Xiisadda Ukraine: Waa maxay shuruudaha uu Ruushku hor dhigay Nato?
Ruushka ayaa dalbaday in la xaddido dhaqdhaqaaqa isbahaysiga militariga NATO ee uu Mareykanku horkacayo ay ka wadaan dalalka ku yaalla Bariga Yurub.
Dalabaadyada, oo ay u badan tahay inaan laga oggolaan, ayaa ku soo aadaya xilli dalalka Galbeedka ay ka baqayaan in Ruushku uu qorsheynayo duullaan uu ku qaado deriskiisa Ukraine.
Ruushka ayaa arrintan beeniyay, balse wuxuu doonayaa in Nato ay isbahaysigeeda ka hor istaagto Ukraine iyo dalalka kaleba.
Wuxuu sidoo kale codsaday wada hadallo deg deg ah oo uu la yeesho Mareykanka.
Mareykanka ayaa sheegay inuu u furan yahay wada hadal balse uu sidoo kale miiska soo saarayo dalabaadkiisa.
"Waxaynu Ruushka kala xaajooneynay arrimaha ammaanka Yurub 20-kii sano ee la soo dhaafay," ayuu yiri La Taliyaha Ammaanka Qaranka Jake Sullivan.
"Taasi mararka qaar horumar ayaa laga gaaray, mararka qaarna way dhicisoobeen, balse waanu u diyaarsannahay wada hadal."
Goor sii horreysay shalay, afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki ayaa weriyeyaasha u sheegtay in Mareykanku uusan keligii wada hadal geli doonin: "Ma jiri doonaan wada hadallo ku saabsan ammaanka Yurub oo ay ka maqan yihiin saaxiibbadeen Yurub."
Nato, oo markii hore loo aasaasay inay Yurub ka difaacdo khataraha suurtogalka ah ee uga imaan karay Midowgii Soofiyeetka, ayaa ciidamo waxay ka joogaan jamhuuriyadaha Baltic iyo Poland.
Ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Sergei Ryabkov ayaa sheegay in Ruushku uu Mareyanka iyo Nato u soo bandhigay labo qaraar. Ma jiro ikhtiyaar kale, ayuu yiri, iyadoo "xiriirka Ruushka iyo dalalka kale ee Galbeedka ay is aaminaaddu ka maran tahay".
Waxyaabaha uu soo jeediyay Ruushka waxaa ka mid ah dalabaadyo culus oo ay ka mid yihiin in dalalka ku biiray Nato kaddib Midowgii Soofiyeetka aysan ciidamo iyo hub geyn karin meelaha loo arko inay khatar ku yihiin Ruushka. Maraakiib dagaal aan loo oggolaan doonin meel ka baxsan dalkooda amaba meelaha ay ka soo weerari karaan Ruushka.
Tan ayaa micnaheedu wuxuu yahay in Nato aysan wax lug ah ku yeelan dhammaanba saddexda jamhuuriyadood ee Baltic ama Poland. Sidoo kale Nato ayaa laga doonayaa inay ka hor timaaddo qorshooyinka Ukraine iyo Georgia ay ugu biirayaan isbahaysiga Galbeedka.
Falanqeyn: Diblomaasiyadda Ruushka
Aad ayay u adag tahay in la sawirto Mareykanka iyo Nato oo qalinka ku duugaya dalabaadka Ruushka.
Ruushka ayaa dabanaya codka diidmada qayaxan in loo qaado dalalka ku biiraya Isbahaysiga. Nato ayaa dhowr jeer hore u sheegtay in Ruushku uusan wax shaqo ah ku lahayn cidda ku biireysa gaashaanbuurta.
Sidoo kale Raashiyaanku waxay doonayaan in saacadda dib loo celiyo May 1997. Dal walba oo ku biiray Nato kaddib taariikhdaas looma oggolaan doono ciidamada iyo hubka Nato. Sidee ayay dalalka Baltic, oo Ruushka u arka khatar dhab ah, ay u arkaan arrintaas?
Moscow si fiican ayay uga war heysaa inay dalbaneyso wax aysan Galbeedku aqbali doonin, marka maxay u dalbaneysaa?
Dabcan waa khiddad gorgortan. Waa weydiiso adduunka oo dhan, si aad u hesho waxyaabaha kale.
Ama waxaa laga yaabaa inay tahay qancin dadweyne: In bulshada Ruushka lagu qanciyo in xiisadda kordheysa ee u dhaxeysa Ruushka iyo Galbeedku aysan sabab ku lahayn Moscow. Ruushka ayaa ku duulay Georgia sanadkii 2008 wuxuuna gacanka Crimea ka qabsaday Ukraine sanadkii 2014 kahor inta uusan gacan siin goonni u goosatada bariga Ukraine.
Dagaalka bariga ayaa bilowdya bishii April 2014 waxaana ku dhintay in ka badan 14,000 oo qof.
Si kastaba, ciidamada uu Ruushku ku soo daabulayo xadka Ukraine ayaa waxay dhalisay cabsi laga qabo inuu ku duulo Ukraine.
Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa shir ay yeesheen Khamiistii waxay Ruushka uga digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii uu Ruushku qaado tallaabo milatari.
Waxay sheegeen in diblomaasiyaddu ay tahay inay diiradda saarto wada xaajoodka afar geeska ah ee u dhaxeeya xukuumadaha Paris, Berlin, Kyiv iyo Moscow. Ruushka ayaa door bidaya inuu diiradda saaro wada hadalka Mareykanka.
Xoghayaha Guud ee Nato Jens Stoltenberg ayaa ka digay in Ruushku uu kordhinayo oo uusan dhimeyn, ciidamada ka jooga xadka ee heysta dhammaanba qalabka dagaalka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Arbacadii sheegay inuu door bidayo in si deg deg ah cunaqabateyn loogu soo rogo Ruushka, kahor inta uusan qaadin tallaabo militari.
Ukraine ayaa xad la leh Midowga Yurub iyo Ruushka, oo ay leeyihiin xiriir bulsho iyo mid dhaqan oo qoto dheer.











