Afghanistan: Sheekada haweeneey sharaxeysa nolosha maamulkii Taalibaan ee 1999

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iyada oo ay Taalibaan isu diyaarinayso inay dawlad cusub ka dhisto Afgaanistaan, haweeney ayaa ka sheekaynaysa sida qoyskeedu uu u kala go'ay markii aabbaheed la waayay intii ay Taalibaan xukumaysay dalkaasi 1999 -kii.
Friba, oo ku nool London, waxay ahayd 10 jir markii ugu dambaysay ee ay aabbaheed ku aragtay gurigooda oo ku yaal magaalada galbeedka ee Herat.
Qoyskeeda ayaa aaminsan inay Taliban afduubteen.
Tani waa sheekadeeda. Magacyada ayaa la qariyay si loo ilaaliyo aqoonsiga kuwa ku lugta leh.

"Ku hoos noolaanshaha xukunka Taliban waxay la mid tahay inaad ku jirto xiriir xad -gudub iyo dhibaato ku saleysan. Taalibaanka marka hore waa ay wanaagsan yihiin. Waxay sameeyaan ballanqaadyo badan, waxay ka taxadaraan tallaabooyinkooda, xitaa waxay fuliyaan qaar ka mid ah ballanqaadyadooda.
"Balse inta ay ku gelinayaan dareen ammaan oo been ah, waxay hoos ka wataan qorshayaashooda.
"Wax yar ka dib, marka ay dunida ka caajiso Afgaanistaan oo warbaahintu u gudubto sheekooyin kale, waxay si tartiib-tartiib ah u adkaynayaan awooddooda oo maalinba maalinta ka dambaysa, ficiladooda waxashnimada ayaa dib u bilaabmaya.
"Aabbahay wuxuu ku dhashay Herat, wuxuu ka qalin jabiyay Jaamacadda Kabul.
"Jaamacada kadib wuu guursaday wuxuuna bilaabay inuu ka dhex shaqeeyo koox yar oo u shaqeynaysay dowladdii Afqaanistaan ee markaasi jirtay.
"Markii Ruushku baxay oo Mujahadinta ay xukunka qabsadeen aabbahay wuxuu shaqo ka helay Hay'ad samafal.
"Markii Taalibaanku u guureen Herat, aabbahay wuxuu fursad u helay inuu ka baxo, balse wuu joogay oo wuxuu jeclaa shaqadiisa, iyo Herat-ba.
'Weligay ma illoobi doono wejigii hooyaday'
"Noloshu waxay ahayd mid arxan darro ah xilligii taliskii Taalibaan, wuxuu aabahay lahaa afar gabdhood oo laga hor istaagay waxbarashada iyo wiil yar.
"Laakiin shaqadu waxay ahayd mid u qalanta oo noloshisa kaafinaysay, wuxuu lahaa himilo, naftiisa iyo annagaba ah.
"Subax ka mid ah badhtamihii Juun 1999 aabbahay ayaa quraacdii dhammeeyey oo wuxuu isu diyaarinayay inuu shaqo tago.
"Weli waan xusuustaa subaxaas intuu i eegay oo dhoolla caddeeyay ayuu fuulay mootadiisii shaqada.
"Dhowr daqiiqo ka dib qaar ka mid ah deriskayaga ayaa albaabkeena soo garaacay iyagoo wada baaskiilkiisii, waxayna sheegeen in Taalibaan ay aabahay wateen.
"Waligay ma illoobi doono wajiga hooyaday, naxdin darteed wajiga ayaa baraf noqday.
"Waxay gacanta qabatay walaalkay oo shan jir ahaa, waxayna ka baxday albaabka, waa ayna ka soo quusatay inay soo hesho.
"Fiidkaas hooyaday ayaa soo laabatay iyada oo culayskii adduunka garbaha ka saaran yahay.
"Ma jirin wax war ah oo ka soo baxay markaasi ka dib aabbahay, inuu dhintay iyo noolaa.
"Adeeraday iyo saaxiibadii kale waxay isku dayeen inay ku guulaystaan inay ogaadaan halka lagu hayo balse taasi kuma aysan guuleysan.

Xigashada Sawirka, AFP
"Maalin kasta hooyaday waxay booqan jirtay xafiis kasta oo taalibaan leedahay, wayna diideen inay dhegeystaan.
"Ka dib markii ay waddo kasta ka daashay, adeerkay wuxuu aaday Kandahar halkaas oo uu ka maqlay in Taalibaan ay maxaabiis ka rartay. Laakiin wax war ah kama uusan helin.
"Kadib wuxuu aaday Kabul iyo Mazar-i-Sharif balse halkaas ma joogin.
"Dariskayaga oo goobjoog u ahaa xadhigii aabahay waxaa hubaal ah inay arkeen isla xubnahaasi oo ka tirsanaa taalibaan oo xiraya aabayaal kale oo deris ah kuwaas markii dambe laga sii daayey xabsiga Herat.
"Hooyaday qof adag ayay ahayd oo libaaxad oo ma aysan quusan.
"Iyada oo dhagaha ka fureysatay talada qoyskeena ayay wadatay walaalkay sababtoo ah xilligaasi Taliban ma aysan ogoleyn in dumarka ay safraan iyaga oo aan la socon nin rag ah oo muxram u ah. Inkastoo uu ahaa ilmo yar hadan waxay la aadday Kandahar oo uu ku yaallay xafiiska hoggaamiyahii Taalibaan, Mullah Cumar.
"Talibaanku way garaaceen waxayna ugu hanjabeen haddii in haddii mar kale la arko dhagax lagu dili doono.
"Hooyaday waxay ku soo laabatay gurigeedii iyadoo niyad -jabsan oo u muuqatay qof laga adkaaday.
'Marnaba ma cafin karno Taaliban'
"Hooyaday iyadoo u baqaya nafteena, waxay go'aansatay inay ka baxdo Afgaanistaan, waxayna na gaysay Mashhad, Iran.
"Sannadkii 2004 -tii markii ay isbadashay xaaladda Afgaanistaan waan soo noqonnay. Waxaan doonaynay inaan wax baranno oo aan nafteena kaafino.
"Aabbaheen wuxuu naga lahaa rajo weyn oo ay tahay inaan fulino.
"Wali waan xusuustaa dhoolla -caddayntiisii soo jiidashada lahayd, welina waxaan haystaa qalinkii uu isiiyay.
"Uma baroor-diiqi karno, mana hilmaami doonno.
"Markaan daawaneyno warka ah in Taalibaan ay mar kale qabsadeen Afgaanistaan waxaan ka baqayaa in taariikhdaasi ay dib u soo noqoto.
"Hadda waan guursaday oo waxaan ku noolahay England. Laakiin waxaan u baqayaa hooyaday, walaalahay iyo walaalkay oo weli ku sugan Afgaanistaan, iyo malaayiinta qoys ee la kulmi doona xanuun iyo khasaare sida annaga oo kale ah.











