Awoodda militariga: 10 waddan oo dhaqaalahooda ugu badan ku bixiya inay hub soo iibsadaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sanadkii 2017-kii lacagta lagu bixiyo hubka ee caalamka waxay gaartay $ 1.7 tirilyan oo doolar. Mareykanka oo kaliya waxa uu sanadkaas gudihiisa hub ku kharash gareeyay $ 610 bilyan oo doolar.
Waddankaas oo ah kan ugu dhaqaalaha badan caalamka ayaa sidoo kale lacagta ugu badanna ku bixiya dhinaca gaashaandhigga. Balse marka loo eego dhaqaalaha usoo xarooda Mareykanka, lacagta uu ku bixiyo awoodda militariga aad bay u yar tahay.
2017-kii lacagta uu Mareykanka hubka u adeegsaday waxay ahayd boqolkiiba 3.1 ka mid ah dhaqaalaha guud ee u soo xarooday qaranka.
Run ahaantii Mareykanka xitaa kuma jiro liiska 20-ka waddan ee dhaqaalaha soo gala intiisa badan galiya hubka.
Kuwani waa 10-ka waddan ee ugu horreeya liiskaas.
10- Baxreyn

Xigashada Sawirka, Getty Images
Boqortooyada ay Sunniyiinta maamulaan ee Baxreyn waxay ku jirtaa kaalinta tobanaad.
Inkastoo ay xukunka hayaan Sunniyiinta, tirada ugu badan ee shacabka dalkaas - oo guud ahaan lagu qiyaaso 1.4 milyan - waa Muslimiinta Shiicada ah. Taas waxa ay sabab u tahay xasarado badan oo ka jira gudaha dalkaas.
Sanadkii 2011-kii, markii uu dhacay kacdoonkii Carabta, ciidamo ka socday khaliijka loo diray dalkaas si ay u xakameeyaan mudaharaadyada.
2017-kii, Baxreyn waxay dhismaha difaaceeda u qoondeysay lacag dhan $ 1,396 milyan oo doolar, taasoo ah boqolkiiba 4.1 ka mid ah dhaqaalaha guud ee usoo xarooday.
9- Ruushka
Ruushka waxa uu kharashka militarigiisa ku baxa 20% hoos uga dhacay markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1998-kii. Waxa uu hadda ku bixiyaa lacag dhan $66,335 milyan oo doolar, oo u dhiganta boqolkiiba 4.3 ka mid ah dhaqaalaha qaranka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Siemon Wezeman, oo ah madaxa baaritaannada ee hay'adda qiimeysa dhaqaalaha ku baxa militariga caalamka, ayaa sheegay hoos u dhaca ku yimid lacagta uu Ruushka ku bixin jiray hubka uu ku yimid dhaqaale xumo Moscow soo wajahday tan iyo sanadkii 2014-kii.
Hase yeeshee Ruushka ayaa wali diiradda saaraya in uu mudnaanta siiyo casriyeynta hubkiisa.
8- Lubnaan
Lix ka mid ah tobanka waddan ee dhaqaalaha ugu badan ku bixiya hubka waxay ku yaallaan gobolka Bariga Dhexe, Lubnaan ayaana ku jirta.
Waddankan waxa uu soo maray waqti dheer oo ay ka socdeen dagaallo sokeeye intii u dhaxeysay 1975-kii ilaa 1990-kii. Xitaa ilaa hadda ma uusan u xasilin siyaasad ahaan, waliba waxaa ka jirta kala qaybsanaan gudaha dalka ah.
Arrimihiisa gudaha iyo siyaasaddiisa dibaddaba waxaa saameyn ku yeeshay dagaallada ka socda waddanka dariska la ah ee Suuriya. Sidoo kale waxaa ku lug leh kooxda Islaamiga ah ee Xisbullah oo saldhiggeedu yahay Lubnaan, sanadkii 2006-diina dagaal la gashay Israa'iil.
Dhaqaalaha ay Lubnaan sanadkii 2017-kii ku bixisay dhismaha awoodda militarigeeda waxa uu gaaray $ 2,441 milyan oo doolar, oo u dhiganta boqolkiiba 4.5 ka mid ah dhaqaalaha usoo xarooda.
7- Israa'iil
Tan iyo markii dhidibbada loo aasay Israa'iil sanadkii 1948-kii, waxaa ku hareereysnaa dalal loo arko inay cadow ku yihiin.
Xaaladdaas waxay xoogaa khafiiftay markii ay Israa'iil heshiis nabadeed la saxiixatay Masar sanadkii 1979-kii. Sidoo kale waxay heshiis kaas la mid ah la gashay Urdun sanadkii 1994-kii.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hase yeeshee heshiisyadaas kaddib Israa'iil wali waxay sii wadday xoojinta awooddeeda militari. Dalalka kale ee xuduudaha ku haya waxaa ka mid ah Suuriya, halka Xisbullah oo ay cadaawad kala dhaxeyso ay xulafo la tahay Iiraan oo ah waddanka ugu weyn ee ay iska soo hor jeedaan Israa'iil.
Sida ay xogteeda ku sheegtay hay'adda la socota dhaqaalaha ku baxa militariga ee magaceeda loo soo gaabiyo Sipri, Israa'iil waxay sanadkii 2017-kii dhismaha hubka ku bixisay lacag dhan $ 16,489 milyan oo doolar, oo ah boqolkiiba 4.7 ka mid ah dhaqaalaha u soo xarooda.
6- Urdun
Urdun waxa ay xornimadeeda qaadatay sanadkii 1946-kii, tan iyo xilligaasna waxay la kulmeysay xiisado kala duwan.
Sanadkii 1967-kii, intii uu socday dagaalkii lixda maalmood ee ay la gashay Israa'iil, waxaa looga qabsaday Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus. Dhulkaas wuxuu ahaa kii ay ku qabsatay dagaalkii ugu horreeyay ee Carabta iyo Israa'iil dhex maray sanadkii 1948-kii.
1984-kii, waxay heshiis nabadeed la saxiixatay Israa'iil, inkastoo taasi aysan ka bixinin dhibaatooyinka amni ee gobolka, sida curashadii kooxda la magac baxday Dowladda Islaamiga ah.
Sanadkii 2017-kii, Urdun waxay awoodda militariga iyo soo gadashada hubka ku bixisay lacag dhan $ 1,939 milyan oo doolar, oo u dhiganta boqolkiiba 4.8 ka mid ah dhaqaalaheeda guud.
5- Aljeeriya
Aljeeriya waxay lasoo kulantay qalaase tan iyo markii ay gobanimadeeda qaadatay 1962-kii. Inta badan rabshadahaas waxay salka ku hayeen dhinaca diimeed.

Xigashada Sawirka, AFP
Intii u dhaxeysay 1992-kii ilaa 1998-kii, waddankaas waxaa ka socday dagaal sokeeye oo kharaar, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 100,000 oo ruux kaddib markii lagu murmay doorashada.
Ilaa markaas, Aljeeriya waxaa saameyn ku lahaa kooxo islaamiyiin ah, balse waxaa sidoo kale weerarro ka fuliyay ururrada ay ka mid tahay A-Qaacidada galbeedka.
Haddaba sanadkii 2017-kii, Aljeeriya waxay hubka ku bixisay lacag dhan $ 10,073 milyan oo doolar, oo u dhiganta boqolkiiba 5.7 ka mid ah dhaqaalaha soo gala waddanka.
4- Kuweyt
Waddankan oo dhulkiisa uu yahay kaliya 17,818 kiiloo mitir oo isku wareeg ah, shacabkiisuna ay ka yar yihiin saddex milyan, waxaa ka dhisan boqortooyo ay ku hareereysan yihiin dalal awood leh, sida Sacuudiga, Iiraan iyo Ciraaq.
Waxaa Kuweyt ku yaalla dhowr saldhig oo ay leeyihiin militariga Mareykanka, halkaasoo ay ka wadaan dagaalka ka dhanka ah kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah.
Sanadkii 2017-kii, Kuweyt waxay dhinaca difaaca ku bixisay lacag dhan $ 6,831 milyan oo doolar, oo u dhiganta boqolkiiba 5.8 ka mid ah dhaqaalaha usoo xarooda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
3- Congo
Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo waa waddan ku yaalla qaaradda Afrika, dhaqaalihiisa ugu badanna ku bixiya dhismaha militariga.
Sida ay sheegtay hay'adda SIPRI, Congo waxay 2017-kii awoodda militariga ku bixisay lacag dhan $ 484 milyan oo doolar.
Waddankan oo ay dagaallo badan ka dhaceen waxaa hoggaamiya Denis Sassou-Nguesso, oo horay u ahaan jiray askari. Waxa uu dalkaas xukumayay intii u dhaxeysay 1979-kii ilaa 1992-kii, markii dambena waxa uu xukunka kusoo noqday 1997-kii, ilaa hadda oo uu wali heysto.
2- Sacuudi Carabiya
Tan iyo sanadkii 2015-kii, dowladda ka dhisan Sacuudiga waxay hormuud ka tahay waddamo isbahasi ah oo Yemen kula dagaallamaya xoogagga Xuutiyiinta oo dalkaas ka saaray madaxweynihii uu yeeshay, Abdrabbuh Mansour Hadi.
Xuutiyiinta waxaa lagu eedeeyaa inay garab ka heystaan dowladda Iiraan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sacuudiga iyo Iiraan ayaa meelo badan ku kala aragti duwan, waxaana u dhaxeysa cadaawad siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitameysay.
Riyaad waxay sidoo kale xoogga saartaa inay si iskeed ah ula dagaallanto kooxda isku magacowday Dowladda Islaamiga ah oo mar awood ku yeelatay Bariga Dhexe.
Hay'adda SIPRI waxay xog aruurinteeda ku sheegtay in Sacuudiga uu militarigiisa ku bixiyo lacag dhan $ 69,413 milyan oo doolar, oo u dhiganta 10% ka mid ah dhaqaalaha guud ee usoo xarooda sanad walba.
1- Cumaan
Cumaan oo ku taalla meel istiraatiiji ah waxay daris la tahay dalalka Iiraan, Sacuudiga iyo Yemen.
Waddankan waxa uu si layaab leh dhaqaalihiisa ugu bixiyaa inuu dhisto militari awood badan iyo hub casri ah. Tobankii sano ee lasoo dhaafay Cumaan waxay si aad ah sare ugu qaadday arrintaas.
2017-kii, militariga Cumaan waxaa ku baxday lacag dhan US $ 8,686 milyan oo doolar, oo u dhiganta boqolkiiba 12 ka mid ah dhaqaalaha sanadlaha ah ee usoo xarooda.











