Khilaafka Itoobiya iyo Masar: "Si rasmi ah looma billaabin buuxinta harada biyo-xireenka"

Sawir sattelite lagu qaaday oo muujinaya Itoobiya oo billowday buuxinta harada biyo-xireenka

Xigashada Sawirka, Maxar Technologies via Reuters

Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inaan si rasmi ah loo billaabin buuxinta harada biyo-xireenka.

Waisiirka biyaha Itoobiya Dr Sileshi Beqele oo u waramay telefishinka dowladda ee EBC wuxuu sheegay biyo buuxinta iyo biyo xireenka iyo dhismaha biyo xireenkaba sidi looga talagalay iney u socdaan balse weli aan si rasmi ah loo billaabin buuxinta biyaha harada biyo-xireenka.

Sawir dhawaan dhinaca satellite looga qaaday biyo-xireenka ay Itoobiya dhiseyso ayaa muujinaya xaddiga biyaha harada biyo-xireenka oo kordhay.

Iyada oo la sheegay wasaaradda biyaha ee dalka Itoobiya iney xaqiijisay iney sax yihiin.

Wadahadalladi seddex geesoodka ahaa oo ay dhexdhexaadineysay midowga Afrika oo 11-ka maalmood socday wuxuu ku soo gabagaboobay isafgarasha la'aan.

Wuxuuna wasiirka biyaha Itoobiya, bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray "wadahadalka seddexda dal dhexmaray inuu ahaa mid jiilalka soo socda xataa ay ka faa'idi doonaan oo dalalka oo dhan ka wada faa'idayaan."

Seddexda dal Masar, Itoobiya iyo Suudaan wadahadalki ay ka yeesheen muranka ka dhashay biyo xireenka Itoobiya ay dhiseyso waxaa ka qayb galay 11 xubnood oo isugu jiro goob joogayaal iyo guddiyo farsamo. Hase yeeshee, wadahadalka wax natiija ah lagama gaarin.

"Wadahadalka 11-ka maalmood socday iyo arrimihi ay seddexda dal isku afgarteen waxay warbixin ahaan ugu gudbinayaan madaxda dalalkaasi iyo midowga Afrika ee dhexdhexaadinta waday" ayuu yiri.

Biyo xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso Wabiga Nile

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Biyo xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso Wabiga Nile

Guddoomiyaha midowga Afrika iyo Madaxweynayaasha seddexda dal uu muranka ka dhaxeeyo marka ay warbixinta guddiyadooda farsamada u soo gudbiyaan ay qiimeeyaan kaddib uu wadahadalka sii socon karo.

Muranka seddexda dal u dhaxeeya ee ka dhashay biyo xireenka ay Itoobiya dhiseyso oo sanada badan soo socda wax xal ahna aan laga gaarin ayaa haatan maraya heer ay Itoobiya billowday buuxinta harada biyo-xireenka.

Dalka masar oo muranka biyaha qaybta ugu weyn ka ah waxay cabashadeeda u gudbisay golaha ammaanka qaramada midoobay iyada oo ka codsatay inuu arrinta Nile uu soo farageliyo.

Waxyaabaha la isku haya ee ugu muhiimsan ee ay seddexda dal isku mari la'yihiin waxaa ka mid ah:

  • Buuxinta iyo sii deynta biyaha biyo-xireenka
  • Xilliyada abaaraha biyaha sida loo maamulayo
  • Maamulka biya xireenka iyo dabagalkiisa
  • Ammaanka dhismaha biyo-xireenka iyo sida la isugu halleyn karo iwm.

Itoobiya waxay soo jeedisay qodobbada aan heshiiska laga gaarin in xilli kale loo dhigo , balse Masar ayaa soo jeedinta Itoobiya diidday.

Wasiirka arrimaha dibadda Masarna wuxuu sheegay wadahadalka 11 maalmood socday iney wax natiijo ah ka soo bixin. Talooyinka Masar ay soo jeedisay ee biya qabatinka xilliga abaaraha ku saabsanna waxaa diidday Itoobiya.