Hindiya: Darawalkii gaariga xamuulka ah wuu hilmaamay inuu diyaarad waday

Caalamka oo dhan waxaa si weyn ugu faafay muuqaal ku saabsan mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Air India oo ku xayiran buundo ku taalla magaalada New Delhi ee caasimadda u ah dalka Hindiya.

Hadal heyn aad u weyn ayaa ka dhalatay dhacdadaas oo qabsatay wararka telefishinnada, baraha bulshada iyo bogagga internet-ka.

Diyaaradda oo ahayd mid howlgab ah oo aan shaqeynin ayaa la soo tabiyay in la iibiyay, waxaana lagu waday gaari xamuul ah marka ay ku xannibmeysay buundada hoosteeda.

Muuqaalka la shaaciyay ayaa muujinaya gawaari garab mareysay diyaaradda oo u muuqata in garbihii laga gooyay.

Wariye u dhashay Hindiya, Ashok Raj, oo muuqaalka la isla wadaagayo soo galiyay Twitter-ka ayaa sidoo kale shaaciyay bayaan ka soo baxay maamulka shirkadda diyaaradaha ee Air India, taasoo sheegtay "in aysan wax xiriir ah la lahayn diyaaraddaas, mas'uuliyaddeedana horay loogala wareegay".

"Tani waa diyaarad laga saaray liiska gaadiidka hawada ee diiwaan gashan, waana diyaarad howlgab ka noqotay shaqada shirkadda Air India oo la sii iibiyay. Xalay waxaa qaatay qolada cusub ee iibsatay. Air India wax shaqo ah kuma laha xaalad walba oo ay diyaaraddaas ku lug leedahay," ayaa lagu yiri bayaanka.

Su'aalo badan ayaa la iska weydiinayaa sababta keentay in diyaaradda gaariga weyn lagu safrinayay ay ka hoos bixi weyso buundada, maadaama la doonayay in "horay loo sii ogaado cabirka".

Dadka hadal haya dhacdadan ayaa sheegay in darawalka gaariga xamuulka ah kaxeynayay uu hilmaamay inuu diyaarad ku wado dusha.

Yaa iibsaday diyaaradda?

Diyaaradda oo markii hore ay lahayd Air India, waxaa iibsaday nin aan la shaacinin aqoonsigiisa. Sida caadiga ah, marka uu qof iibsado diyaarad, waxaa laga doonayaa inuu meel la dhigo uga helo garoonka diyaaradaha kaddibna bixiyo lacagta kirada.

Laakiin qofka iibsaday diyaaraddan waxa uu doonayay inuu dhigto meel isaga u dhow.

Mas'uuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Delhi ayaa u sheegay wargeyska Times of India in "diyaaraddaas aysan ahayn mid laga leeyahay gegida New Delhi, darawalka safrinayayna ay suuragal tahay inuu ku khaldamay waddadaas".

Muuqaalka laga soo duubay meesha ay diyaaradda ku xayiran tahay ayaa kumannaan kun oo jeer lagu daawaday baraha bulshada ee Twitter iyo Youtube, dadkuna waxay la yaabban yihiin waxa diyaaraddaas keenay meesha markii ugu horreysayba.

Dadka iibsaday ayaa markii ay lacagta bixiyeen go'aansaday in ay diyaaradda soo saaraan gaari xamuul ah dushiis ka dibna la soo aadaan waddooyinka mashquulka badan ee magaalo madaxda Hindiya.

Waxyaabaha la yaabka leh ee dadku ay la fajaceen waxaa ka mid ah sida uu qof ugu fikiray inuu diyaarad ku safriyo waddooyinka Delhi ee ciriiriga ah, ayna adag tahay in xitaa ay baabuurta helaan meel ay maraan.

Muuqaalka markaad aragto, oo indhahaagu ay qabtaan gawaari hoos maraya diyaaradda, waxay kula noqoneysaa in diyaaradda ay halkaas ku dhacday gawaariduna ay u imaadeen inay ka badbaadiyaan dadka saaran.

Waddada ay buundada ku taallo oo lagu magacaabo Grogram ayaa ciriiri dheeraad ah la kulantay markii ay dhacdadan lasoo daristay.

Dadka ka fal celinayay muuqaalka qaarkood waxa ay sheegeen in diyaaraddu ay halkaas ku xannibneyd muddo dhowr maalmood ah.

Qaar kale oo ka mid ah dadka waxay wax laga xumaado ku tilmaameen in marka hore lasii hubin waayay waddada la marinayo diyaaradda aadka u weyn ee nooca rakaabka qaada ah.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay qofka diyaaradda iibsaday ee lagu dhaliilayo in uusan sahmin kusii sameynin waddada.

Dhacdadan waxay dhacabka qaar soo xasuusisay mid la mid ah oo hadda ka hor ka dhacday gobolka Galbeedka Bengal ee dalkaas Hindiya.

Bishii December ee sanadkii 2019-kii ayay sidan oo kale diyaarad howlgab ah oo la safrinayay meel buundo ah ugu xayitantay.