Maxay dhakhaatiirtan u dideen inay daweeyaan bukaannadan?

Sawirro lasoo qaaday Arbacadii oo muujinaya dhakhaatiirta oo daweynaya qof ku dhaawacmay dibadbaxyada Eswatini

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Sawirro lasoo qaaday Arbacadii oo muujinaya dhakhaatiirta oo daweynaya qof ku dhaawacmay dibadbaxyada Eswatini

Shaqaalaha caafimaadka ee dalka Eswatini ee dhaca koonfurta Afrika ayaa diiday inay daweeyaan bukaannada ka tirsan booliska dalkaas kadib markii ay ku eedeeyeen inay dhawaaceen dhakhaatiir kale oo Arbacadii ka qeybgalayay dibadbaxyo ka dhacay dalkaas.

Tan iyo bishii June waxay dibadbaxyo harreeyeen boqortooyadan oo horey loo oran jiray Swaziland.

Adeegyadii Internetka ayaa hawada ka maqan iyadoo la xiray baraha bulshada sida Facebook si looga hortaggo ina dibadbaxyo rabshada wata ay ka dhacaan halkaas.

Dowladda oo horey u beenisay in laamaha amniga ay adeegsadeen rasaas nool nool ayaa haatan mamnuucday in la qabto dibadbaxyada.

"Ma jiro wax war ah oo ku saabsan kalkaaliyeyaal la toogtay" ayuu yiri Afhayeen u hadlay dowladda xilli uu la hadlayay barnaamijka BBC Focus on Africa.

"Booliska ayaa waddooyinka ku sugan si ay xaaladda u dejiyaan, mana jirto cid la tooganayo"

Wuxuu intaa ku daray in Eswatini uu yahay dal lagu dhisay nabad iyo wadaxaajood.

Wararka waay sheegayaan in Jimcihii ay kalkaaliyeyaasha dibadbaxyo ka hor dhigeen ilaa saddex cisbitaal.

Bogga Twitter-ka ee The Swazi News Twitter account ayaa baahiyay muuqaal ku saabsan dhakhaatiirta oo dibadbaxyo ka hor dhigaya xarun caafimaad oo ku taalla koonfurta dalkaas.

Horraantii toddobaadkan, shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa dowladda kuwaas oo ku wajahnaa xarunta baarlamaanka iyaga oo codsanayo in nolol wanaagsan ay helaan ayaa waxay la kulmeen 'awoodda ciidamada oo aan horey loo arag" waxaa sidaas yiri ururka ay ku midoobeen dhakhaatiirta Swaziland.

Ururka waxay intaas ku dareen in 30 dhakhaatiir ah ay dhawaacmeen markii booliska iyo militeriga ay rasaas ku fureen halka wiil yar oo waddada taagnaa ay toogteen.

Ururka waxay sheegeen in iyaga oo taageero u muujinayo kalkaaliyeyaasha aysan daweyn doonin booliska.

Madaxa ururka ay ku buhoobeen kalkaaliyeyaasha Eswatini Mdluli ayaa BBC u sheegay in haatan dhakhaatiirta ay ka cabsanayaan booliska.

"Waxaa ina soo garaaya warar sheegayo in booliska ay toogteen shaqaalaha caafimaadka ee ku sugan cisbitaallada--haatan noloshooda ayaan u cabsaneynaa"

Mr Mdluli wuxuu haatan ka codsaday wasaaradda caafimaadka inay xaqiijiso amniga dhakhaatiirta ka hor inta aysan joojin shaqo joojinta ay wadaan.

Wafddi ka socda urur goboleedka ay ku mideysan dalalka dhaca koonfurta Afrika ayaa haatan kulamo la qaadanaya boqor Mswati III si loo dejiyo xiisadda ka taagan dalkaas kadib markii banaanbaxyo dimuqraadiyadda lagu raadinayo ay ka dhaceen halkaas.

"Wararka ka imaanayo Eswatini waa kuwa naxdin leh, haatan xaaladda siyaasadeed ayaa cirka isku shareertay" ayuu yiri Jeff Radebe, oo hoggaaminaya wafdi ka socda ururka goboleedka SADAC xilli uu la hadlayay warbaahinta dowladda Koonfur Afrika.

Shaqaalaha caafimaadka, ardeyda, shaqaalaha gaadiidka iyo dadweyne kale ayaa dibadbaxyo ballaaran ka dhigay Eswatini waxay codsanayaan in dastuurka wax looga baddalo oo ay doorasho ugu dareeraan.

Dibadbaxyada waxaa sii huriyay sinaan la'aanta dhanka nolosha ah, sanadkii 2016, boqolkii wax ka yar 60 dadweynaha Eswatinin waxay wajahayaan macluul, sida laga soo xigtay bangiga adduunka.

Dibadbaxyada ay dhigeen ardeyda ayaa Isniintii horseeday in iskuullada la xiro, waaxaana tallaabadan dhaleeceeyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres.