Aabe dacwad ku furay macalin timaha ka jaray gabadhiisa

Aabaha dhalay gabar yar oo toddoba jir ah oo uu macallin timuhu ka jaray isagoon fasax ka heysan waalidiinteeda ayaa dacweeyay iskuulka iyo laba ka mid ah shaqaalah isuulkaasi wuxuuna dalbaday lacag magdhow ah oo dhan 1 milyan oo doollar

Eedeynta Jimmy Hoffmeyer ayaa sheegaysa in la duudsiiyay xuquuqda dastuuriga ah ee gabadhiisa oo uu hadda kala baxay iskuulka.

Baaritaan uu sameeyay Iskuulka ayaa soo gebogeboobay bishii July, in kasta oo ay macallimaddu jebisay xeerka Iskuulka haddana ma aysan sameyn eex midab takoor la xiriira.

Waa la canaantay macallimadda, balse waxaa loo oggolaaday inay shaqadeeda ka sii wadato Dugsiga Hoose ee Ganiard ee ku yaalla Mount Pleasant.

Jimmy Hoffmeyer ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay bishii Abriil ee la soo dhaafay in gabadhiisa Jurnee ay hal maalin ka soo laabatay iskuulka iyada oo timo badan dhinac ka mid ah madaxa laga jaray. ''Arday ay isku fasal ahaayeen ayaa maqas u isticmaalay si uu uga jaro timaha dhaadheer ee Jurnee iyagoo baska iskuulka saaran'', ayuu yidhi.

Laba maalmood ka dib, Jurnee waxay ka soo laabatay dugsiga iyada oo timaha dhinaca kale ee madaxa laga jaray - in kasta oo loo kaxeeyay timo -jaraha oo uu si fiican ugu wada jaray, si ay iskula ekaadaan timaheeda.

Mr Hoffmeyer, ayaa sheegay in uu u malaynayay in ilmo kale uu ku sameeyay laakiin Jurnee, ayaa u sheegtay inay tahay macallimad. "Macallimadda ayaa tinta uga jartay si ay timo la'aan u noqoto," ayuu u sheegay AP.

Dacwadda ayaa loo gudbiyay maxkamad federaal ah oo ku taalla galbeedka Michigan, taas oo ka dhan ah Iskuulka dadweynaha ee Mount Pleasant iyo laba macallin, oo Iskuulka ka tirsan, sida uu qoray bogga MLive.com.

Ka sokow ku xadgudubka xuquuqda dastuuriga ah ee ilmaha, dacwadda ayaa sidoo kale sheegaysa takoor jinsi iyo handadaad qowmiyadeed oo si ulakac ah loogu sameeyay.

Degmada ayaa "ku guuldareysatay inay si habboon u tababarto, ula socoto, toosiso, edbiso, ayna kormeerto shaqaalaheeda, waxayna ogaatay ama ay ahayd inay ogaato in shaqaaluhu ay ku lug yeelan doonaan cabashada habdhaqanka marka loo eego tababarka aan habboonayn, caadooyinka, hababka, iyo siyaasadaha ee la'aanta anshaxa shaqaalaha u yaal", ayaa lagu yiri dacwadda.

Ma jirto jawaab rasmi ah oo ay soo gudbiyeen eedaysanayaasha, mana jirto wax war ah oo ka yimid Iskuulka degmada.