Maxaad kala socotaa dalalka dhinaca milatariga ugu awoodda badan bariga dhexe?

Ciidanka Turkiga

Xigashada Sawirka, RT

Qoraalka sawirka, Ciidanka Turkiga

Gobolka bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika ayaa waxaa lagu tiriyaa in ay ka mid yihiin dalalka ugu xasiloni daran caalamka.

Machadka dhaqaalaha iyo nabadda ayaaba ku tilmaamay gobolkan in u yahay midka ugu xasaradaha badan caalamka.

La yaab ma laha arrintan marka la eego xasaradaha ka jira Ciraaq , Liibiya, Suuriya iyo Yemen, iyo wlaiba colaadda u dhaxeysa Falastiiniyiinta iyo Israa'iil iyo waliba xiisadda sacuudiga iyo Iran.

Qaar badan oo qulqulutooyiinkan ka mid ah waa dagaalo dalalka qaar ay u soo dhoofiyeen dalal kale iyaga o awoodooda tijaabinaya.

Hadaba waxaan warbixintan ku eegaynaa 10 dal ee ugu awoodda badan bariga dhexe anaga oo ka bilaabi doona lambarka tobnaad.

10) Imaaraadka Carabta

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa dhanka awoodda militari wax badan ka horeeya inta badan dalalka ku yaala Khaliijka.

Imaaraadka ayaa ka awood sareeya dalalka Baxreyn , Kuwait, Cumaan iyo Qatar.

Militariga imaaraadka ayaa lagu tilmaamay kuwa leh khibrad aad u sareeya islamarkana ka soo dagaalamay meelo badan oo ay ka mid yihiin Afqaanistaan, Yemen iyo Liibiya.

Tirada ciidamada Imaraadka ayaa lagu sheegay in ay gaareyso 63,000 oo askeri.

.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, .

9) Ciraq

Dalka Ciraaq ayaa la sheegaa in uu ka mid yahay dalalka ugu awoodda badan bariga dhexe.

Balse dalka Ciraaq oo mar ahaa wadanka afraad ee caalamka ugu awoodda badan xilligii Saadaam ee sagaashameeyadii ayay hadda awoodooda hoos u dhacday.

Miisaaniyada militariga Ciraaq ayaa ku dhaw 7 bilyan oo doolar islamarkana sanad-ba sanadka ka dambeeya waa ay sii korodhaa.

Tirada ciidamada rigliga ah ee Ciraaq ayaa lagu sheegay in ay dhan tahay 64,000.

8) Morocco

Dalka Marooko waxaa uu ka mid ah yahay dalalka ugu awoodda badan dalalka Carabta.

Miisaaniyada ay militariga ku bixiyaan ayaa gaaraysa $5.4 bilyan oo doolar.

Dhanka ciidanka dalka Morooko ayaa ah dalka 5-aad ee ugu ciidamada badan gobolka.

Tirada ciidamada Morocco ayaa waxaa ay gaaraysaa 195,000.

7) Suuriya

Awooddii militari ee dalka suuriya ayaa waxaa la dagay sanado badan oo dagaalo sokeeye ay ka socdeen.

Lama yaqaano ilaa iyo imika inta ay dhan tahay miisaaniyada militariga dalka Suuriya.

6) Aljeeriya

Dalka Aljeeriya waxaa uu ka mid yahay dalalka ugu awooda badan qaarada Afrika islamarkana kaalimaha hore kaga jira bariga dhexe.

Miisaaniyada militariga dalka Aljeeraya ayaa dhan 10 bilyan oo doolar islamarkana sanad-ba sanadka ka dambeeya waa mid sii kordhaysa

Tirada ciidamada dalka Aljeeriya ayaa gaaraysa 130,000.

5) Sucuudiga

Dalka Sacuudiga waxaa uu ka mid yahay dalalka ugu awoodda badan bariga dhexe.

Dalkan waxaa uu ka mid yahay dalalka miisaaniyada ugu badan ku bixiya militariga.

Dhaqaalaha badan ee ay Sacuudiga ku bixiyaan militariga ayaa dalkan ka dhigay wadamada ugu qalabka wanaagsan gobolka.

Sacuudiga ayaa miisaaniyadii uu ku bixiyo snadkan militariga waxa ay dhan tahay 46 bilyan oo doolar.

Tirada ciidamada Sacuudiga ayaa gaaraysa 227,000.

4) Iran

Tirada militariga Iran ayaa lagu qiyaasaa 523,000 oo leh cutubyo kala duwan, sida uu sheegay machadka barashada istaraatijiyada ee fadhigiisu yahay UK.

Waxaa tiradani ka mid ah 350,000 oo ah ciidamada rigliga ah, iyo ugu yaraan 150,000 oo ah ciidamada ilaalada kacaanka ee loo soo gaabiyo (IRGC).

Ciidamada ilaalada kacaanka Iran ee IRGC ayaa waxaa la asaasay 40 sano ka hor si ay u difaacaan nidaamka islaamiga ah ee Iran.

Diyaarad ka mid ah diyaaradaha Israa'iil

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Diyaarad ka mid ah diyaaradaha Israa'iil

3) Israa'iil

Iyada oo Israa'iil ay ku haraareysan yihiin dalal ay cadaawad ka dhaxeyso ayaa waxaa ay ku qasban tahay in ay tayayso ciidamadeeda iyo qalabkaba.

Ciidamada Israa'iil ayaa lagu tilmaamaa kuwa ugu tababarka fiican uguna qalabak fiican gobolka.

Tirada ciidamada Israa'iil ayaa waxa ay gaaraysaa 176,500.

Miisaaniyada dhanka militariga ee Israa'iil ayaa dhan $18.5 bilyan oo doolar.

Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga

2: Turkiga

Dalka Turkiga oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 82 milyan oo qof ayaa dadka shaqeeya waxaa lagu qiyaasay ku dhawaad 42 milyan oo qof, waxaana ciidanka dalka Turkiga guud ahaan tiradooda uu wargeyska ku sheegay 735 kun oo askari.

Ciidanka sida tooska ah u dagaal geli kara ee Turkiga ayaa jariiradda The Global Fire Power waxay ku qiyaastay 355 kun oo askari, halka ciidamada heegankana ama keydka ku jira ay gaarayaan 380 kun oo aksari.

Diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Turkiga ayaa tiradoodu waxay gaareysaa 207, halka kuwa wax duqeeya ay iyaguna gaarayaan 207.

Ciidanka dhulka ee milateriga Turkiga ayaa kaalinta toddobaad waxaa ay ka galeen ciidamada ugu awoodda badan ee caalamka.

1) Masar

Ciidanka milateriga ee dhulka ee u diiwaangashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Masar ayaa tiradoodu waxaa ay gaareysaa 920 kun oo askari, halka ciidammada hadda ka hawl gala ay tiradoodu gaareyso 440 kun oo askari. Dowladda Masar ayaa sidoo kale heysata ciidamo keyd ah oo gaaraya 480 kun, kuwaas oo haddii loo baahdo dagaal gali kara saacad walba

Dhanka ciidammada badda ee Masar waxay lagu qiyaasay in agabka ay heystaan uu guud ahaan gaarayo 316.