Jai Bhim: Filimka Hindiga ah ee maalmahan adduunka oo dhan qabsaday

Xigashada Sawirka, Amazon prime video
Jai Bhim oo ah filim luuqadda Tamil ah ayaa dadka isticmaala shabakadda aflaamta qiimaysa ee IMDB ku qiimeeyeen filimka ugu sarreeya, isagoo garaacay filimada lagu tilmaamo kuwo caalmiga ah sida Shawshank Redemption iyo The Godfather.
Waa filimkii ugu dambeeyay ee filimada Hindiga ah ee si adag uga sheekeynaya cadaadiska ka dhanka ah Dalits, kuwaas oo ku jira halka ugu hooseysa ee mabda'a Hinduuga ah, ayuu yidhi wariyaha filimkaasi Aseem Chhabra.
Bilawga filimkan Jai Bhim, ayaa ku bilaabmaya saraakiisha bilayska oo koox tuhmanayaal ah kala saaraya iyaga oo ku salaynaya qoladooda.
Dadka ka soo jeeda beelaha sare ayaa la amrayaa in ay iska tagaan, halka kuwa kale ee Daliishta ah (oo ka mid ah reeraha la haybsooco ) lagu amrayo in ay joogaan. Ka dib, booliisku waxay dacwad been abuur ah ku soo oogeen kuwan ka soo jeeda kooxda labaad.
Waa muuqaal naxdin leh, oo ay gees ka taagan yihiin rag baqdin iyo cabsi ka muuqato, iyaga oo muujinaya sida ay uga warhayaan halka ay ku danbeyn doonaan - waa xasuusin in dhaqdhaqaaqyadan oo kale ay si joogto ah u dhacaan, iyo sida ay khatar ugu tahay nolosha dadka la haybsooco, gaar ahaan Dalits-ka, oo ku nool magaalooyinka yaryar iyo miyiga Hindiya.
Dalits waxay ka yihiin qiyaastii 20% dadka Hindiya, inkastoo sharciyo lagu ilaalinayo ay jiraan haddana waxa ay wali la kulmaan takoorid iyo rabshado iyaga ku gaar ah.
Magaca Jai Bhim ayaa turjumaad ahaan noqonaya "Bhim ha noolaado", oo ah halkudheg ay caan ka dhigeen xerta BR Ambedkar, oo ah aqoonyahan iyo hogaamiye ka soo jeeda Dalit, kaas oo ahaa madaxa naqshadda dastuurka Hindiya iyo waliba wasiirkii sharciga ee ugu horreeyay ee dalkaas.
Waxaa agaasime ka ah TJ Gnanavel, oo uu taageerayey xiddiga Tamil-ka ah ee Suriya, filimku wuxuu ka sheekeynayaa sheekada dhabta ah ee qareen sooma jeesta ah oo baadigoobaya caddaalad - oo uu metelayo Suriya - kaas oo u dagaallamaya codsi ay usoo gudbisay haweeney uur leh oo ninkeeda la dhigay xabsiga, kadibna lagu dhawaaqay in la la' yahay.
Jai Bhim waa qeyb ka mid ah dhaq-dhaqaaqa cusub ee shaleemada Tamil-ka kaas oo ay dhalinyaro badan oo filim sameeyayaal ah ay ka sheekeynayaan, sheekooyin cabudhin ah oo ka dhan ah bulshada Dalits.
"30-kii sano ee la soo dhaafay, laga bilaabo xuska qarniga Ambedkar ee 1991, dhaqdhaqaaqa Dalit wuxuu ku sii kordhayay Tamil Nadu," ayuu yidhi taariikhyahan dhanka filimada ah S Theodore Baskaran.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, qaar ka mid ah qorayaasha filimada ayaa u dhaqaaqay tebinta sheekoyinkaan waxayna sameeyeen filimo tiro ah, iyaga oo ku koobnaa markii hore dhanka heesaha iyo aflaamta koob kooban.

Xigashada Sawirka, Amazon prime video
Hadda, sheekooyinka Dalit ayaa sidoo kale boos ka helay filimada madaxbannaan ama kuwa loo yaaqaan indie-ga ee luqadaha kale ee Hindida, oo ay ku jiraan aflaamta kala ah, Anhey Gorhey Da Daan (Punjabi), Dalit Sikhs; Masaan (Hindi).
Agaasimayaasha waxaa ka mid ah filim sameeyaha ruug caddaaga ah ee Vetrimaaran, kaasoo sameeyay Visaaranai, filim 2015 ka hadlayay dhibaatada muhaajiriinta Tamilka ah ee ku sugan dalalka deriska la ah.

Xigashada Sawirka, WUNDERBAR FILMS
Jilayaasha ku caan baxay in ay hoggaamiyaan aflaamta bulshada ka hadlaysa waxaa ka mid ah Rajinikanth, oo sheegay markii uu arkay dhibta ay dadkaasi maraan iyo guud ahaan sheekooyinka xanuunka leh uu oggolaaday in hoggaamiyo filimaan moduucan ka hadlaya.
Waxaa jira qaar dareemaya in matalaadda jilayaasha Dalit ee shineemooyinka Tamil aysan u qalmin dhammaan ammaanta ay helaan.
Leena Manimekalai, oo ah agaasimaha filimka 2019 Maadathy, oo ka hadlaya isna sheeko cadaalad darro ku aroorta - waa qiso dhib badan oo ku saabsan gabadh da'yar oo ka soo jeeda beesha Dalit oo la takoorayo- waxay dareensan tahay in shaleemada cusub aysan si sax ah kuwo badan oo ka mid ah aysan u metelin dareenkooda.
Laakiin way caddahay in daawadayaasha ay daawanayaan filim cusub oo loo jilay si heersare ah tebinayana sheeko sare . Jai Bhim weli kuma uu baahin dhanka tiyaatarada sidaa darteed ma jiraan lambaro Boxoffice-ka ah oo sheegaya shacbiyaddiisa gaarka ah.
Laakiin qiimeynteeda 9.6 ee ay siiyeen dadka isticmaale ee IMDB ayaa ku riixday booska koowaad ee dhanka internetka.











