Ruushka: Muxuu damacsan yahay Putin, waa kan ciidammadiisa heeganka geliyee?

Vladimir Putin

Xigashada Sawirka, Reuters

Markii sarkaal hore oo ka tirsan ciidamada KGB uu noqday madaxweynaha Ruushka in ka badan labaatan sano, su'aasha qof kasta oo reer galbeedka ah ayaa u ekayd inuu is weydiiyo: "Waa ayo Mr Putin?"

Maanta su'aashu waxay isu bedeshay: "Muxuu Mr Putin qorsheynayaa?"

Tobanaan kun oo ciidamada Ruushka ah ayaa la geeyay meel u dhow xudduudda Ukraine; iyadoo ay sii kordhayaan hadallada lidka ku ah reer galbeedka ee Moscow, miyaa loo fasiran karaa in trallaabadai ay tahay horudhac dagaal.

Si la mid ah inta badan saxafiyiinta ajnabiga ah ee ku sugan Moscow, waxaan haystaa taleefoon numbarka xafiiska warbaahinta ee Aqalka Kremlin-ka balse waxa aan haysan ayaa ah khad toos ah oo ku xiran maskaxda Vladimir Putin oo aan ka ogaan kara qorshahiisa dhabta ah.

Malaha isaga oo kaliya ayaa garanayaa waxa qorshuhu yahay. Haatan gudaha iyo dibaddaba, qof kastaaba waa uu qiyaasayaa qorshihiisa balse waxyaabaha qaar waa ay cadyihiin.

Todobaadkan waxaa 30 sano laga joogaa markii uu burburay Midowgii Soofiyeeti. Madaxweyne Putin ayaa mar ku tilmaamay midaas "masiibadii juqraafiyeed ee ugu weyn qarnigii 20-aad." Waxa uu si qoto dheer uga carooday sida uu u dhammaaday dagaalkii qaboobaa, iyadoo Moscow ay lumisay dhul, boqortooyo iyo saameeyn siyaasadeedba.

"Maxuu ahaa kala go'a USSR? Waxay ahayd kala go'ii Ruushka ee taariikhiga ahaa," Mr Putin ayaa sidaasi dhawaan ka sheegay TV-ga qaranka. "Waxaan luminay 40% dhulkayagii… in badan oo ka mid ah waxay Ruushaka ka tirsanaayeen 1,000 sannadood ka badan."

Kremlin-ku sidoo kale wuxuu ka carooday, Gaashaan-buurta Nato. Xukuumadda Moscow waxa ay reer galbeedka ku eedaysay in ay jabiyeen balamihii afka ee ahaa in isbahaysigu aanu ku fidin bariga Yurub iyo dhulkii hore ee Soofiyeedka. Nato waxa ay ku adkaysanaysaa in aan ballan-qaadyado noocaas ah aysan sameyn.

Ruushka miyuu wax ka baddeli karaa wixii horay u dhacay? Wuxuu u muuqdaa inuu isku dayayo.

Toddobaadkii hore, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Sergei Ryabkov ayaa daaha ka qaaday heshiisyo amni oo qabyo ah oo Moscow ay rabto in Mareykanka ay la saxeexato. Waxay bixin doonaan dammaanad sharci ah oo ku aaddan in Nato ay ka tanaasuli doonto dhaqdhaqaaqa milatari ee Bariga Yurub iyo Ukraine.

Soo jeedinta ayaa u muuqata mid mamnuucaysa in Nato loo diro dalalkii ku biiray isbahaysiga ka dib 1997. Ruushka ayaa sidoo kale dalbanaya in la joojiyo ballaarinta Nato ee dhulkii hore ee Soofiyeedka.

Warbixin kooban oo dhanka online-ka, waxaan u soo jeediyay Mr Ryabkov in waxa Ruushku soo jeedinayo ay tahay "dib u qiimeyn dhamaystiran oo lagu sameeyo natiijada dagaalkii qaboobaa".

"Kuma tilmaamayo dib-u-eegis lagu sameeyay natiijadii dagaalkii qaboobaa," ayuu ku jawaabay. "Waxaan dhihi lahaa waxaan dib u qiimeyneynaa is-balaarinta reer galbeedka ay sameeyeen sanadihii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa danaha Ruushka. Taas waxaa loo sameeyay siyaabo kala duwan, iyadoo la adeegsanayo kheyraad kala duwan iyo ujeedo colaadeed.

Nato ayaa diiday in ay wax "ujeeddo colaadeed" ka leedahay Ruushka.

Maxaa dhacaya haddii Ruushku ku guuldareysto inuu helo dammaanadda amniga ee uu dalbanayo?

"Waxaan daabuli doonnaa gantaallada. Laakin tani waa doorashadiina, ma ahan wax inaga aan dooneyno," ayuu yiri Dmitry Kiselev, oo soo bandhigayay barnaamijka ugu caansan ee TV-ga qaranka Ruushka, isla markaana door muhiim ah ka ciyaara faafinta farriinta Kremlin-ka ee dadweynaha.

Mr Kiselev, oo ay saaran tahay cunaqabatayn dhanka reer galbeedka, ayaa sidoo kale madax ka ah warbaahinta dawladda.

"Haddii Ukraine ay ku biirto Nato ama Nato ay horumariso kaabayaasha militariga halkaas, waxaan qori madaxa kaga qaban doonnaa Mareykanka, waxaan leenahay awood ciidan. "Ruushka waxa uu haystaa hubka ugu tayada badan aduunka - kuwa xawaarahoooda dheereeya.

"Ruushka diyaar ma u yahay inuu awood u isticmaalo inuu difaaco khadadka cas?" Waxaan su'aashaasi weydiiyay Mr Kiselev.

"Boqolkiiba boqol, sababtoo ah Ruushka tani waxay u tahay su'aal ku saabsan nolol ama geeri."

"Balse Ruushka ma waxa uu u taliyaa deriskiisa oo waxaad leedihiin Kazakhstan, Azerbaijan, Moldova iyo dhammaan jamhuuriyadii hore ee Soofiyeedka wax xiriir ah lama yeelan karin Nato?"

"Wadamadan waxaa la dhihi karaa waa kuwo nasiib badan ama kuwa nasiib xun in ay daris la noqdaan Ruushaka taasi waa xaqiiqda taariikhiga ah, ma bedeli karaan taas."

Waxay la mid yihiin Mexico. Waa nasiib fiican ama nasiib xun in Mareykanka aad daris la noqoto, "ayuu yidhi Mr Kiselev.

"Way fiicnaan lahayd in aan is waafajino danahayaga oo aan la dhigin Ruushka meel ay gantaallo nagu soo gaaraan afar daqiiqo," ayuu raaciyay. "Ruushka waxa uu diyaar u yahay in uu abuuro khatar taasi la mid ah, iyada oo hubkeeda geynaysa meel u dhow xarumaha go'aan qaadashada. Laakiin waxaan soo jeedinaynaa hab looga fogaado in taasi ay dhacdo, oo aan la abuurin hanjabaado."

Haddaba, dhismaha ciidamada Ruushka ee aagga Ukraine ma dublamaasiyad qasab ah baa? Hadafka Kremlinku ma yahay in uu Washington ka soo saaro tanaasulaad iyo dammaanad qaadyo ammaan iyada oo aan loo baahnayn dagaal? Hadday sidaas tahay, waa hab heersare ah.

Andrei Kortunov, agaasimaha guud ee Golaha Arrimaha Caalamiga ah ee Ruushka, ayaa yiri "Waxaa jirta khatar dhab ah oo ka dhalan karta kor u kaca aan ku talagalka ahayn ee maamulka Ruushka.

"Uma malaynayo in Ruushku uu hadda diiradda saarayo sheekooyinka guusha siyaasadda arrimaha dibadda, dhab ama male-awaal," ayuu yiri Mr Kortunov. "Ajandaha inta badan waa gudaha iyo walaaca dhabta ah ee Ruushku waxay ku xiran yihiin dhibaatooyinka bulshada iyo dhaqaalaha. Uma maleynayo in Putin uu awood u leeyahay inuu helo laba dhibcood oo dheeraad ah haddii uu bilaabo hawlgal dibadda ah."