Bollywood: Wax ka Ogow waqtiga la daawan doono 5 filim ee waaweyn ee horey dib logu dhigay

sooryavanshi

Xigashada Sawirka, UNIVERSAL PR

Qoraalka sawirka, sooryavanshi

Ku dhawaad laba sano, cudurka Corona dartiis, waxaa la baajiyay waxyaabo badan oo madadaalo ah sida in la hakiyay baahinta filimo badan oo la soo bandhigi lahaa.

Hindiya oo kaliya mahan, balse Covid-19 wuxuu saameyn xun ku yeeshay adduunka oo dhan.

Hindiya waxay hadda isku dayeysaa inay ka soo kabato mowjaddii labaad ee cudurka Corona. Dhaqaalaha ayaa sidoo kale tartiib u soo kabanaya.

Marka laga hadlayo aflaanta Hindiga, waxay la kulmeen khasaare aad u weyn oo ka dhashay xiritaanka hoolalka iyo shineemooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, hadda tiyaatarada ku yaalla qaar ka mid ah gobollada Hindiya ayaa dib loo furay.

Dhawaan, filim sameeye Rohit Shetty, madaxa Pen Film Jayantilal Gada iyo wakiillada ururada shineemooyiinka ayaa la kulmay Madaxa gobolka Maharashtra, Uddhav Thackeray.

Wakiilada ururada shineemada oo la kulmaya hogaamiyaha xisbiga talada haya ee gobolka Shiv Sena, Sanjay Raut.

Xigashada Sawirka, UNIVERSAL PR

Qoraalka sawirka, Wakiilada ururada shineemada oo la kulmaya hogaamiyaha xisbiga talada haya ee gobolka Shiv Sena, Sanjay Raut.

Kulankan ka dib, waxaa lagu dhawaaqay in tiyaatarada Maharashtra la furi doono laga bilaabo Oktoobar 22, 2021.

Waxaa sidoo kale loo sheegay in habraaca hawsha caadiga ah ee shineemooyinka dhowaan lagu dhawaaqi doono.

Boqolkiiba 30 dakhliga wax soo saarka filimanta ayaa ka yimaado gobolka Maharashtra.

Waa qaybta ugu weyn marka laga hadlayo ganacsiga filimada dalka Hindiya.

Baaxadda guusha iyo dakhliga filimka waxaa lagu qiyaasaa guusha laga gaaray gobolka Maharashtra.

Soo saaridda aflaam badan oo waa weyn oo ka mid ah kuwa Hindiga ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira dhammeystirka tiyaatarada oo aan muddo dheer xirnaa.

Waxay hadda heleen taariikhda la siideynayo aflaantii dib loo dhigay xilligii koroonaha uu faraha ba'an ku hayay Hindiya.

Marka xigta waxaan ka hadli doonnaa qaar ka mid ah filimada noocaas ah, kuwaas oo sii deyntooda uu saameyay fayriska saf-marka ah.

Daawashada Sooryavanshi, oo la filayay in la siidaayo 24 -ka Maarso, 2020 ee sanadkii hore, ayaa hakad ku yimid

Xigashada Sawirka, UNIVERSAL PR

Qoraalka sawirka, Daawashada Sooryavanshi, oo la filayay in la siidaayo 24 -ka Maarso, 2020 ee sanadkii hore, ayaa hakad ku yimid

Sooryavanshi

Filimka 'Suryavanshi', oo laga sameeyay agaasimaha aflaanta Hindiga Rohit Shetty iyo xiddiga Akshay Kumar, waxaa siideyntiisa la sugayay ku dhawaad hal sano.

Waa filimkii seddexaad ee taxanaha ee ka hadlaya ficilada booliska ee Rohit Shetty.

Horay waxaa u guuleestay filimkiisa Ajay Devgan ee 'Singham' iyo Ranveer Singh oo ahaa 'Simmba'.

Akshay Kumar, Ajay Devgan iyo Ranveer Singh ayaa markii ugu horeysay si wadajir ah loo arki doonaa.

Katrina Kaif ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaareysa filimka cusub.

Siideynta filimka Sooryavanshi, oo la soo saari lahaa 24-ka Maarso, 2020 ee sannadkii hore, ayaa hakad ku yimid, Corona awgii.

Horraantii 2021, markii uu hoos u dhacay cudurka saf-marka ah, waxaa billaabatay in tiyaatarada qaar dib loo furo.

Soo bixitaanka aflaan badan oo waa weyn ayaa xilligaas la shaaciyay. Ka dibna waxaa lagu dhawaaqay in Sooryavanshi la daawan doono April 30, 2021.

Laakiin mowjaddii labaad ee Coronavirus waxay ku qasabtay in la mamnuco shineemooyinka. Siideynta filimkan ayaa mar kale dib loo dhigay.

Rohit Shetty ayaa ku dhawaaqay wakhtiga la sii deynayo 'Sooryavanshi' wuxuuna sheegay in filimkiisa haatan tiyaatarada laga daawan doono xilli dabaldaga Diwali.

'83' ayaa markii ugu horreysay la soo saaray April 10, 2020

Xigashada Sawirka, SPICE PR

Qoraalka sawirka, '83' ayaa markii ugu horreysay la soo saaray April 10, 2020

83

Ranveer Singh waxaa lagu arki doonaa doorka Kapil Dev filimka '83', iyadoo lagu saleynayo guushii taariikhiga aheyd ee koobkii ugu horreeyay ee ciyaarta Cricket -ee ay Hindiya qaaday.

Filimka lagu magacaabo '83' oo uu hage ama Director ka yahay Kabir Khan, ayaa Deepika Padukone waxay ku jileysa Kapil Dev xaaskiisa iyo sidoo kale soo saare.

Pankaj Tripathi, Raj Bhasin, Saqib Saleem, Sahil Khattar, Ammy Virk iyo Hardy Sandhu ayaa sidoo kale jilaya jilayaasha kooxda ku guuleysatay '83' Koobka Adduunka ee filimkan lagu sameeyay cricket -ka.

Filimka ayaa loo qorsheeyay inuu soo baxo sannadkii hore - Apriil 10, 2020 - laakiin cudurka Corona awgiis, taariikhda siideynta filimka ayaa dib loo dhigay, 25 December, 2020. Taariikhda sii deynta filimka ayaa mar kale loo beddelay Juun 4, 2021.

Balse xilliga filimka la sii deynayo ayaa dib loo dhigay illaa wakhti aan la cayimin sababo la xiriira feyriska Corona.

Hadda oo lagu dhawaaqay furitaanka tiyaatarada Maharashtra, waxaa qabanqaabiyayaasha filimkan '83' ay go'aamiyeen in la daawan doono xilliga loo dabaaldegayo ciidda masixiyiinta ee Christmas-ka, dhammaadka sannadka.

Hadda filimkan ayaa la daawan doonaa toddobaadka ugu dambeeya sannadka waxaana uu ku bixi doonaan afafka Hindi, Tamil, Telugu, Kannada iyo Malayalam.

Satyamev Jayate 2

Xigashada Sawirka, T-SERIES PR

Qoraalka sawirka, Satyamev Jayate 2

Satyamev Jayate 2

Sannadkii 2018 oo la sameeyay 'Satyamev Jayate', waxa jilayaashiisa ka mid ah John Abraham iyo Manoj Bajpayee.

Filimka wuxuu noqday mid faa'iido badan ay ka heleen soo saarayaasha, waxayna ka soo galay dhaqaale gaaraya Rs 100 crore.

Midka cusub ee qeybta la baad ah, waxaa agaasime ka ahaa Milap Jhaveri, waxaana la qorsheeyay in la sii daayo Apriil 2021. Laakiin cudurka Corona dartiis, ayaa daawashada filimka dib loogu dhigay illaa waqti aan la cayimin. Balse waxaa la filayaa in dhowaan la sii daayo.

Bunty Aur Babli 2

Yash Raj Films ayaa lagu tiriyaa istuudiyaha filimada ugu weyn ee shirkadaha aflaanta Hindiga, Bollywood.

Rani Mukerji, Abhishek Bachchan iyo Amitabh Bachchan, filimkooda Bunty Aur Babli, oo la sameeyay 2005-tii, wuxuu aad u soo jiidatay daawadeyaal badan.

Heesta "Kajrare Kajrare" oo ku jirtay filimkaas ayaa noqotay mid caan baxday.

15 sano ka dib, Saif Ali Khan ayaa markale ka soo muuqay qeybta labaad ee filimka ee imika la soo saarayo.

Filimka, oo soo saaristiisu bilaabatay 26-kii Juun, 2020 ee sannadkii hore, duubistiisa laguma dhameynin wakhtigii loogu talagalay, cudurka Corona awgiis.

Jilayaasha ugu weyn ee Bunty Aur Babli 2 - Siddhant Chaturvedi, Sharvari Wagh, Rani Mukerji iyo Saif Ali Khan

Xigashada Sawirka, YRF FILMS

Qoraalka sawirka, Jilayaasha ugu weyn ee Bunty Aur Babli 2 - Siddhant Chaturvedi, Sharvari Wagh, Rani Mukerji iyo Saif Ali Khan

Duubidda ayaa dib u bilaabatay mardambe waxaana la dhammaystiray bishii Sebtember ee sannadkii 2020. Filimka 'Bunty Aur Babli 2' waxaa imika la daawan doonaa 19 bsiha November, 2021.

Xilligan, filimo badan oo waaweyn oo ka soo baxay Yash Raj Studio ayaa diyaar u ah in la sii daayo, waxaana ka mid ah Akshay Kumar filimkiisii taariikhiga ahaa Prithviraj, Ranbir Kapoor's Shamsher, Ranveer Singh Jayesh Bhai Jordar.

Yash Raj Studios ayaa xaqiijiyay in aflaantooda loo sameeyay tiyaatarada, sidaa darteed ay sii daawan doonaan marka tiyaatarada la furo.

Filimkan ayaa la qorsheeyay inuu soo baxo July 30, 2021.

Xigashada Sawirka, RAINDROP PR

Qoraalka sawirka, Filimkan ayaa la qorsheeyay inuu soo baxo July 30, 2021.

Gangubai Kathiawadi

Atariisho kasta oo ka tirsan bahda filimada ayaa ku hamineysa inay noqoto halyeeyga filimada uu agaasimay Sanjay Leela Bhansali.

Ka dib markii ay la shaqaysay Manisha Koirala, Aishwarya Rai Bachchan, Madhuri Dixit Nene, Rani Mukerji, Priyanka Chopra iyo Deepika Padukone, Sanjay Leela Bh

Ka dib markii ay la shaqeysay Manisha Koirala, Aishwarya Rai Bachchan, Madhuri Dixit Nene, Rani Mukerji, Priyanka Chopra iyo Deepika Padukone, Sanjay Leela Bhansali ayaa haatan Gangubai Kathiawadi waxay filim la sameyneysa Alia Bhatt.

Filimka wuxuu ku hadlayaa nolosha tawaif ee dhabta ah.

Ajay Devgan ayaa sidoo kale filimkan door ka qaadan doono.

Sannadkii la soo dhaafay duubidda filimka ayaa la joojiyay in muddo ah bishii March. Muddadaas, filimka waxaa la duubay boqolkiiba 70.

Duubista filimka intiisa kale ayaa dib loo bilaabay bishii October ee sannadkii hore waxaana la soo gabagabeeyay June 2021.

Intaas ka dib, taariikhda la daawan lahaa ayaa loo cayimay 30 July, 2021, balse mawjadda labaad ee cudurka, ayaa mar kale dib logu dhigay.

Soo saaraha Penn Studio ayaa baahyiyay bayaan uu ku cadeynayo in filimkan lagu daawan doonaa tiyaatarada oo kaliya.