You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Weriye daadihiya barnaamijka 'iskaabulo' oo shaqadii ka tagay
Wariye caan ku ahaa daadihinta barnaamij guurdoonks iyo is xodxodashada lammaanaha loogu talo galay ayaa si buuxda isaga casilay daadihinta barnaamijkaasi kaddib markii uu cadaadis xooggan uu kala klulmay hadal uu ka sheegay midabka oo muran badan dhaliyey.
Barnaamijka Deadline ayaa tabiyey Chris Harrison, oo ah wariya caan ah ruwaayadahana dhigi jiray inuu ku soo laaban doonin barnaamijka ka baxat ABC.
Muranka ayaa soo ifbaxay bishii Febraayo ka dib markii uu ka cudur daartay ficil uu horay ugu sameeyey jilayaal ay isku midab ahaayeen oo wax isla jilayeen isaga oo lagu eedeeyey inuu adeegsaday ereyo cunsurinima ah.
"Aniga waxaan ka cudurdaaranaya cunsuriyadii aan sameeyey, waana difaacayaa," ayuu yiri waqtigaas.
Harrison wuxuu martigeliyey ama uu daadihiyey 25 xalqo oo uu barnaamjika 'Iskaabulo' uu socday, iyada oo barnaamijkaasi uu billowday 2002-da. sida oo kale wuxuu horkacayey barnaamijkii loogu magac dary 'The Bachelorette and Bachelor in Paradise'
'Xishood iyo War la'aan'
Barnaamijka ''The Bachelorette and Bachelor in Paradise' ama 'gashaantida iyo barbaarka janada' wuxuu ahaa mid ay iskaabulada Wiilasha ama Gabdhaha ah inta uu barnaamijka socda ay ku dooranayaan qofkii ay noolasha la wadaagi lahaayeen iyada oo dad badan oo iskaabulo ahaa oo barnaamijkaasi isku calmaday ay lammaane noqdeen.
Shaqa ka fariisiga Harrison ayaa ku soo beegmaya maalin un kaddib markii uu billowday qaybti 17-aad ee taxanaha ahayd ee barnaamijka Bachelor oo uu isagu qayb ka ahayn. Waxaana barnaamijkaasi haatan daadihinaya Tayshia Adams iyo Kaitlyn Bristowe oo horay barnaamijkaasi uga tirsanaa.
Harrison ayaa bishii February raali gelin kabixiyey hadaladii foosha xumaa oo cunsuriyadda xambaarsanaa uu ku yiri mid ka mid ah jilayaasha xilli wareysi siinayey Rachelle Lindsay oo horay barnaamijka Bachelorette u daadihin jirtay.
Wareysiga, wuxuu faallo ka bixiyay sawirro muujinaya Rachel Kirkconnell oo ka mid ah tartamayaasha Bachelor-ka kubbad lagu soo wareejiyay beero xilligii addoonsiga markii ay 18 jirka ahayd.
Harrison ayaa markii dambe bixiyey raalli gelin dheeri ah, isagoo leh: "Aniga oo ku cudurdaaranaya cunsuriyadda taariikhiga ah, waan difaacay. Waxaan ku dheeraaday ereyga 'booliska soo kacay', oo ah wax aan la aqbali karin. Waan ka xishoonayaa sida aan u aha qof aan wax ogeyn. Aad ayaan u qaldanaa."
Kirkconnell ayaa sidoo kale raalligelin ka bixiyay, isagoo yiri: "Mar uun, ma aanan aqoonsanin sida xun ee cunsuriyadda ah ee ficilkeygu u ahaa, laakiin taasi cudurdaar kama noqonayso.
Da'dayda ama markii ay dhacday wax cudur daar ah ma lahan. Lama aqbali karo ama wax macno ah malaha, waxaan ahaa jaahil, laakiin jaahilnimadaydu waxay ahayd cunsuriyad. "
Bishii June 2020-kii taageerayaasha barnaamijkaasi oo ka baxayey ABC ayaa telefishiinka ka dalbaday inuu daadiyaha barnaamijka uu si siman ula dhaqmo dadka kala midabka ah ee barnaamijkaasi ka qayb qaadanaya.
Ugu dambeyntina barnaamijka wuxuu qaatay inuu ahmiyad gaar ah siinayo wax ka qabashada sinnaanta jinsiga wuxuuna ballaan qaaday ineysan mar dambe arrinta ku dhacday Matt James oo kale ay u dhicin.
Waxay kudhamaatay guul, iyada iyo James wali xiriir ayey leeyihiin.