Afghanistan: Maxaa sabab u ah awoodda sii kordheysa ee Taliban?

Taliban

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ka bixitaanka ciidamada shisheeye ee ku sugan Afghanistan ayaa billowday horraantii May, wixii intaas ka dambeeyayna ururka Taliban ayaa isku sii ballaarinayay dalkaas.

Sida laga soo xigtay wargeyska Long War (dagaal dheer), in ka badan 195 ka mid ah degmooyinka dalkaas ee 407-da ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay Taliban toddobaadkii ugu horreeyay ee bishii ina dhaaftay ee July, halka kahor May uu ururku gacanta ku hayay keliya 73 degmo.

Gacan ku heynta dowladda ee gobollada qaar ayaa sidoo kale khatar ku jirta, iyadoo ay jirto cabsi ah in Taliban ay militari ahaan awoodda la wareegi doonto.

Inkastoo ciidamada ammaanka ee dowladda ay dib u qabsadeen degmooyinka qaar ayna saameyntooda ku sii kordheyso deegaannada qaar, haddana uma dhiganto guulaha ay gaareen Taliban.

Ka bixitaanka ciidamada shisheeye ee uu Mareykanku horkacayay ayaa loo aaneyn karaa sababta ugu weyn ee ka dambeysa guulaha Taliban, balse waxaa jira sababo kale.

Taliban

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ka bixitaankii ciidamada shisheeye ee 'degdegga' ahayd

Muddo bilooyin ah, indha indheeyayaasha ayaa ka digayay in dagaalku uu sii xoogeysan doono haddii ay xoogagga shisheeye ka baxaan dalkaas kahor inta aysan heshiis kala saxiixan dowladda Afghanistan iyo Taliban.

Xildhibaan Zia Arya Nejhad oo ka tirsan baarlamaanka dalkaas ayaa bishii April yiri, "Waxaan haatan caddeynayaa in haddii ay Ameerikaanku sidan uga baxaan Afghanistan, in dagaal aad khatar u ah una weyn uu ka dhex bilaaban doono Taliban iyo xoogagga dowladda ee Afghanistan."

La taliyaha ammaanka ee dowladda Afghanistan Hamdullah Mohib ayaa isagana guulaha Taliban u sababeeyay xoogagga Afghanistan oo aan heysan taageero dhanka cirka ah.

Mohib ayaa BBC u sheegay: "Sababo la xiriira ka bixitaankii degdegga ahaa ee Ameerikaanka ee deegaannada qaar, degmooyinka miyiga oo ay ciidamada dowladda ay taageerada cirka ka heli jireen xoogagga isbahaysiga ay isaga baxeen halkaas amaba ay gacanta u galeen Taliban. "

Sidaas si la mid ah, Abdul Hadi Khalid oo ah khabiir dhanka arrimaha milatariga ah ayaa sheegay in dowladda Afghanistan ay awoodi weysay in taageero militari ay siiso ciidamadeeda ayna xilligii loo baahnaa deegaannada ku daad gureyso ciidamo.

Wuxuu yiri, "NATO way baxeysaa, daad gureynta ciidamada ammaanka ee Afghanistan waa mid aan suurto gelin."

Sida ku xusan heshiiska Mareykanka iyo Taliban ee ay Dooxa ku kala saxiixdeen bishii February 2020, dhammaan ciidamada shisheeye ee ku sugan Afghanistan waxaa loo qabtay inay dalkaasi isaga baxaan wixii loo gaaro 1 May 2021, balse bartamihii April Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in howshaasi aysan soo gebageboobi doonin kahor 11 September .

Taliban

Xigashada Sawirka, EPA

Taageero la sheegay inay gudaha ka heleen

Marka la eego ma jirto sabab la isku barbardhigi karo dagaal-yahannada Taliban ee gaaraya ku dhowaad 150,000 iyo qiyaastii 290,000 oo ciidamada dowladda ah kuwaas oo uu tababaray isla markaana taageero Mareykanka.

Balse kooxda ayaa waxay awood u yeelatay inay qabsato dhul ballaaran iyadoo ciidamada dowladda ay isaga baxen dhulkaas amaba ay isku dhiibeen kooxda.

Waxaa la sheegay in hoggaamiyeyaasha qabaa'illada iyo dad kale oo saameyn leh ay ciidamada dowladda ku qanciyeen inay isaga baxaan deegaannadooda kuna wareejiyaan Taliban si cafis loogu fidiyo.

Kaddib markii kooxda Taliban ay galeen magaalada Kandahar, ee caasimadda gobolka Kandahar, barasaab Rohullah Khanzada ayaa sheegay in siyaasiyiinta ay ciidamada ku boorriyeen inaysan dagaallamin.

"Magaalada Kandahar militari ahaan uma gelin gacanta Taliban, waa is dhiibid siyaasadeed. Waxay ka tageen degmooyin badan kaddib markii hal mar uun la soo wacay," ayuu yiri Khanzada.

Sida laga soo xigtay wargeyska Hasht-e Shobh, wuxuu sheegay in saraakiil badan ay khabbadii ka soo baxeen sababo la xiriira "xiriir siyaasadeed mid qabiil".

Taliban

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kandahar waxaa loo arkaa xuddunta dhaqdhaqaaqa Taliban.

Barasaabka ayaa arrin khiyaano ah u aaneeyay in degmooyinka waqooyi-bari gobolka Badgis ay gacanta u galaan Taliban. Wuxuu amray in la soo xiro qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee bulshada.

Madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay ee Amrullah Saleh ayaa la sheegay in xildhibaanka Badghis Amir Shah Naybzada uu ku eedeeyay inuu codsaday in caasimadda Kala-i-Nav ay gasho gacanta Taliban. The MP has denied the allegation.

Goor dambe ciidamada dowladda ayaa dib u qabsaday magaalada.

Taliban

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shirqoolka ka dhanka ah dowladda ee Taliban

Keliya dagaal yahannada Taliban awooddooda kuma aysan muujin dagaalka, ee sidoo kale waxaa guushooda loo aaneyn karaa shirqoolka ka dhanka ah dowladda.

Mohib ayaa dhowaan yiri, "Wararkaas la isla dhex marayo ee Taliban waa mid ka mid ah sababaha qyebta libaaxa leh ka qaatay inay dhul badan la wareegaan."

Wuxuu sheegay in farriimo ay u direen ciidamada ammaanka iyo dadka deegaanka ay sababeen in la rumeysto in deegaannada oo lagu wareejiyo Taliban ay qeyb ka tahay heshiis ay la galeen dowladda.

Xildhibaan Mamur Rahmatzai ayaa sheegay in heshiis qarsoodi ah lagu oggolaaday in degmooyinka ay kooxdu qabsato.

"Markii ciidamada Afghanistan ay sheegeen inay isaga baxeen goobaa dagaalka, maxay hubka iyo gawaarida militari uga tageen halkaas."

Musuqmaasuq, 'hoggaan xumo'

Musuqmaasuqa la xiriira in maleeshiyaadka dowladda taageersan loo shaqaaleysiiyo booliiska iyo militariga ayaa sidoo kale loo aaneynayaa guulaha Taliban.

Qoraal uu ku daabaca barta Facebook, ayaa madaxii hore ee ammaanka Rahmatullah Nabil wuxuu ku sheegay in saraakiil ka tirsan dowladda ay mushaar u qoreen kooxo maleeshiyaad ah oo aanba shaqeyn.

Wuxuu sheegay in haddii dadkaasi ay lacag u helaan 1,000 maleeshiyaad gudaha ah, ay keliya shaqaaleysiiyaan 200 ayna musuqmaasuqaan lacagta kale.

Nabil ayaa yiri, "Deegaanno badan ayaa la qabsaday, sababtuna waxay tahay in maleeshiyaad aanba halkaasi joogin loo diwaan geliyay"

Khubarrada qaar ayaa "hoggaan xumo u aaneynaya" guul-darrada ciidamada dowladda.

Taliban

Xigashada Sawirka, EPA

Tirada sii kordheysa ee dagaal-yahannada Taliban

Sii deynta dagaal-yahannada 5,000 ah ee Taliban ee laga sii daayay xabsiyada Afghanistan qeybna ka ahayd heshiiskii Maryekanka iyo Taliban ayaa sidoo kale xoojisay awoodda kooxda.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa dhowaan sheegay in sii deynta maxaabiista Taliban ay ahayd "khalad weyn".

Ghani ayaa sidoo kale sheegay in kumannaan dagaal-yahanno shisheeye ah ay toddobaadyadii la soo dhaafay ku biirayeen kooxda.

Waxaa intaas dheer, in taageerada kooxdu ay sii badaneysay sanadihii la soo dhaafay. Sanadihii 1990-meeyadii, Taliban waxay markii hore ku sugnaayeen koofurta dalkaas oo ay ku nool yihiin qowmiyadda Pashtun kaddibna waxay u wareegeen waqooyiga oo ay ku nool yihiin bulshooyinka Tajik iyo Uzbek.

Balse maanta waxay saameyn ku leeyihiin taageerana ka heystaan bulshooyin badan oo dalkaas ku nool.