka maxkamadaha dalka Pakistan. Balse marka laga hadlo guud ahaan dalka Pakistaan waxaa la sheegayaa in dadkoo dhan aaney u arkin arrin muhiim ah xilka loo magacaabay haweenaydan.
Waxaa jiray qareenno horey uga soo horjeestay in xilkaan loo magacaabo garsoore Malik oo xitaa ku hanjabay inay shaqo jooojin sameyn doonaan haddii ay arrintaasi hirgasho taa oo ugu dambeyna ay noqotay garsoore ka atirsan maxkamadda ugu sareysa dalka Pakistan.