Shirka G7: Muxuu yahay shirkan muxuuse uga dhacayaa Ingiriiska?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa isugu tegaya hoteelka Cornish ee Carbis Bay, iyaga oo si fool ka fool ah u yeelanaya shirka dalalka G7.
Madaxdaas waxaa ka mid ah hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, iyo Madaxweyne Biden, oo ku jira safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu xilka qabtay.
Muxuu yahay G7 goormuuse shirku dhacayaa?
G7 (Kooxda Toddobada) waa urur ay ku mideysan yihiin toddobada dal ee la sheego inay yihiin kuwa ugu tunka roon dhanka dhaqaalaha. Waxay kala yihiin Canada, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Japan, UK iyo Mareykanka.
Ruushka wuxuu kooxdaas ku biiray sanadkii 1998, markaas oo uu ururku isku beddelay G8, balse waxaa laga saaray sanadkii 2014 kaddib markii uu sheegtay Crimea.
Shiinaha weligiis kooxdan kama ahayn xubin, inkastoo uu yahay dal dhaqaale badan heysta isla markaana ay ku nool yihiin bulshada ugu badan adduunka. Waxaa loo arkaa in bulshadu aysan dhaqaale badan heysan sidaas darteed laguma xisaabiyo dal dhaqaalihiisu horumarsan yahay sida xubnaha kale ee G7.
Wakiillada Midowga Yurub ayaa mar walba kulanka goobjoog ka ah halka Hindiya, Kuuriyada Koofureed iyo Australia shirka lagu casuumay sanadkan.
Shirka G7 wuxuu dhacayaa laga bilaabo maanta oo ah Jimce 11 ilaa Axadda 13-ka June.
Muxuu shirka G7 uga dhacayaa UK?
Dalka UK wuxuu sanadkan 2021 qabanayaa shirka madaxda G7 sidaas darteed ayuu halkaasi shirka uga dhacayaa.
Waxaa bishii January lagu dhawaaqay in kulanku uu ka dhacayo Hoteelka Carbis Bay oo ku yaalla meel u dhow St Ives oo ku taalla Cornwall.
Ma aha markii ugu horreysay ee hoggaamiyeyaasha caalamka ay ku kulmaan hoteel xeebta saaran. Shirkii ugu dambeeyay ee G7 ee sanadkii 2019 waxaa lagu qabtay magaalo-xeebeedka Faransiiska ku taalla ee Biarritz.
Wuxuu shirku saameyn doonaa nolosha dadka caadiga ah ee ku nool Cornwall, iyadoo la xirayo waddooyinka.
Meelaha qaar ee St Ives, dadka deegaanka waxaa la weydiin doonaa caddeyn degganaansho si ay guryahooda u tagaan.
Dowladda UK ayaa sheegtay in madaxda caalamku ay muhiim u tahay inay fool ka fool u kulmaan iyadoo si joogto ah loo sameyn doono baaritaanka Covid.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxay sameeyaan dalalka G7?
Inta sanadka lagu guda jiro oo dhan wasiirrada iyo saraakiisha dalalka xubnaha ka ah kooxda ayaa qabta shirar, waxay gaaraan hehsiisyo iyaga oo sidoo kale si wada jir ah u soo saara warsaxaafadeed.
Kahor shirka, wasiirrada dhaqaalaha dalalka G7 ayaa isku raacay in dalalka xudduudaha isaga gudba ay bixiyaan canshuuro dheeraad ah.
Maalinta ugu muhiimsan waa marka ay madaxda G7 wada fadhiistaan ayna ka wada hadlaan arrimaha ugu muhiimsan.
Maxaa ka mid ah ajandeyaasha sanadkan?
Arrinta ugu muhiimsan waxay noqon doontaa ka soo kabashada Covid, iyo in ay dunidu la timaaddo hannaan xooggan oo looga hortagi karo xanuunnada safmarka ah ee mustaqbalka dillaaci kara.
Ajandaha waxaa sido kale ku jira isbeddelka cimilada iyo ganacsiga.
Madaxweyne Biden ayaa la filayaa in Boris Johnson iyo Midowga Yuurb uu kala hadli walaaca uu ka qabo sida muranka ganacsi ee UK iyo Midowga Yurub ay khalkhal u gelin karaan Waqooyiga Ireland.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirarka caadiga ah ayaa bilaaban doona berri subixii, iyadoo dalalka lagu martiqaaday ay imaanayaan berri galab.
Inta badan shirarku albaabbada ayaa u xirnaanaya, balse mararka qaar ayaa saxaafadda loo fasaxaa.
Marka uu shirku dhammaado, UK - oo ah dalka martigeliyay - ayaa soo saari doona war-murtiyeed. Waxaa ku xusan waxyaabihii ay madaxdu isku raaceen.
Ra'iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa la filayaa inuu Axadda qabto shir jaraa'id.
Dibadbaxyo iyo roondo ay boolisku sameynayaan miyaa jiri doona?
Sanadkan way adag tahay sababo la xiriira xayiraadaha Covid.
In ka badan 5,000 oo saraakiil dheeraad ag - ayaa ku biiri doona 1,500 oo ka kala socda Devon iyo Cornwall - kuwaas oo ilaalin doona shirka.
Markab ayaa sidoo kale ku xirtay meel u dhow Falmouth.

Xigashada Sawirka, Colin Moore
Dibadbaxayaasha ayaa loo sheegay inay isugu imaan karaan afar goobood oo loo asteeyay, waxaa ka mid ah goob ku taalla Exeter - oo in ka badan 100 meyl u jirta xarunta shirka.
Booliiska ayaa sheegay inaysa fileyn in dibadbaxyadu ay keliya ka dhacaan afartaasi goobood.
Kooxda u ololeysa cimilada ee Extinction Rebellion ayaa qorsheeyay dibadbaxyo, waxaa ka mid ah isu soo bax ka dhaca Plymouth ilaa Carbis Bay.
Dalalka G7 ma leeyihiin wax awood ah?
Ma meel marin karaan sharciyo sababtoo ah waxay ka kooban yihiin dalal sharciyo kala duwan leh.
Si kastaba, go'aannada qaar saameyn caalami ah ayay yeelan karaan.
Tusaale ahaan, G7 waxay sanakdii 2002 door muhiim ah ka cayaareen hirgelinta dhaqaale lagula dagaallamo duumada.
Waxaa sidoo kale jira rajooyin ah in heshiika canshuurta sanadkan uu yeelan karo saameyn badan.
Si kastaba, G7 waxaa lagu eedeeyay inaysan xilliga la socon, maaddaama aysan ku jirin labada dal ee ka midka ah kuwa ugu waaweyn caalamka - waa Hindiya iyo Shiinaha.










