Maxay hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad ka qabanaysay dalka Iran?

Bishii Febrayo sanadkii 2017, koox aanan heebtooda la aqoonin ayaa jabsaday xarun cidla aheyd oo ku taallay caasimadda Iran ee Tehran halkaas oo laga dhacay dokumentiyo, khariidad, cajalado lagu keydiyay xog xasaasi ah oo ku saabsaneyd barnaaamijka nukliyeerka Iran.
Saddex bilood kadib howlgalkaas qarsoodiga ahaa, dokumentiyada lasoo xaday waxaa lagu arkay magaalada Tel Aviv ee Israa'iil.
Ra'iisul Wasaarahii Israa'iil, Benjamin Netanyahu ayaa soo bandhigay dokumenitiyo iyo cajalado uu ku sheegay in sirdoonka Mossad ay kasoo xadeen Iran kadib howlgal loo diray oo ay kasoo fuliyeen Iran.
Wuxuu sheegay in uu hayo caddeymo ah in Iran ay isku dayeyso inay xoojiso barnaamijkeeda Nukliyeerka.
Iran waxay beenisay eedeymahaas.
Haddaba , sidee sirdoonka Israa'iil ay ugu suurogashay inay soo xadaan xogta ku saabsaneyd barnaamijka Nukliyeerka Iran? kaalin inte la 'eg ayay hay'addan ku leedahay dilalka iyo weerarada ka dhaca goobaha muhiimka ah ee Iran?
Si looga jawaabo su'aalahaas isla markaana baaritaan loogu sameeyo shaqada Mossad, BBC-da waxay u safartay Tel Aviv caasimadda Israa'iil- oo ah goobta laga maamulo amniga iyo arrimaha sirdoonka Israa'iil.
'Kama hadleyno ubax'
Howlaha ay qabtaan laanta sirdoonka Mossad ayaa ah kuwa qarsoodi ah xitaa lama ogo halka xarunta u ah hay'addan.
Waxaana kamid ah howlgallada ay ku guuleysteen howlgal la doonayay in lagu qaarijiyo Mohsen Fakhrizadeh, oo ahaa madaxiii qorsheynta nukliyeerka Iran kaas oo lagu dilay meel u dhaw caasimadda Tehran, ma jirto cid xaqiijisay in dilkiisa ay ka dambeysay Israa'iil.
Wareysi ay BBC-da la yeelatay , wasiirka arrimaha gaashaandhigga Israa'iil Benny Gantz ayaa diiday in uu ka hadlo dilka sarkaalkaas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Israa'iil waxay leedahay mid kamid ah sirdoonada iyo nidaamyada amniga qaabilsan ee ugu wanaagsan caalamka, waxay sameeyaan wax kasta oo suurtagal ah si ay isku difaacaan, waxay adeegsadaan qaabab kala duwan"
Norman Roll, oo ah sarkaal hore oo ka tirsanaa waaxda sirdoonka Mareykanka CIA-da ee u qaabilsanaa Bariga Dhexe ayaa BBC-da u sheegay in howlgalkii qarsoodiga ahaa ay sirdoonka Israa'iil ay ugu sameeyeen barnaamijka nukliyeerka Iran uu ahaa 'guulaha sirdoon ee ugu weyn ee casrigan la gaaro'.
BBC-da waxay gudaha Israa'iil ku aragtay dokumentiyo dhowr ah oo lasoo xaday, BBC-da ma xaqiijin karto caddeymaha ku saabsan dokumentiyada balse waxaa ka muuqday habraacyo ay leedahay Iran.
Saraakiishii sirdoonka isku baddalay

Xigashada Sawirka, IRAN MEDIA
Saraakiil hore oo Iraaniyiin ah waxay rumeysan yihiin in sirdoonka Israa'iil uu saameyn xooggan ku leeyahay arrimaha amniga iyo gaashaandhigga.
Ali Younesi, wasiirkii hore ee arrimaha sirdoonka Iran ayaa dhawaan ka digay saameynta ay Mossad ku lahaan karaan qeybo badan oo kamid ah dalka, "Dhammaan saraakiisha Kacaanka Islaamiga ee Iran waa inay naftooda ilaaliyaan"
BBC-da waxay la xiriirtay saraakiil ku sugan xabsiga Evin kuwaas oo sheegay inay jiraan saraakiil ka tirsan laamaha amniga iyo militeriga Iran oo ku xiran halkaas, waxaana kamid ah kuwo ka tirsan ciidamada ilaalada Kacaanka iyo ciidamada Qudus, waxaana lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen dalal shisheeye gaar ahaan Israa'iil si ay u basaasto Iran.











