Maalinta Naafada: Waa kuma madaxweynihii isagoo gaariga naafada ku fadhiyay xukumayay dal?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maanta oo kale, 3-da December sanad kasta, waxaa dunida laga xusaa Maalinta Dadka Naafada ah.
Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa ku qiyaasaya in in ka badan hal bilyan oo qof, amaba qiyaastii boqolkiiba 15 bulshooyinka caalamka, ay la nool yihiin naafannimo.
Tiradan ayaa la filayaa inay kororto sababo la xiriira bulshadan oo sii gaboobeysa. Inkastoo uu jiro xiriir ka dhaxeeya naafonnimada iyo la'aanta adeegyada aasaasiga ah, haddana dhammaan dadka naafadaha ah isku heer kama joogaan adeegyada aasaasiga ah.
Xaqiiqooyin ku saabsan naafonimada, sida ay qabto QM:
- Boqolkiiba 80 1-ka bilyan ee qof ee naafadaah wxay ku nool yihiin dalalka soo koraya.
- Qiyaastii boqolkiiba 46 dadka waaweyn ee ay da'doodu tahay 60 amaba ka weyn tahay ayaa naafo ah.
- Mid ka mid ah shantii haween ayaa laga yaabaa inay mar uun naafo ahayd nolosheeda, halka tobankii carruurba uu midkood naafo noqon doono.
- Dadka la nool naafonimada ayaa waxay ka mid yihiin kuwa ugu badan ee uu soo rito xanuunka (Covid-19).
Maanta, dunidu waxay xusuusaneysaa Franklin Roosevelt, oo loo yaqaanno mid kamid ah dadkii ugu caansanaa qarnigii 20-naad. Waa madaxweynihii Mareykanka ee muddo 12 sano ah xukunka hayay isagoo ku fadhiya gaariga dadka naafada ah. Haddaba, waa kuma ninkan?
Franklin Roosevelt
Barta Encyclopedia Britannica ayaa lagu xusay in Franklin Delano Roosevelt, oo 30-kii January, 1882 ku dhashay Hyde Park, New York, Mareykanka isla markaana geeriyooday 12-kii April, 1945.
Rovelt waa madaxweynaha keliya ee Mareykanka soo mara kaas oo afar jeer xilka loo doortay. Wuxuu Mareykanku ka saaray labo xasaradood oo waaweyn oo soo wajahay qarnigii 20-aad, waxaana ka mid ah Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Wuxuu si weyn u ballaariyay awoodaha dowladda federaalka, wuxuuna ka qeyb qaatay dadaallada meesha looga saaray Naasiyiinta.
Carruurnimadiisii iyo dhalinyaranimadiisii
Roosevelt wuxuu ahaa wiilka keliya ee ay dhaleen James iyo Sarah Delano Roosevelt. Qoyska nolol raaxo leh ayuu ku noolaa, waxayna noloshooda ku qaadan jireen Hudson River Valley oo ka tirsan New York iyo dalalka Yurub.
Frnaklin ayaa guriga wax ku baran jiray ilaa uu ka gaaray da'da 14 sano markaas oo la geeyay Iskuulka Groton Preparatory oo ku yaalla magaalada Groton, Massachusetts.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Gudaha Groton, si la mid ah gurigooda, waxaa lagu barbaariyay inuu noqdo nin qaban kara xilalka dowladda.
Sanadkii 1900 Roosevelt wuxuu galay Jaamacadda Harvard, halkaasoo taariikhdiisii waxbarasho ay ahayd mid cajiib ah oo aad loo xusuusto. Intii uu dhiganayay Jaamacadda Harvard, waxaa saameyn ballaaran ku yeeshay mid ka mid ah ilma-adeerradii Madaxweyne Theodore Roosevelt, oo ahaa geesi u ololeyay dhaqaalaha dalkaas Mareykanka.
Intii uu jaamacadda dhiganayay, wuxuu jeclaaday gabadha uu abtiga u yahay Theodore Roosevelt, waa Eleanor Roosevelt, waxayna is guursadeen 17-kii March, 1905.
Shaqooyinkii hore ee uu siyaasadda ka soo qabtay
Wuxuu Franklin aad uga shaqeyn jiray in dhalinyarada uu ku borriyo inay qabtaan xilalka dowladda, Roosevelt wuxuu raadiyay fursad uu siyaasadda ku galo, fursadaasna wuxuu helay sanadkii 1910 markaas oo hoggaamiyeyaasha Xisbiga Dimuqraadiga ee Deegaanka Dutchess, New York, ay ku dhiirigeliyeen inuu isku dayo inuu kursi ka helo Aqalka Wakiillada.
Franklin ayaa aad u ololeeyay wuuna ku guuleystay doorashada.
Sanadkii 1911, Roosevelt waxaa mar kale loo doortay Aqalka Sare inkastoo uu ku dhacay xanuun sababay inuusan ka soo muuqan bulshada hortooda intii uu ololuhu socday.
Guushiisa waxaa qeyb ka ahaa dacaayadda weriye Lewis McHenry Howe oo ninka dheer, ee quruxda badan ee Roosevelt u arkayay siyaasi wanaagsan, daacad ayuuna u ahaa intii noloshiisa ka harsaneyd.
Sababo la xiriira taageerada Wilson, ayaa Roosevelt waxaa loo magacaabay Ku xigeenka Xoghayaha Ciidamada Badda bishii March 1913.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kaddib markii uu qarxay dagaalkii Yurub sanadkii 1914, Roosevelt wuxuu u ololeyn jiray is diyaarinta militariga.
Iyadoo Mareykanku uu dagaalka galay sanadkii 1917, wuxuu booqashooyin ballaaran ku sameynayay xarumaha ciidamada badda iyo saldhigyada dagaal ee dibadda.
Markii uu soo laabtay, Eleanor Roosevelt ayaa ogaatay in ninkeeda uu xiriir jaceyl la lahaa xoghayntiisii Lucy Mercer, sidaas darteed ayay ugu soo bandhigtay furriin, balse wuu diiday wuxuuna ballan qaaday inuusan mar dambe arki doonin Mercer (ballantaas oo uu jebiyay sanaidhii 1940-meeyadii).
Inkatsoo Eleanor iyo Franklin ay isku raaceen inay isla noolaadaan, haddana xiriirkooda ayaa gaabis noqday tan iyo waagaas.
Bishii August 1921, xilli uu Roosevelt fasxa ku joogay Jasiiradda Campobello ee New Brunswick, Canada, noloshiisa ayaa waxaa ku yimid isbeddel kaddib markii uu ku dhacay xanuunka dabeysha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xanuun badan ayaa la soo dersay muddo ayuuna naafo ahaa hooyadiis ayaana kula talisay inuu siyaasadda ka fadhiisto, balse xaaskiisa ayaa ku dhiirrigelisay inuusan ka bixin. Dhankiisa, Roosevelt marna kama uusan rajo dhigin inuu lugihiisa isu taagi doono.
Intii uu soo bogsanayay, Roosevelt ma uusan awoodin inuu siyaasadda ku sii jiro, wuxuuna ku tiirsanaa xaaskiisa oo hubisay in magaciisa uu ka sii dhex muuqda Xisbiga Dimuqraaddiga.
Inkastoo ay aad u xishooneysay markii hore, haddana Eleanor Roosevelt ayaa noqotay falanqeeye siyaasadda iyo qof bulshada dhiirrigeliya.
Sababo la xiriira khudbadihii ay ka jeedin jirtay New York, Roosevelt lagama weyn gebi ahaanba saaxadda siyaasadda.
Sanadkii 1924 wuxuu si la yaab leh uga soo muuqday magacaabiddii madaxweyne loogu magacaabayay Alfred Smith, barasaabkii New York.
Smith ayaa Roosevelt ku dhiirrigeliyay inuu u tartamo barasaabka New York sanadkii 1928, makrii hore wuu ka caga jiiday, balse ugu dambeyn wuu oggolaaday.
Isagoo gaari ku dhex marayay gobolka, ayaa Roosevelt wuxuu muujiyay in xanuunku uusan burburin dhalinyaranimadiisa iyo waxtarkiisa, taas oo sababtay in dadku ay ka fishaan in guul weyn uu siyaasadda ka gaari doono.
Wuxuu sidoo kale muujiyay nin sidii hore ka karti badan maaddaama uu soo arkay dhibaatooyinka nolosha. Roosevelt ayaa doorashadaas ku guuleystay.
Franklin ayaa sii waday howlihiisii siyaasadda, ilaa markii dambe uu ku hammiyay inuu noqdo madaxweyne.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne Roosevelt
Kaddib markii loo doortay madaxweynaha Mareykanka sanadkii 1933, wuxuu qaaday tallaabooyin dalkaasi looga saarayo xasaradaha dhaqaale, wuxuuna hirgeliyay codsiga "Heshiiska Cusub".
Intii lagu jiray sanadihii hore ee madaxtinnimadiisa, waxaa la meel mariyay heshiisyada Isbeddelka Agrarian iyo Soo Kabashada Warshadaha.
Arrintaas ayaa wax ka qabatay xasaradihii dhaqaale ee dalkaas, waxayna shaqooyin u abuurtay malaayiin qof oo Ameerikaan ah.
Franklin ayaa waxaa la doortay saddex jeer oo kale, waana madaxwenaha keliya ee Mareykanka soo mara ee afar jeer oo isku xiga xilka loo doorto.
Xaaladdiisa oo ka sii dartay iyo geeridiisii
Waxaa xanuun uu soo wajahay Madxaweyne Franklin, xaaladdiisa ayaana ka sii dareysay.
Horraantii April 1945 wuuxu nasasho ahana u aaday Warm Springs, Georgia.
Galabtii 12-kii April, isagoo sawir laga qaadayo, ayaa waxaa ku soo booday xanuun, saacado kaddibna wuu geeriyooday.










