Khilaafka Biyo-Xireenka: Masar iyo Sudan ma waxay fulin rabaan duulaan ka dhan ah Itoobiya?

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbaahinta Carabta ayaa si weyn u qaadaa-dhigtay fursadaha u furan dalalka Masar iyo Sudan kadib markii ay dowladda Itoobiya billowday wejiga labaad ee buuxinta biyo-xireenka khilaafka abuuray ee ay ka samaysay webiga Niil.
Qaar kamid ah dadka ka faallooda arimaha Carabta ayaa sheegay in ay dhici karto in Masar ay tallaabo milateri ka qaado biyo xireenka. Xukuumadda Qaahira ayaa xoojisay dedaallada diblomaasi ee ku aaddan biyo-xireenka, xilli uu Khamiista beri ah Golaha Ammaanka kulan ka yeelan doono saameynta ay buuxinta biyo-xireenka ku yeelan karto dalalka Masar iyo sudan.
'Go'aan adag'
Taariq Al-Xamid oo wax ku qora wargeyska Sharqul Awsad ee xaruntiisu tahay London ayaa qaba in dagaal aan laga baaqsan doonin.
"Qaabka ay Itoobiya u maaraysay xiisaddan ayaa ka dhigan in tallaabo milateri ay qaadi doonto Masar. Ma aha wax wanaagsan, balse nasiib darro dhankaas ayaan u jiheysannay. Go'aanka Itoobiya ayaa meel adag dhigaya Masar iyo Sudan," ayuu yiri falanqeeyahan.
Maxamuud Khaliil oo wax ku qora wargeyska Al-Wadan ee ka soo baxa Masar ayaa sidoo kale qaba in xilligan la joogo uu dagaalka dhinacyada yahay mid sidii hore ka dhaw.
"Nabaddu ma aha mid waxtar leh haddii dalka ama bulshada ku nool ay wajahayso halis muuqata. Waxaa jira qaabab looga baaqsan karo colaadda maadaama aan lagu gaari karin yoolka loo baahan yahay, balse marka wanaagu shaqeyn waayo, xalka furan oo keliya waa iska hor imaad," ayuu tilmaamay qoraaga.

Xigashada Sawirka, Reuters
Wargeyska al-Qudus al-Carabi ee ka soo baxa London ayaa faallo uu daabacay ku sheegay in intii ay madaxda Masar iyo Sudan ku mashquulsanaayeen colaadda Liibiya, ay xukuumadda Itoobiya dhisatay biyo xireenka, kadibna isu diyaarisay qaab kasta oo lagu waxyeelayn karo mashruucaas weyn.
Faallada ayaa lagu sheegay in heshiiskii 2015 dhexmaray Itoobiya iyo Masar uu xukuumadda Addis Ababa fursad u siiyay inay qaado tallaabooyinka maanta caqabada ku ah labada waddan. Wargeyska ayaa qormadiisa ku soo gebagabeeyay in xilligan uu Madaxweynaha Masar Cabdelfataax Al-Sisi uu u durbaan tumayo tallaabo milateri oo ka dhan ah biyo-xireenka balse uu isagu leeyahay khaladka fursadda siiyay Itoobiya.
Itoobiya ayaa maalin ka hor shaacisay in ay billowday wejiga labaad ee buuxinta biyo-xireenka, arrintaas oo ka caraysiiyay Masar iyo Sudan. Labadan dal ayaa ku doodayay in biyaha webiga Niil ee ay ku tiirsan tahay noolasha inta badan shacabkooda ay yaraan doonaan, taasina ay khatar amni horseedi doonto.
Kulamo badan oo xal loogu raadinayay arrintan ayaa guuldarro ku soo idlaaday, waxaana hadda khilaafkan ka doodi doona xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.













