Gaashaan buurta Nato oo 70 sano jirsatay

Jens Stoltenberg
Qoraalka sawirka, Jens Stoltenberg

Xoghayaha guud ee Gaashaan buurta Nato, Jens Stoltenberg, ayaa ku xusay aasaaska 70 guuradii kasoo wareegatay isbeheysigan khudbad naadir ah oo uu ka jeediyay Aqalka Kongareska.

"Nato waa ay u wanaagsaneyd dalalka Yurub sidoo kalena Nato waa ay u Mareykanka," ayuu isna yiri Jens Stoltenberg, oo horey usoo noqday ra'isal wasaarihii hore ee Norway isaga oo sacbinaya.

Waxuu sheegay in Nato aysan dooneyn dagaal qabow oo cusub balse "aysan ahaaneyn mid jilacsan" markii ay timaado xiriirka ay la leedahay Ruushka.

Ururka isbeheysiga Nato ayaa loo sameeyay si looga hortago Ururkii Midowga Suufiyet.

Su'aalo ayaa laga keenay sii jiritaanka ururkaan maadaama ururkii Midowga sufiyet ee quwada lahaa uu burburay ku dhawaad 30 sano ka hor.

Madaxweyne Donald Trump ayaa si joogta ah ugu eedeeyo dalalka Yurub ee xubinta ka ah Ururka Nato inaysan qeyb ka qaadan culeeska difaaca ururkaan.

Gaashaan buurta Nato
Qoraalka sawirka, Gaashaan buurta Nato

Mr Stoltenberg ayaa u sheegay aqalka kongareska "in tani ay ahayd fariin cad oo ka timid madaxweyne Trump, fariintaani ay leedhaay saameyn dhab ah."

Muxuu Stoltenberg ka sheegay Ruushka?

Wuxuu ugu baaqay Ruushka inuu kusoo laabto heshiiska gantaalada ridada gaaban oo ay isaga baxeyso kaddib markii Mr Trump sheegay inuu ka baxayo dalkiisa isaga oo ku eedeeyay Ruushka inuu ku tuntay.

.
Qoraalka sawirka, .

"Ma dooneyno tantan cusub oo dhanka hubka ah," ayuu yiri Mr Stoltenberg".

Nato, ayuu sheegay, inaysan "dan ka lahayn inay ku tuurto bariga Yurub hubka nuklerka"

Balse ay dooneyso "in marwlaba ay qaado tallaabooyin muhiim ah si ay u bixiso ka hortag".

He wuxuu ku tilmaamay Nato sida "inaysan ahayn oo keliya isbaheysiga ugu cimriga dheer taariikhda balse ay tahay isbeheysiga ugu miro-dhalka wanaagsan taariikhda".