Miyay isla cag heleen Keynaan Warsame iyo Sharma Boy ?

Xigashada Sawirka, Sharma boy
Waxaa si weyn loo hadal hayaa hees ay si wadajir ah u qaadayaan labo fanaan caan ah oo Soomaali ah kuwaas oo heestan kusoo bandhigaya quruxda, dhaqanka iyo horumarka Soomaalida.
Mid wuxuu fankiisa ku hanoqaaday qurbaha, waxaana dhacday in isaga oo calanka Soomaaliya ruxaya uu kasoo muuqday masraxa garoonka FNB ee Johannesburg, 2010-kii, ciyaarihii kubbadda cagta ee Koobka Adduunka, kaas oo inkasta oo aysan Soomaaliya ka qeybgalaynin, haddane uu Kaynaan Warsame hubanti ka dhigay in ay si weyn uga dhex muuqato.
Hadda waxa ay u egtahay in ay isla cag heleen fannaanka kale ee mucjisada fanka dad badani ku tilmaameen ee Sharma Boy, kaas oo dhowaanahan fankiisa u falkinayay dhanka waddaniyadda, baraarujinta dhallinyarada iyo sare u qaadida hanka dadka, isaga oo ka heesay xaraf kasta oo Afka Soomaaliga ah ee labo dhaca.
Soomaaliya Soomaali Baa Leh
Inkasta oo heesta ciwaankani leh ay horey u jirtay, oo uu horey u qaaday Cabdi Tahliil Warsame, aadna loogu xusuusto shirkii dib u heshiisiinta ee Carte iyo waliba fannaaniin ka horeeyay, ayaa waxaa hadda heestii oo baydad cusub iyo naqshad cusub ah dib usoo qaaday Sharma Boy iyo Kaynaan Warsame.
Muddo 12 maalmood gudahood ayay heesta ku gaadhay hal malyuun oo qof, marka aad ka daalacatid boogga YouTube ee Sharma Boy. Waxaa heesta la qaaday fannaanka kale ee Lil Baliil, iyada oo ay kasoo muuqanayaan wejiyo caan ka ah dhan TikTok.
Dadka kasoo muuqanaya heesta waxaa ka mid ah orodyahanka Soomaaliga ah Maxamed Faarax ee Ingiriiska u orda.
Heestan waxa ay leedahay jilliin cajiib ah, iyada oo xitaa ay muuqanayaan dhallinyaro kasoo daganganaya jaranjarada taalada Daljirka Dahsoon .
Heestan oo ay si wadajir ah uga qaadeen Sharma Boy iyo Keynaan Cabdi Warsame ayaa loogu magac daray "Soomaaliya, Soomaali baa leh"
Kaynaan ayaa heesta uga qeybqaadanaya baydad English ah oo ka turjumaya hoddantinimada Soomaaliya.
Eereyada
Ereyada heestana oo ay ku jiraan ereyo Soomaali iyo Ingiriis ah waxaa kamid ah,
"Soomaaliya, toostooy! Soomaaliya , Soomaali baa leh"
"Cidna cid kama leh, Cawaale cilladna ma leh, adigaa leh anaa leh Cawaale"
"Geesiga! Geesiga ! iska ilow, jaajuuska oo rabo in uu caayo Xamar iyo xeebtiisa"
Falcelinta
Dad badan ayaa ka falceliyay heestan, waxaana ka mid ah aragtiyada hoos ka muuqda

Xigashada Sawirka, Youtube

Xigashada Sawirka, Youtube
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji âaqbal oo socoâ.
Dhammaadka X boggan
Haddaba maxaan ka naqaanaa labadan fannaan ee sida weyn looga dabo dhacay?
Sharma Boy
Sanadihii dambe ayuu fanka Soomaalida si weyn uga soo caan baxay Sharma Boy, isagoo qaada heesaha qoob ka ciyaarka leh ee loo yaqaanno Rap-ka oo hadba uu kusoo bandhigo waxyaabaha taagan ee saameynta ku leh dhallinyarada.
Waxaana heesahaas k amid ahaa , heestii uu ugu magac daray "Shahaadada micno ma leh, shaqeysta" oo si weyn ugu baahday baraha bulshada sanadkii lasoo dhaafay.
Sharma Boy ayaa sanadkan ku guuleystay billadda fannaanka Afrika ee ugu wanaagsan hobalada kasoo ifbaxaya waddamadooda.
Abaalmarintan oo lagu magacaabo "African Entertainment Awards USA"(Billadaha Madadaalada Afrika ee Mareykanka) ama AEAUSA ayaa munaasabaddeeda lagu qabtay magaalada gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka.
Ninkan oo ka mid ah fannaaniinta da'da yar ayaa wareysi uu horay BBC-da u siiyay ku sheegay in fankii hore laga gudbay oo casri cusub la galay.
Waxa uu ku dooday in heesaha raabka ay yihiin waxa hadda laga xiiseeyo adduunka.
Sharma Boy ayaa aaminsan in hadal oo dhan uu yahay murti marka laga reebo aflagaado iyo caay. "Wixii uu qofka fahmi karo, aniga murti baan u aqaanaa. Maanta Raabka iyo heesaha caadiga ah, waxaan murti u aqaanaa raabka", ayuu u sheegay BBC Somali.
Keynaan Cabdi Warsame

Keynaan waa fannaan Soomaaliyeed oo caalami ah wuxuu qeyb ka ahaa socdaalkii Koobka Adduunku ku marayayay Afrika ka hor Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Koonfur Afrika 2010-kii.
K'NAAN, oo magaciisa u soo gaabiya K'naan, waxaa heestii caanka aheyd ee "Freedom" loo doortay in uu ka qaado xafladdii furitaanka koobkii Adduunka sannadkii 2010-kii ee lagu qabtay dalka Koonfur Afrika.
K'NAAN waa fannaan leh taagerayaal badan oo aan Soomaali ahayn.
Soomaalidana waxaa inta badan xiiseeya heesahiisa da'yarta.
Heesihiisu waa nooca loo yaqaan Rap Music.
Laakiin erayada uu ku soo qaato, oo ah kuwa uu isaga qorto, waxay u badan yihiin qaar la xiriira xuquuqda aadanaha iyo waddaniyadda.
K'NAAN wuxuu deggan yahay Canada, laakiin aad ayuu ugu safraa caalamka.
Magaalada London, waxaa uu hadda ka hor ka heesay fagaarayaasha ugu waaweyn oo ay ka mid tahay Trafalgar Square, oo ah barxada la isugu soo baxo sannadka cusub.












