Vienna: Cudur aan la aqoonin oo saameeyay diblomaasiyiinta Maraykanka ee Austria

Night view of the Danube river in Vienna

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Magaalada Vienna ayaa ku caan baxday inay xarun u tahay diblomaasiyadda

Dowladda Mareykanka ayaa baaritaan ku wadda cudur saameyn weyn ku yeeshay diblomaasiyiintooda iyo shaqaalaha kale ee ku sugan safaaradda ay ku leeyihiin magaalada Vienna ee dalka Austria

In ka badan 20 xubnood oo ka tirsan safaaradda ayaa lagu arkay calaamadaha cudur u eg midka loo yaqaanno Havana Syndrome - oo ah xanuun aah ilaa hadda la garanaynin - kuwaasoo dhammaantood xanuunsaday laga soo billaabo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Biden bishii January.

Cudurkan wali lama sharrixin, laakiin seynisyahannada Mareykanka ayaa sheegay inay u badan tahay inuu yahay xanuun ka dhashay kuleylka ay dhaliso korontada.

Markii ugu horraysay waxaa lagu arkay waddanka Cuba intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2017-kii.

Diblomaasiyiinta waddamada Mareykanka iyo Canada ee ku sugan magaalada Havana ayaa ka cawday xanuunkaas oo calaamadihiisa qaar ka mid ah lagu sheegay madax wareer, dhac dhac, maqalka oo luma iyo cabsi xad dhaaf ah.

Mareykanka ayaa Cuba ku eedeeyay inay diblomaasiyiintooda "ku weerareen waxyaabaha dhaliyay xanuunka", walow ay mas'uuliyiinta dalkaas beeniyeen eedeyntaas.

Dhacdooyinkaas ayaa sii xumeeyay xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo Cuba.

Sanadkii 2019-kii, khubaro Maraykan ah ayaa daraasad ku ogaaday in "uu dhaawac maskaxda ka gaaray" diblomaasiyiintii la xanuunsatay cudurkaas, laakiin Cuba ayaa ku gacan sayrtay natiijadaas.

The US embassy in Havana, Cuba

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xanuunkan mid u eg ayaa horay loogu arkay diblomaasiyiinta Mareykanka ee Cuba

Kiisaska Vienna waxaa markii ugu horraysay tooshka ku ifiyay wargayska New Yorker oo maqaal ka daabacay maalintii Jimcada, markii dambena waxaa xaqiijisay wasaaradda Arrimaha dibadda ee Maraykanka, oo sheegtay "inay baadhitaan qota dheer ku hayso".

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa soo xigatay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Austria oo lagu sheegay "in ay Mareykanka kala shaqeynayaan sidii loo ogaan lahaa gunta hoose ee arrintaas".

Magaalada Vienna ayaa taariikh dheer ku leh inay xarun u tahay howlaha diblomaasiyadda caalamka, waxayna sharaf badan ku kasbatay kulamo xasaasi ahaa oo ay martigalisay, gaar ahaan xilligii uu socday dagaalkii qaboobaa.

Dalalka uu Mareykanka ka mid yahay ayay diblomaasiyiin badan u joogaan halkaas.

Magaaladan ayaa hadda martigalinaysa wadahadallada tooska ah ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan, kuwaasoo qayb ka ah isku dayga dib loogu soo noolaynayo heshiiskii nuclear-ka ee la saxiixay 2015-kii.

Kiisas kale oo ku saabsan xanuunkan ayaa laga soo tabiyay meelo ka mid ah caalamka, laakiin saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in tirada lagu arkay magaalada Vienna ay ka badan tahay magaalo kasta, marka laga reebo Havana.

Bishii June, Xog hayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken , ayaa shaaciyay in il gaar ah lagu hayo waxa sababay cudurkaas.