Jamaal Cabdi Naasir: ma wuxuu ahaa halyeey Carbeed mise nin guuldaro soo hoyiyay?

Jamaal Cabdi Naasir

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Jamaal Cabdi Naasir

Konton iyo kow sano ka dib geeridiisii, dhaxalkii iyo raadkii uu ka tagay Madaxweynihii hore ee Masar Gamal Abdel Nasser ayaa weli ah mid ay dood kulul ka taagan tahay, gaar ahaan markasta oo ay soo ifbaxaan arrimo gaar ah sida caadifadda Israa'iil.

Waxaa jira kuwa u arka inuu yahay "astaanta sharafta, midnimada Carabta iyo gumeysi-diid", waxaa dhanka kale jira dad ku eedeeya "dulmi iyo ku-xadgudub ka-soo-horjeeda" uuna masuul ka yahay guuldarro culus.

Sadarrada soo socda, waxaan ku baran doonaa saldhigyada ugu caansan nolosha Jamaal Cabdi Naasir, oo weli ka mid ah shakhsiyaadka ugu caansan siyaasadda taariikhda casriga ah ee Bariga Dhexe.

Jamaal Cabdi Naasir xilligii uu yaraa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Jamaal Cabdi Naasir xilligii uu yaraa

Sanooyiinkii ugu horeeyay noolashiisa

Jamaal Cabdi Naasir wuxuu ku dhashay Alexandria sannadkii 1918 -kii, wuxuuna ka dhashay qoys fudud oo asalkiisu ka soo jeedo Masar Sare, aabbihiisna wuxuu ahaa shaqaale ka tirsan Maamulka Boostada.

Qoyska Jamaal ayaa u wareegay dhowr gobol Masar ka tirsan shaqada aabihiis darteed.

Wuxuu bilaabay dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed isagoo aad u yar, isagoo ka qaybgalay bannaanbaxyo ardaydu kaga soo horjeedaan gumaystihii Ingiriiska,.

Dhaqdhaqaaqiisa ardaynimo ayaa ka hor istaagay inuu ku biiro Kuliyadda Milatariga, sidaas darteed wuxuu wax ku bartay Kuliyadda Sharciga.

Dhowr bilood, ka dib mar kale ayuu isku dayay waxaana laga aqbalay Kulliyadda Ciidanka wuxuuna qalin jabiyay 1938.

"Falastiin ma aha dhul qariib ah"

Isla markii uu qalin -jabiyay, Jamaal Cabdi Naasir wuxuu ku biiray ciidanka lugta wuxuuna ka shaqeeyay meelo kala duwan sida gudaha Masar, El Alamein iyo Sudan, muddadan, wuxuu la kulmay saaxiibbadiis oo uu la aasaasay Ururka Saraakiisha xorta ah, waxaana loo magacaabay macallin Kuliyadda Ciidanka.

Cabdi Naasir wuxuu ka qaybgalay dagaalkii Falastiin ee 1948kii, markii hore wuxuu ahaa mutadawacnimo ka dibna wuxuu ka mid noqday ciidanka Masar markii waddamada Carabtu qaadeen weerar milateri si ay uga saaraan malleeshiyaadka Yuhuudda halkaasi .

Xilligaasi waxaa sidoo kale soo baxay qaraarkii Qaramada Midoobey ee u kala qaybinayey Falastiin laba dawladood oo kala ah Yuhuud iyo Carab.

Buugga "Falsafadda Kacaanka" oo la daabacay 1954 -kii, Cabdi Naasir wuxuu ka hadlay tabarucidiisii ka hor intii Masar aysan gelin dagaalkii 1948:

"Markii uu bilaabmay waxaan ku qanacsanaa in dagaalka Falastiin uusan ahayn dagaal ka socda dhul shisheeye, oo uu yahay dareen, iyo waajib is-difaacid. "

Waxaa la rumeysan yahay in dagaalkaas, uu ku dhammaaday ciidanka Israa'iil oo qabsaday meelo badan.

Arrintan ayaa sabab u noqotay kacaankii Ururka Saraakiisha Xorta ahaa bishii July 1952, kaas oo soo afjaray xukunkii qoyska Maxamed Cali ee Masar .

Xubno ka tirsan Golaha Taliska Kacaanka sawir xusuus ah 1953kii

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xubno ka tirsan Golaha Taliska Kacaanka sawir xusuus ah 1953kii

Dhammaadkii xukunkii qoyska Muxamed Cali

Sanaddii 1949 -kii, waxaa la dhisay guddi fulineed oo ka tirsan Saraakiisha Xorta ah oo uu hoggaaminayay Jamaal Cabdi Naasir, 23 -kii Luulyo, 1952 -kii, cutubyo ciidan oo daacad u ahaa ururka ayaa boqor Faaruuq ku qasbay inuu xukunka ka dego oo uu dalka ka baxo.

Sannadkii 1953 -kii, waxaa soo baxay go'aankii Golaha Taliska Kacaanka oo ahaa in la baabi'iyo boqortooyada oo lagu dhawaaqo jamhuuriyad, isla markaana loo dhiibo madaxweynenimada jamhuuriyadda Muxammad Naguib.

Sannadkii 1953 -kii, Cabadi Naasir oo horkacaya waftigii Masar ayaa wada xaajood ka galay ka bixitaankii ugu dambeeyay ee ciidammada Ingiriiska ee Masar.

Sannad ka dib, waxaa heshiis dhex maray Jamaal Cabdi Naasir isaga oo ah Raysal -wasaaraha Masar iyo Anthony Nutting, oo ah Wasiiru -dawlaha Ingiriiska arrimaha Dibedda, .

Heshiskani wuxuu dhigayay in Ingiriisku ka guuro Masar muddo 20 bilood gudahood ah iyo dhammaadka heshiiskii Isbahaysiga oo lagu saxiixay London 1936kii.

Ka dib aftidii bishii Juun 1956, Naasir wuxuu la wareegay jagada madaxweynenimo, ka dib markii Muhammad Naguib la dhigay xabsi guri markii uu sii kordhay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Golaha Taliska Kacaanka.

Taageerayaasha Naasir waxay rumeysan yihiin inuu la saftay masaakiinta siyaasaddiisa hantiwadaagga, halka kuwa dhaleeceeya ay ku eedeeyaan inuu bilaabay olole "caburin" oo ka dhan ah dadka ka soo horjeeda, waxayna ku eedeeyeen inuu mas'uul ka yahay burburinta nolosha siyaasadda iyo xisbiyada Masar muddo tobanaan sano ah isagoo kala diray xisbiyadii oo qaatay siyaasadda in hal xisbi dalka ka jiro.

Jamaal Cbadi Naasir ayaa saxiixay heshiiska ka bixitaanka ciidamada Ingiriiska ee Masar

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Jamaal Cbadi Naasir ayaa saxiixay heshiiska ka bixitaanka ciidamada Ingiriiska ee Masar

Qaramaynta kanaalka ayaa daah furaya weji cusub.

Qaramaynta Kanaalka Suez iyo Ingiriiska, Faransiiska iyo Israa'iil oo awood militari u adeegsaday Masar taasi oo loo yaqaanay "gardarada saddex -geesoodka ah" ayaa daah -furay wajiga cusub ee xukunkii Cabadi Naasir.

"Gardarrada saddex-geesoodka ah "iyo cadaadisyada caalamiga ah, ayaa horseeday in la xoojiyo muuqaalkiisa oo loo arko in uu yahay hoggaamiye xoreynta gobolka iyo iyo in uu yahay nin u dhaq-dhaqaaqa madax-bannaanida dadyowga.

Naasir wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay aasaaskii Dhaqdhaqaaqa dalalka dhexdhexaadka ah, oo lagu asaasay shirkii ugu horreeyey lagu qabtay Belgrade 1961-kii,.

Yoolka ugu weynaana wuxuu ahaa in laga fogaado siyaasadda Dagaalkii Qaboobaa iyo kala-qaybsanaantii jirtay wakhtigaasi oo u dhexeeysay galbeedka iyo bariga.

Naasir waxaa loo arkaa mid ka mid ah aasaasayaashii hore ee dhaq-dhaqaaqa, isaga oo ay ku weheliyaan Raiisul Wasaarahii Hindiya Nehru, Madaxweynahii Yugoslavia Tito iyo Madaxweynahi Indonesia Sukarno.

Naasir wuxuu taageeray dhaqdhaqaaqyadii xoreynta qaaradda Afrika, isaga oo ku salaynaya rumaysnaantiisa in Afrika ay tahay "goob muhiim u ah Masar." .

Waxa kale oo uu gacan ka geystay dadaalladii xilligaas lagu samaynayay Ururka Midnimada Afrika, oo xaruntiisu ahayd Addis Ababa.

Nasser oo ay weheliyaan Madaxweynaha Yugoslavia Tito iyo Raiisul Wasaaraha Hindiya Nehru

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Nasser oo ay weheliyaan Madaxweynaha Yugoslavia Tito iyo Raiisul Wasaaraha Hindiya Nehru

Waddaniyadda Carabta

Jamaal ayaa had iyo jeer loo arkaa inuu ka mid ahaa dadka u ololeeya fikirka waddaninnimada Carabta, isagoo ku salaynaya rumaysnaantiisa ah in "midnimada Carabta tahay mid muhiim ah."

Waxyaabaha uu ku guuleystay waxaa ka mid ah mideyntii Masar iyo Suuriya sanaddii 1958 -kii una bixiyay Jamhuriyadda Carabta mideysan), inkasta oo ay si dhaqso ah uu burburtay.

Cbadi Naasir wuxuu kaloo taageeray kacaankii hoggaamiyeyaasha ciidamada Ciraaq ee ka dhanka ahaa boqortooyada 1958 -kii, wuxuuna kaalin muuqata ku lahaa taageeridda kacaanka Aljeeriya, iyo sidoo kale kacaankii Yemen sanaddii 1962 -kii.

Go'aanka ahaa in ciidamo loo diro Yemen ayaa weli ah mowduuca dhaleeceynta kulul ilaa uu kala kulmo ilaa iyo hadda.

Iyadoo dad badani u arkeen inay tahay mid hanti badan lagu lumiyay iyo jabkii dagaalkaasi ka soo gaaray ciidamadi ka dagaalamay buuraleyda Yeme.

Arrintaasi ayaa loo arkayay inay tahay mid ka mid ah sababihii keenay guul darradii ciidankii Masar dagaalkii ay la galeen Israa'iil bishii Juun 1967kii.

Shirweynihii ugu horreeyay ee Carabta ee 1964 -tii oo uu ku baaqay Gamal Abdel Nasser, ayaa lagu asaasay Ururka Xoreynta Falastiin oo loo arkay inuu yahay "hoggaan abaabulaya xoogagga dadka Falastiin ee Carabta si ay ula dagaallamaan Israa'iil loona xoreeyo Flaastiin".

Janaasadii Cabdi Naasir

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Janaasadii Cabdi Naasir

Dagaalkii June sanaddii 1967 ayaa noqday mid ku keena dib-u-dhacii ugu weynaa ee safarkii Naasir iyo mashruuciisii waddaniyadda Craabta, iyadoo ciidamada Israa'iil ay ku guuleysteen inay la wareegaan gacanka Sinai, Marinka Gaza, Daanta Galbeed iyo buuraleyda Golan ee Suuriya.

Cabadi Naasir ma lahayn waddo kale oo u furan oo ana ka ahayn inuu ku dhawaaqo iscasilaadiisa oo uu qaado masuuliyadda guuldarada, laakiin wuu ka noqday maalintii xigtay kadib markii banaanbaxyo diideen inuu xilka ka dego.

Jamaaal Cbadi Naasir ayaa dhintay ka dib markii uu wadnahu istaagay 28-kii September 1970-kii.