Itoobiya iyo Soomaaliya: Ciidamada AMISOM oo abaalmarisay qaar ka mid ah askarta nabad ilaalinta

Ciidamada Itoobiya oo la abaal marinayo

Xigashada Sawirka, AMISOM

Qoraalka sawirka, Ciidamada Itoobiya oo la abaal marinayo

AMISOM ayaa shalay ku abaalmarisay askarta Itoobiya kaalinta ay ka qaateen "soo celinta nabadda iyo xasilloonida" Soomaaliya.

Askarta ENDF waxay heleen billadaha Midowga Afrika ka dib markay dhammaystireen hal sano oo ay ka shaqeynayeen Soomaaliya iyagoo ka tirsan AMISOM.

Ciidamada Itoobiya waxay Soomaliya galeen sannadkii 2006-dii, xilligaas oo dagaal adag ay la galeen ciidankii Midowgii maxaakiimta. Waxayna dalka ka bexeen sannadkii 2009-kii. Balse dhowr sano ka dib ayey ku noqdeen iyagoo ku howlgalayay magaca AMISOM.

Kuwa hadda la abaalmariyay waa ciidanka Itoobiya ee ka tirsan qeybta 6-aad ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo ay wehliyaan ciidamada Difaaca Kenya, ciidamada dowladda ee SNA iyo ciidamada amaanka Jubaland, si loo yareeyo khataraha waxa loogu yeeray argagixisada.

Itoobiya waxay ka mid tahay shanta waddan ee ciidamada AMISOM qeybta ka ah, waxaana ka mid ah Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Uganda.

.

Xigashada Sawirka, AMISOM

Abaal marintan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo mar sii horreeyay gudoomiyaha Gudiga Xiriirka Dibada ee Mareykanka uu ku baaqay in ciidamada Itoobiya ee ku lugta leh dagaalka Tigray in la joojiyo inay ka mid noqdaan ciidamada nabad ilaalinta ee caalamiga ah.

Gudoomiyaha gudigaasi Senetor Bob Mendes ayaa ku baaqay in ciidamada Itoobiya aysan ka qeyb qaadanin howlaha nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay, ilaa iyo inta laga baarayo tacadiyada ka dhanka ah ee xuquuqul insaanka ee la sheegayo in ay ka socdaan gobolka Tigray.

Bob Mendes ayaa codsigan ku sheegay warqad uu u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres.

Wuxuu sheegay inay jiraan cadeymo muujinaya in xubnaha ciidamada Difaaca Itoobiya (EDF) ay ku luglahaayeen kufsi wadareed iyo jirdil loogaystay dad aan waxba galabsan, dilal sharci daro ah, xasuuq iyo danbiyo kale, sida dambiyada dagaalka iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha, intii lagu guda jiray sagaalkii bilood ee uu dagaalka ka socday gobolka Tigray.

.

Xigashada Sawirka, EDUARDO SOTERAS

Wuxuu intaas ku daray in maadaama ay Itoobiya ciidamo aad u tiro badan ku biiriso howlgalada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ee qaaradda Afrika, wuxuu codsaday in baaritaan adag lagu sameeyo ku lug lahaanshaha ciidamada Itoobiya ee tacaddiyada gobolka Tigray.

Dowladda Itoobiya ayaanan weli wax jawaab ah ka bixin warqadda ka soo baxday senatarka, balse horey ayey u beenisay in tacaddiyo ay ka dheceen gobolkaas.

Qaraar ka soo baxay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, sannadkii 2003-dii, wuxuu ku baaqayay in hawlgallada nabad ilaalinta aan laga qeybgelinin ciidamada qeybta ka noqda dagaal sokeeye, si looga hortago xadgudubka galmada.

Waxay sidoo kale warqad u qoreen Midowga Yurub sannadkii 2011, taas oo ay ku xusnayd in qaramada midoobay soo saartay siyaasad ay ku mamnuuceyso in howlgal laga qeybgeliyo ciidamada nabad ilaalinta ah ee ku xadgudba sharciga xuquuqul insaanka.