DHAGEYSO: Gabdho Soomaali ah oo sannadkasta xusa dilkii Qadaafi
Toban sano ayaa laga joogaa markii la dilay hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay dalka Liibiya, Korneel Mucammar Al-Qadaafi, kaasi oo maanta oo kale sanadkii 2011-kii lagu dilay colaaddii looga soo horjeeday dowladdiisa.
Tan iyo xilligaasina, dalka Liibiya waxaa soo maray colaad iyo laba doorasho baarlamaan, iaydoo mid ka mid ah doorashadaasi oo dhacday sanadkii 2014-kii laba garab u kala qeybisay dowladda, oo mid xarunteeda ay noqotay Benqaazi halka tan kale ay deganayd Tripoli.
Inkastoo dadka reer Liibiya intooda badan aysan xuseyn geerida Qadaafi, haddana laba gabdhood oo walaala ah oo Soomaali ah oo hadda ku nool magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayay maanta u tahay maalin madow.
Farxiyo Qassim Xaaji Xussein iyo Sucaad Qassim Xaaji , ayaa maanta Gaalkacyo ku qabtay munaasaabad duca ah oo ay ugu duceynayeen Mucamar Al-Qadaafi, Farxiyo ayaanna weydiiyay sababtu.
Haddaba labadaasi gabdhood ee Farxiyo Qassim iyo Sucaad Qassim oo kaliya ma ahan dadka Soomaaliyeed ee la kulmay Mucamar Al-Qadaafi.
Boqor Cismaan Aw Maxamed (Buur-Madow) oo ay muddo isla soo shaqeeyeen Mucamar Al Qadaafi ayaan weydiiyay shakhsiyadda Qadaafi iyo xiriirkii kala dhaxeeyay dadka Soomaalida?



