Qalalaasaha Israa'iil iyo Falastiin: Qaza oo markale la duqeeyay ka dib maalmo xaalku degganaa

Israel ayaa sheegtay inay bilowday duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada Xamaas ee marinka Gaza, ka dib markii buufinno qarax sameeya kaga yimaaddeen dhanka Gaza.

Qaraxyo ayaa laga maqlay magaalada Gaza, arroortii hore ee maanta.

Dhowr buufimooyin oo qarxaya ayaa ka yimi Gaza oo laga arkay Israa'iil, gelinkii hore ee Talaadada, taas oo sababtay in dab uu ka koco goobo badan, sida ay sheegtay waaxda dab damiska ee Israa'iil.

Waa markii ugu horreysay ee uu dagaal qarxo tan iyo wixii ka dambeeyay 11-kii maalmood ee dagaal u dhexeeyay labada dhinac uu ku dhammaaday xabad joojin la isla gaaray 21-kii May.

Waxay daba socotaa hawlgalkii ay wadaniyiinta Yuhuuddu ku qaadeen Bariga Qudus Talaadadii, taas oo keentay in hanjabaado oga yimidaan Xamaas, ururka maamula Gaza.

Bayaan ay soo saareen ciidammada difaaca Israa'iil ee loo yaqaan IDF waxay ku sheegeen in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen xeryo militari oo ay maamulaan Xamaas oo ku yaala Khan Yunis iyo Gaza.

Waxay sheegeen in "falal argagixiso" ay ka dheceen goobahaas, iyo in IDF "loo diyaariyey wax kasta oo dhici kara sidii ay uu wajahi lahaayeen, oo ay ku jiraan dib u soo noqoshada dagaallada, iyadoo ay jiraan falal argagixiso oo ka socda Marinka Gaza".

Weli ma cadda in duqeymaha cirka ay waxyeello geysteen.

Weriyaha BBC-da ee Rushdi Abualouf oo ku sugan Gaza, ayaa muuqaal la wadaagtay baraha bulshada, waxayna sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa'iil in guuxooda laga maqli karo dhulka.

Adeegga dab-damiska ee Israa'iil ayaa sheegay in buufinnada ololaya ee goor hore laga bilaabay Qaza ay sababeen in ugu yaraan 20 dab laga demiyo beero ay leeyihiin bulshooyinka ku nool koonfurta Israa'iil.