Zimbabwe: Caro ka dhalatay 14 jir ku dhimatay kaniisad ay ku foolanaysay

Guurka carruurta

Xigashada Sawirka, UNAMID

Booliska Zimbabwe ayaa baaritaan ku haya kiiska gabar 14 jir ah oo geeriyootay xilli ay foolanaysay, arrintaas oo caro xooggan ka dhex abuurtay shacabka dalkaas iyo dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha.

Memory Machaya ayaa lagu soo warramay in bishii hore ay ku geeriyootay kaniisad ku taal gobolka Bariga Zimbabwe dhaca ee Marange.

Kiiska ayaa soo shaac bixiyay dhibaatada lagu hayo gabdhaha da'da yar, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Machaya lagu qasbay inay waxbarashada ka harto oo ay guursato.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dowladda Zimbabwe in guurka carruurta ay u aqoonsato dembi isla markaana ay soo afjarto cadaadaas.

"Aad ayaan u walaacsannahay geerida Machaya, waxaana u cambaareyneynaa sida ugu adag," ayaa lagu sheegay qoraal ay arrinta gabadhaa ka soo saartay Qaramada Midoobay.

"Ma aha in indhaha laga qabsado kiisaska tacaddiyada ka dhanka ah dumarka Zimbabwe, gaar ahaan guurka carruurta," ayay sheegtay Qaramada Midoobay.

Geerida gabadha oo dhimatay 15-kii July ayaa waxa ay toosh ku iftiimisay dhaqamada gurracan ee dadka ku xiran kaniisadda Apostolic ee Zimbabwe, kuwaas oo inta badan diida inay is daweeyaan ama ay tagaan cisbitaallada.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in canuga ay uurka ku siday Machaya uu badbaaday, oo uu caafimaad ahaan wanaagsan yahay.

Booliska Zimbabwe iyo guddiga arrimaha jinsiga u qaabilsan dalkaas ayaa wada baaritaan ku aaddan xaaladda ay gabadha da'da yar ku geeriyootay iyo weliba qaabka loo aasay.

Baaq online ah oo cadaalad loogu raadinayo Machaya ayaa waxaa saxiixay dad ku dhaw 60,000 oo qof.

Everjoice Win oo u ololeysa arrimaha dumarka Zimbabwe ayaa sheegtay in la joogo xilligii mas'uuliyiinta cadaadis lagu saari lahaa wax ka qabashada tacaddiyada ka dhanka ah dumarka.

Dumarka iyo gabdhaha "looma arko inay yihiin bani'aadan dhamaystiran, oo leh xuquuq gaar ah, isla markaana u madax bannaan jirkooda," ayay ku qortay Twitter.

Sharciga Zimbabwe ayaa dhigaya in gabdhaha lagu guursan karo da'da 18 jirka. Balse waxaa jira qoysas duruufeysan oo dhaqaalo ka raadsa in laga guursado gabdhahooda.

Gabdha badan ayaa u guursada si ay u sii wataan waxbarashooda, hase yeeshee, intooda badan waxa ay horay ka qaadaan uur, taasoo kalifta in ay ka haraan iskuullada ama ayba u go'aan shaqooyinka guriga.