Turkiga: Nin la la'aa oo dhinac ka galay dedaalkii isaga lagu baadigoobayay

Map

Nin lagu dhex la'aa gudaha waddanka Turkiga ayaa si lama filaan ah ugu biiray dedaal isaga laf ahaantiisa lagu baadigoobayay, iyadoo saacado kaddib uu xaqiiqsaday in qofka dadku ay baadigoobayaan uu isaga uun yahay, warbaahinta maxalliga ah ayaa sidaasi ku warrantay.

Beyhan Mutlu ayaa waxa Talaadadii cabitaan la raadsaday saaxiibadii markaas oo ay dhex warwareegayeen kaynta gobolka Busra.

Markii uu soo laaban waayay, xaaskiisa iyo saaxiibadii ayaa waxa ay warka gaarsiiyeen mas'uuliyiinta maxalliga ah, waxaana markiiba bilowday howlgalka lagu baadigoobayay.

Mr Mutlu, oo 50-jir ah, ayaa la kulmay koox wax baadigoobaysa waxa uuna go'aansaday inuu ku biiro, NTV ayaa sidaasi ku warrantay.

Hasayeeshee markii xubnihii waxbaarayay ay bilaabeen inay u dhawaqaan ninkaasi iyagoo magaciisa ugu yeeraya, ayuu ku jawaabay: "War waa ikan".

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

1px transparent line

Mid ka mid howlwadeennada baadigoobka waday ayaa ninkaasi dhinac u istaajiyay si uu u xog wareysto.

"Si xun haddii arkin, sarkaal. Abaahay baa idili doona," ayaa la sheegay inuu ku yiri kooxdii baadigoobaysay.

Booliska ayaa markaasi kaddib Mr Mutlu waxa ay geeyeen gurigiisa. Ma cadda in ninkaasi la ganaaxay iyo inkale.