Siciid Xasan Cabdikariin: Geed cambe ah oo ay saddex jiil kala dhaxleen

Qoraalka Muuqaalka, Geed cambe ah oo ay saddex jiil kala dhaxleen

Ifka kuma soo gaarin wuxuuse intifaacsadaa Inniintuu beeray.

Siciid Xasan Cabdikariin oo ah 55 sanno jir, kuna nool degmada Luuq ee gobolka Gedo, waa jiilkii saddexaad ee dhaxlay beertan ku taalla webiga Jubba Jiinkiisa.

Dhirta bidhaanta dheer ee beerta kutaal, waxaa ka mid ah dhawr geed oo Canbe ah, kuwaas oo da'doodu ka weynta boqol sanno, waxaana abuurkoodii ugu horeyey tallaalay Siciid Xasan awoowihii Cabdikariin, oo aanu isagu nolol ku soo gaarin, balse yeeshee wuxuu intifaacsadaa inniintii uu beerey qarni ka hor.

Cambaha wax uu ka midyahay Geed miroodka la beero kuwa loogu jecelyaha, wuxuuse dhirbadan kaga duwanyahay dhega' adayga iyo in aanu horray miro u soo saarin, waana sababta keentay in aanu geedku Goboobin, oo jillaal kala dhaxlaan.

Siciid Xasan midkuu beeray 25 sanno ka hor wali mero ma keenin, waxan uu BBC-da u sheegay in ay u badantahay geedka qofka beera in uusan intifaacsan oo ay muddo qaadato in uu miro keenno.