"Aniga iyo ninkeygaba waxaan ka bogsanay kansarka naasaha ku dhaca"

Mark and Pat James

Xigashada Sawirka, Mark and Pat James

Pat iyo Mark James waxay og yihiin inay yihiin lammaane nasiib badan. Labaduba waxay ka badbaadeen kansarka naasaha ku dhaca.

Mark wuxuu ka mid yahay 370 nin oo ka mid ah ku dhawaad ​​56,000 oo qof oo laga helo kansarka naasaha UK sanad walba.

"Rag badan baa u haysta inaysan qaadi karin kansarka naasaha," ayuu yiri Mark, oo 79 jir ah.

"Ma aanan maqlin arrintaas ka hor inta uusan igu dhicin xanuunka," ayuu yiri Mark oo sida xaaskiisa oo kale raba inuu noqdo wacyi -geliye cudurka kansarka ah.

Wuxuu ku boorriyay ragga inay "xishoodkooda" dhinac iska dhigaan oo ay is baaraan.

Mark and Pat James

Xigashada Sawirka, Mark and Pat James

Qoraalka sawirka, Pat and Mark James waxay u jeesteen wacyigelinta

"Inta badan waxay u malaynayaan in xanuunka kansarka uu yahay xanuun ku dhaca haweenka oo kaliya waxaana ugu wacan haweenka waxay leeyihiin wacyigeliyaal badan " ayuu yiri Marka oo ah kaydkii hore ee Ciidanka.

"Balse raggu waxay u baahan yihiin inay ogaadaan inay qaadi karaan kansarka sidoo kalena ay u dhiman karaan. Sida dumarka oo kale, ayayna u baahan yihiin in xilli hore la baaro."

Pat kansarka naasaha wuxuu ku dhacay 40 sano ka hor markii labadooda ilmood ay yaraayeen. Waxay lagu sameeyay baaritaan deg -deg ah, waxaana ku xigay qalliin waxayna u suurogashay inay Mark ka caawiso dhibaatadii isaga u gaarka ahayd ee soo wajahaday kanasarka afar sano ka hor.

Mark James' breast surgery scar

Xigashada Sawirka, Mark and Pat James

Qoraalka sawirka, Mark ayaa dhakhtarka u tagay isbuuc ka dib markii uu isku arkay barar

"Raggu xitaa kuma fikiraan inay qaadaan kansarka naasaha," ayay tiri Pat, oo ah macallin qoob -ka -ciyaarka oo ku nool xeebta Porthcawl.

"Waxay ahayd arrin naxdin leh balse waxaa muhiim ahayd in goor hore la ogaaday cudurka."

Pat iyo Mark ayaa hadlay intii lagu jiray usbuuca wacyigelinta kansarka naasaha ee ragga. Sida xogta Cancer Research UK ay muujineyso qiyaastii 370 nin oo UK ku nool ayaa sannad walba cudurka qaada.

Mark James with his son Steven and grandson Keiran

Xigashada Sawirka, Mark and Pat James

Qoraalka sawirka, Mark wiilkiisa Steve iyo wiilka uu awowga u yahay Keiran si jooga ah ayay isu baraan

Mark hooyadii iyo walaashii ayaa sidoo kale qabay kansarka naasaha, cilmi -baarayaashu waxay sheegeen in ragga iyo dumarka ee labadaboodaba leh taariikh qoys oo dhanka kansarka naasaha ah ay halis ugu jiraan inay qaadaan cudurka.

"Waxaa jira farriin aad u xooggan oo haweenku ay ku eegaan naasahooda dumarka badidoodna waa og yihiin," ayay tiri madaxa fulinta ee Tenovus Cancer Care Judi Rhys

1px transparent line

"Laakiin ragga si sahal ah uma sameeyaan arrintaas sababtoo ah maba ogaba.

"Markaa haddii wax isbeddel ah uu ku yimaado aagga ibta, ragga ayaa iska indho -tiri kara oo u malaynaya inaysan waxba ahayn - marka waxay taasi keeneysaa in faraha laga qaado oo dhibaatada sii badato waana taas arrinta sababta kansarka naasaha ee ragga inta badan goor dambe la ogaado."

Mark wuxuu sameeyay la tashi kahor qalliinkii hernia ee bishii Maajo ee 2017.

Kalkaaliye caafimaad ayaa markii ugu horreysay ogaaday in wax khaldan yihiin wuxuuna kula taliyay inuu iska hubiyo.

Mark James

Xigashada Sawirka, Tenovus Cancer Care

Qoraalka sawirka, Mark James wuxuu gacan ka gaystaa wacyigelinta kansarka naasaha ee ragga ku dhaca

Toddobaadyo gudahoodna, waxaa ku dhacay cudurka kansarka naaska nooca 2 wuxuuna ku soo laabtay isbitaal ku yaal Bridgend oo uu qaliin ku galay.

"Nasiib ayaan lahayn oo waana nala ogeysiiyay dhibaatada kansarka waxaana u dhaqaaqnay inaan wax ka qabanno," ayuu yiri Mark.

Kansarka naasuhu wuu ku yar yahay ragga wuxuuna badanaa saameeyaa raggu ay da'dooda ka weyntahay 50-jirka.

Marka weli waxa ka boogsoonayaa kansarka naasaha ku dhaca, waxa uuna maalinkasta qaataa dawo iyadoo caruurtiisana ay baaritaan joogta ah sameeyaan.