Shiinaha: Maxay dadka qaar u aaminsan yihiin in dadka indhaha yaryar aysan qurxooneen?

Cai Niangniang Dhowr maalmood ayaa lagu weeraray khadka internetka

Xigashada Sawirka, Weibo

Qoraalka sawirka, Cai Niangniang Dhowr maalmood ayaa lagu weeraray khadka internetka

"Miyaanan u qalmin inaan Shiinees noqdo sababtoo ah waxaan leeyahay indho yaryar?"

Waa hadalka ay Cai Niangniang ku qortay barta bulshada ee Model-ka Shiinaha, ka dib markii sawiro hore oo iyada ay leedahay ay qabsadeen baraa bulshada.

Dhowr maalmood ayaa lagu weeraray khadka internetka iyadoo lagu eedeeyay inay "si ula kac ah u weerartay wadaninimada ka dib markii a ka soo muuqatay 3 xayeesiin oo ay u sameeysay shirkadda laga leeyahay Shiinaha.

Dembiga lagu haystana waa indha yaryaraanta.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa aad uga carooday taas oo keentay in shirkaddu ay ugu dambayntii ka saartay xayaysiisyadii dhanka online-ka ahaa, waxayna raaligelin ka bixisay in dadka ay "dareemeen xumaan".

Laakin Ms Cai ayaa sheegtay in aysan garaneyn waxa ay samaysay oo looga cagajugleenayo intarneetka, iyadoo xustay in ay "shaqadeeda model-ka uun qabsaneysay."

"Qaab muuqaalkayga waxaa igu dhalay waalidkey," ayay 28-jirtan ku soo qoray barta Twitter-ka ee Weibo.

"Miyaan Shiinaha caayay maalintii aan dhashay iyadoo loo aaneynayo sida aan u ekahay?"

'Reer Galbeedku hadda hadal uma bannaana'

Xayeysiisyada, oo asal ahaan la daabacay 2019, ayaa waxaa daaha ka qaaday shabakadaha waddaniyiinta ah iyada oo lagu jiro xilli xasaasi ah oo online-ka Shiinaha ay dabagelayaan xayeysiisyada muujinaya dadka Shiinaha.

Bishii Nofembar, sawir qaade sare oo u dhashay Shiinaha ayaa raaligelin ka bixisay "ogaan la'aanteeda" ka dib markii sawir ay qaadday uu muujiyay astaanta caanka ah ee Farance Dior kaas oo ay ka dhalatay falcelin ballaaran. Waxay sawirka ka muuqday qof indha yaryar oo Shiinees ah.

Maalmihii la soo dhaafay, waxaa baraha bulshada ka dhacayay dhacdooyin kale oo caro ka muujiyay xayaysiisyada Mercedes-Benz iyo Gucci oo ay ka muuqanayeen dumar Shiinees ah oo indhahoodu yaryar-yihiin.

Iyada oo uu sii kordhayo dareenka wadaniniyiinta ee online-ka iyo nacaybka reer galbeedka ee Shiinaha, ayaa waxaa baraha bulshada qabsaday dagaalka ka dhanka ah xayeysiinta ay ku jiraan dadka indhaha yaryar ee u dhashay Shiinaha taas oo loo arko inay tahay cunsuriyad lagu hayo dadka Shiinaha.

Iyaga oo soo bandhigay xayeesimo ay ku jiraan dad indho yar-yar ayay dadkan waxa ay dadkan ku doodayaan in shirkadahani ay sii wadaan fikradaha reer galbeedka ee soo bandhigidda wejiyada Shiinaha.

Sawirka Dior

Xigashada Sawirka, Chen Man/Dior

Qoraalka sawirka, Sawirka Dior

Qaar badan ayaa is weydinaya sababta xayaysiisyadani aysan u soo bandhigin noocyada moodooyinka caadiga ah ee lagu arko xayeysiisyada Shiinaha kuwaas oo leh maqaar qurxoon iyo indho waaweyn, kuwaas oo sida caadiga ah loo tixgeliyo sifooyinka quruxda ku habboon ee Shiinaha.

"Shacabka Shiinaha uma baahna inay raacaan halbeegyada Reer Galbeedkuka ee quruxda iyo nooca haweenka loo arko inay qurux badan yihiin."

Myrna Loy, Charles Starrett iyo Boris Karloff

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Myrna Loy, Charles Starrett iyo Boris Karloff

"Runtii waxaa jirta taariikh dheer oo ah adeegsiga 'indhaha yaryar' si loo takooro dadka reer Aasiya," Dr Liu Wen oo ka tirsan Akadeemiyada Taiwan ee Sinica ayaa sidaasi u sheegay BBC Chinese.

Xulashada hadda ee indhaha waaweyn waxaa laga yaabaa inay tahay wax dhowaan ay saameeyeen Reer Galbeedka. Khubarada qaar ayaa aaminsan in isbeddelkii ugu dambeeyay ee heerarka quruxda uu bilaabmay dabayaaqadii 1970-meeyadii, iyada oo ay ugu wacan tahay soo-gaadhista xayaysiisyada iyo madadaalada shisheeye markii Shiinuhu albaabada u furay adduunka.