Qaraxa Muqdisho: Qaraxa ka dib waxaan tiriyay meydadka afar qof
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay sideed kalana way ku dhaawacmeen qarax fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen booliska iyo goobjoogayaal.
"Wuxuu ahaa qarax ka dhashay qof naftii halliga ah. Waxay u muuqataa in bartilmaameedku ahaa mukhaayad ku taalla isgoyska Jubba. Baaritaan ayaa socdo balse waxaan ilaa iyo hadda ogaanay inay afar qof ku dhinteen, sideed kalana ay ku dhaawacmeen", ayuu yiri Maxamed Aadan oo ah sarkaal ka tirsan booliska oo ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay.
Waxaa goobta ku sugnaa dad badan, sida ay goobjoogayaal sheegeen, wuxuuna kusoo aaday qaraxu xilli uu mashquul badan ka jiray isgoyska Jubba oo ay ku taalla maqaayada la qarxiyey.
"Mukhaayadda dad badan ayaa ku sugnaa markii uu qaraxu dhacayay. Meel aan ka fogeyn ayaan joogay. Qaraxa ka dib ayaan imid. Waxaan arkay maydka afar qof," ayuu yiri Abdikarim Cali oo ah goobjooge ku sugnaa goobta.
Darbiga ayaa nagu dumay
Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay waxayna halkaasi ka billaabeen baaris ay ku doonayaan inay ku ogaadaan raadadka qofkii is qarxiyay.
"Musiiba ayaa ka dhacday halkan. Darbigii ayaa nagu soo dumay. Qoyskeyga dhibaato badan ayaa ka soo gaartay qaraxan. Afar xubnood oo qoyskeyga ka tirsan ayay wax gaareen. 2 wiil oo ila dhalatay oo yaryar, adeerkey iyo wiil abtigay uu dhalay ayaa ku dhaawacmay," ayuu yiri goobjooge la hadlay BBC-da.
Magaalada Muqdisho ayaa amnigeedu uu wanaagsanaa toddobaadyadii la soo dhaafay hase yeeshee waxaa qaraxyada ay geysanayaan dadka isku soo xira jaakadaha ka sameysan waxyaalaha qarxa ay ku soo badanayaan caasimadda, sida uu ku soo waramay weriye BBC-da oo ku sugan magaalada.








