Maxay tahay lacata 520 sano-jirka ee haatan laga helay Kanada?

Xigashada Sawirka, Bill Gilbert
Khubarada cilmiga qadiimiga ah ee bariga Newfoundland ayaa soo saaray waxa noqon kara shilimaad Ingiriis ah ee ugu da'da weyn ee abid laga helo Kanada.
Lacagta naadirka ah ee qalinka ah - oo cabbirkeedu la'eg yahay qadaadiicda nikkel ee Maraykanka - ayaa laga helay goobta taariikhiga ah ee Cupids Cove, oo ah degaankii ugu horreysay ee Kanada ee dadkii Ingiriiska ay gaareen.
Waxaa loo yaqaanaa Shilimaadka yar ee groat amatwo- ee Henry VII, waxaana la rumeysan yahay in lacagtan la isticmaali jiray in ka badan 520 sano ka hor.
Lacagta ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo goob dalxiis, marka la gaaro sannadka 2022-ka.
"Waa wax cajiib ah in la qiyaaso in lacagtan laga soo saaray England oo ay ku luntay Cupids, boqol sano ka dib," ayuu yiri Steve Crocker, wasiirka dalxiiska, dhaqanka, farshaxanka iyo madadaalada, ka dib warbixin uu soo saaray Arbacadii.
"Waxay xidhiidhinaysaa sheekada sahamintii hore ee Yurub ee gobolka iyo bilawgii degitaanka Ingiriiska."
Koox cilmi-baarayaal qadiimiga ah ayaa daraasad ku sameeyay lacagtan iyagoo la tashanayay khabiir hore oo ka tirsan Matxafka Lacagta ee Bankiga Kanada, waxayna loo maleynayaa in lagu aasay magaalada qadiimiga ah ee Canterbury, intii u dhexeeysay 1493 iyo 1499.
Madaxa Cilmibaarayaasha, William Gilbert, oo hormuud ka ahaa qodista goobta ilaa 1995, ayaa daahfurka ku tilmaamay "mid aad muhiim u ah".
"Qaar ka mid ah waxyaabaha qaaddiimiga ah ee aan helno ayaa muhiim u ah waxa ay nooga sheegaan goobta. Lacagtaas dhab ahaantii waa mid ka mid ah kuwii dambe," ayuu yiri Mr Gilbert.
"Waxaa la yaaba ah safarka ay soo martay lacagtan, iyo inta gacmo ay soo martay."
Bishii Ogosto 1610-kii, koox Ingiriis ah ayaa degay meesha loo yaqaan Cupers Cove, ee Conception Bay, Newfoundland. Waxaa hoggaaminayay nin ganacsade ahaa oo reer Bristol ahaa, oo magaciisa la oran jiray John Guy.
Sannado gudahood, gumaystaha waxay halkaas ka dhiseen dhismayaal dhowr ah, oo ay ku jiraan qalcado iyo warshad alwaax ah.
Sannadkii 2001-dii, kooxda Mr Gilbert waxay isla goobtaas ku soo bandhigeen qadaadiic, Elizabeth ah, taas oo wakhtigaas loo arkayay in ay ahayd lacagta Ingiriiska ugu da'da weyn ee laga helo Kanada.
Lacagtan dhowaan la helay ayaa la rumaysan yahay in ay ka weyn tahay 60 sannadood.












