Muxuu yahay walaaca ay Masar ka qabto qorshada ay Itoobiya Turkiga uga iibsaneyso Drones-ka?

Diyaaradda aan duuliyaha lahayn nooca Bayraktar TB2

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Diyaaradda aan duuliyaha lahayn nooca Bayraktar TB2

Itoobiya ayaa Turkiga ka dalbatay inay ka iibsato diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn, ee loo yaqaano Biraktar TB2, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

DowladdaTurkigu ayaa muddooyiinkii u dambeeyay waxa ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka iibisay dhowr dal oo ay ku jiraan dalalka Waqooyiga Afrika.

Mid ka mid ah diblomaasiyiinta arrinta u dhuun duleela si dhaw-na ula socday ayaa sheegay in dowoladda Morocco ay heshay qeybtii koowaad ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay dalbadeen bishii May ee sannadkii aanu soo dhaafnay.

Wuxuu uu intaa ku daray in Itoobiya ay qorsheyneyso inay soo iibsato diyaaradaha nooca Drone-ka ee ay Turkiga farsameeyeen.

Qorshaha ay ay Itoobiya ku soo iibsanayso diyaaradahan ayaan wax faahfaahin ah laga bixin.

Heshiiska ayaa waxaa sida la sheegay qeyb ka ah bixinta qalabka dayactirka iyo in Itoobiya loo tababaro shaqaale, inkastoo, ilo -wareedyadu aysan wax badan ka sheegin tirada diyaaradaha ay Itoobiya doonayso inay ka iibsato Turkiga, sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters.

Itoobiya, Morocco iyo Turkiga ayaan dhankooda ka hadlin qorshahan.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in codsi faahfaahin ah oo ay u diratay dawladaha dalalkaas aysan wax jawaab ah ka bixin.

Dhanka kale, waxyaabaha uu Turkiga u dhoofiyo dalalka Itoobiya iyo Marooko ay sare u kacay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Marka loo eego xogta ka soo baxday Shirka Ganacsatada Dhoofinta Turkiga, Itoobiya ayaa qalabka difaaca cirka ee ay Turkiga ka soo dhofsatay saddexdii bilood ee ugu horreysay sannad -ka ay kordhay oo gaartay $ 203,000 illaa $ 51 milyan .

Maxay Masar uga careysan tahay qorshaha Itoobiya?

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters qorshaha Itoobiya ay kaga iibsanayso Turkiga diyaarad aan duuliye lahayn ayaa waxaa ka carootay dowladda Masar.

Laba ka mid ah sarkaasha gaashaandhigga Masar ayaa u sheegay wakaalada Reuters in Qaahira ay ugu baaqday Midowga Yurub iyo Mareykanka inay soo farageliyaan si looga hortago heshiis kasta oo suuragal ah in Itoobiya iyo Turkiga ay ka gaaraan arrimaha gaashaandhiga.

Walaaca Masar ay ka qabto Itoobiya ayaa la xiriira muranka u dhaxeeya labada dal oo ku saabsan dhismaha biyo xireenka Webiga Niilka.

Xiriirka ka dhaxeeya Qaahira iyo Ankara ayaan sidoo kale ahayn mid aad u wanaagsan.

Il wareed saddexaad oo ka tirsan dowladda Masar ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Turkiga looga baahan yahay inay la tashadaan Masar ka hor inta aan heshiis la gaarin Itoobiya.

Diyaaradda TB2

Xigashada Sawirka, BAYKARDEFENCE

Qoraalka sawirka, Diyaaradda TB2

Diyaaradda aan duuliayah lahayn ee Biractar TB 2

Diyaaradahan TB2 ayaa la sheegay inay yihiin diyaarado heerkoodu sareeyo ka taya wanaagsan kuwa laga soo saaro dalal badan.

Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan.

Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay hadda ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.

Bishii May dalka Poland oo xubin ka ah gaashanbuurta NATO, ayaa heshii ay ku iibsanayaan 24 diyaaradood la galay Turkiga.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in wasiirka gaashaandhigga Poland uu u sheegay idaacadda lagu magacaabo Radio 2 ee dalkiisa in diyaaraduhan ay muujiyeen "kartidooda dagaalka."

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Sacuudiga ay sidoo kale muujiyeen inay danaynayaan inay iibsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga.

Waxtarka Bayraktar TB2 marka goobaha dagaalka la joogo

Diyaaradan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada.

Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150 kg ayaa ka howgali karta masaafo dhan ilaa 300 km.

Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Dronis-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah.

Diyaaradahaan waxay qaadi karaan 4 gantaal oo waaweyn.

Waxaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay furo u ahaayeen guushii ay Azerbaijan ka gaareen dagaalkii ay la galeen iyo Armenia.

Diyaaradaha ayaa waxaa uu sidoo kale Turkiga u adeegsaday dagaallada Suuriya iyo Liibiya.

U adeegsiga diyaaradahan ee dagaalka Tigray

Tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Tigray ee woqooyiga Itoobiya, waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidamada dawladd Itoobiya ay diyaaradahaan u adeegsadeen weerarada ka dhanka ah xoogagga TPLF.

Wareysi uu siiyay telefishinka qaranka sanadkii 2013 -kii, Major General Yilma Merdasam, oo ah taliyaha ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa xaqiijiyay in ay adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.