You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Magaalooyiinka biyaha dul saaran... Guryaha dul sabeyaan biyaha badda ma qaab cusub baa?
Dad badan waxay qabaan in xalka ugu muhiimsan uu yahay in mustaqbalka la dhiso guryo dul sabeynayo badda si looga hortaggo dhibaatooyinka ka dhasha cimilada kulul iyo sare u kaca biyaha badda.
Balse waxaa jiro dad badan oo la yaabaan guryaha badda laga dul dhisay ee ku yaalla caasimadda Netherlands ee Amsterdam kuwaas oo soo jiidasho leh oo ku yaalla goob hawo raaxa leh.
Marka aad gaarto badda Amsterdam waxaa aad arkeysaa dad degan gudaha badda oo iska socda oo ka dukaameysanaya halkaas, kuwa kalena waxay ku wataan baaskiil.
Shirkadda Tan van Neymen, Montefloor, ayaa naqshadeysay mashruuca guryahan looga dul dhisay biyaha badda.
Shirkadda oo dhistay 100 guri oo biyaha dul sabeeya ayaa sheegtay in wax sahlan ay tahay fullinta mashruuc noocan ah.
Netherlands ayaa ka mid ah meelaha sida tijaabada looga hirgelinaya mashruucan maadama dalkan ay dhibaato ku hayaan sare u kaca biyaha badda.
Sida ku xusan daraasad la sameeyay, dalka Netherlands wuxuu dhaqaale badan ka sameeyaa guryaha laga dul dhisay biyaha badda, kuwaas oo qaarkood uu ka muuqdo naqshadihii hore ee taariikhda u ahaa waddankaas.
Mike van Wingarden, oo ku nool duleedka magaalada Amsterdam, wuxuu lo'diisa marsiiyay buunddo ku taalla badda si uu u geeyo dhul cows leh oo dul sabeynayo biyaha badda, si uu ugu soo daajiyo halkaas.
"Habeen ka hor inta aysan lo'da imaanin halkaas, cabsi ayaa nala soo deristay balse markii dambe xaaladda wey wanaagsanaay".
Mike van Wingarden iyo xaaskiisa waxay ka soo laabteen Mareykanka, waxay bilaabeen fikradda ah in dhul cows leh oo badda dul sabeynayo laga hirgeliyo halkaas.
Markii uu ku laabtay Netherlands, sannadkii 2019, wuxuu beer dul sabeyneyso biyaha badda ka hirgeliyay aaggaas, wuxuu geeyay neefaf lo' ah oo loogu xannaaneeyo beeraha ku yaalla biyaha dushooda.
Waana beertii ugu horreysay ee noocan ah ee laga hirgeliyo adduunka, lo'da uu ku xanaaneeyo halkaas waxay soo saartaa caano iyo bur-cad, waxaana suuqa lagu geeyaa baaskiil iyo basas ku shaqeeyay korontada.
"Waxay ila tahay in mustaqbalka laga faa'idi doono beeraha noocan ah ee dul sabeeya biyaha," ayuu yiri Van Wingarden.
"Su'aasha la is weydin kara ayaa ah, magaalooyinka adduunka ma noqon karaan kuwa u siman in ay hirgeliyaan mashruucan guryaha iyo beeraha ee laga dul dhisayo badda".
Iyaga oo taageero ka helayo Qaramada Midoobey iyo waaxda Oceanic's waxay bilaabeen dadaallo iyo qorsheyaal guryo badan looga dhisayo badda, kuwaas oo gaaraya 10,000 oo guri oo ku fadhiya dhul baaxaddiisu gaareyso 75 Hectares.
Madaxa fullinta ee waaxda Oceanic's, Mark Collinschen, wuxuu ku taliyay in la dhiso degmooyin badan oo ku saabsan guryaha badda dul sabeeya sida Jakarta iyo Shanghai, kuwaas oo wajahaya dhibaatooyinka ka dhalan kara sare u kaca biyaha badda, waxaana lagu wadaa in ay qaadaan tallaabo noocan ah.
"Waxaan dhiseynaa guryo joogto ah oo ka hortaggi kara xaaladaha daran ee soo ifbaxaya.. mustaqbalka waxaan ku rajo wenahay in magaalooyin badan laga dhisi doono guryaha noocan ah, waana arrin aan rumeysanahay," ayuu yiri Mark Collinschen.
Qarniyo badan oo la soo dhaafay waxay dadka ku noolaayeen guryo noocan ah oo badda laga dul dhisay oo ay beeraha ka falan jireen.
"Waxaan soo uruurinay macluumaad la xiriira ilaa 64 magaalo oo dunida ku yaalla kuwaas oo dadkooda ay ku tiirsanaayeen beero dul sabeeya biyaha. Nidaamkan waa mid joogto ah," ayay tiri Julia Watson oo bare ka ah jaamacadda Harvard.
Arrintan waa mid sii jiri doonta, tusaale ahaan, dadka ku nool deegaanka dul sabeeya badda waxaa ka mid ah kuwa ku nool harada Titicaca ee dhacda xadka Bolivia uu la wadaago Peru.
Beeraha badda dul sabeeya waa kuwa caadi ah oo lagu arko dalka Bangaladesh gaar ahaan xilliyada dabeylaha.