Taliyaha Ciidamada Asluunta: "Haddii cidi xabad kugu soo riddo, Faataxa lama akhrinaayo ee xabad baa loogu jawaabayaa"

Taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliya, Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa mar kale ka hadlay israsaaseyntii shalay dhexmartay ciidamada Asluubta iyo ilaalada madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha ayaa tilmaamay in "ciidanka Asluubta ay yihiin ciidan qaran, howshii loo dirsadayna ay hayaan, uma joogaan in ay qof ku dhibaateeyaan. Uma joogaan in ay qof Soomaali ah dilaan, daraja kasta oo uu haysto ama soo maray."

Ciidamad Asluubta "waxay u joogaan in ay ilaaliyaan amniga qaranka iyo umadda. Ma jiro qof Soomaali ah oo bartilmaameed u ah in ay dilaan. Mana dhici karto. Ciddii tiri anigaa meeshaas la igu sugaayay waa in ay raaligelin bixisaa."

Arrintan waxay timid iyadoo shalay kolonyo uu la socday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, lagu rasaaseeyay agagaarka maxkamadda gobolka Banaadir.

Illo ku dhaw dhaw madaxweynihii hore ayaa BBC-da u xaqiijiyay in rasaasta lagu furay kolonyada uu la socday, waxayna sheegeen in aanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta lagu furay kolonyada.

Aaga uu marayay madaxweynihii hore waxa jooga oo baro koontarool kuleh ciidanka asluubta Soomaaliya.

Balse, ma jiro wax war ah oo dheeraad ah oo ka soo baxay dhanka madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud oo ku saabsan dhacdadan. Taliyaha Ciidamada Asluubta wuxuu u muuqday qof ka jawaabaya warar badan oo baraha bulshada la isla dhexmarayay oo uu ku tilmaamay "been abuur".

Taliyaha ciidamada asluubta Janaraal Mahad, ayaa sheegay in waddada hormarta xabsiga dhexe iyo maxkamadda ay tahay midda ugu amni badan, wuxuuna dalbaday in "dacaayadda laga daayo".

Wuxuu sidoo kale ku adkeystay in qof kasta oo meeshaas maraya uu is sheego. "Cid kastoo mareysa nooca uu yahay in uu hubsado ayey meesha u joogaan".

Wuxuu tilmaamay in ay ka hortagayaan "Al-shabaab iyo weerarradooda" iyo in ay ilaalinayaan xafiisyada dowladda ee waddadaas saaran.

Isagoo ka hadlayay sidii ay wax u dheceen wuxuu yiri: "Gaariga cabdi-bilaha ayaa gudbay. Waxay ahayd in ay istaagaan. Haddii uu dhihi lahaa waxaan wadnaa madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud, askarta jidkey u furi lahayd. Ma dhihin ee waa gudbay".

"Markuu gudbay, wuxuu joojiyay gaariga dambe si ay u hubsadaan. Gaarigii gudbay ayaa xabad soo billaabay. Kaamiraa jirto, umad badanaa joogtay. Waxa aan sheegayana waa wax cad. Dhibaatada Cabdi-bilahaas ayaa sameeyay. Wuxuuba dili gaaray ninkii uu ilaalinayay".

Hadalkan Taliye Mahad wuxuu ka dambeeyaa mid xalay uu jeediyay oo raali gelin ahaa, ka dib markii is rasaaseynta ay dhacday.

Wuxuuna hadda ku adkeysanayaa: "Haddii cidi xabad kugu soo riddo, waxay tahayna aadan ogayn, oo xabad ay kugu soo riddo, adigana aad xabad haysato, faataxa lama akhrinaayo ee xabad baa loogu jawaabayaa".

"Arrinka xabadda sidaa bay ku dhacday, ma ahan wax Asluubtu bilowday. Ma ahan in ay cid ku qaldantay gaariga. Gaarigey joojiyeen, Cabdi-bilaha in uu istaago oo uu sheego bay ahayd, oo ay dhahaan masuulkaas baan wadnaa."

"Haddaba waa la soo dhoweeyay, oo sida madaxweyne ayaa gacmaha loo haatiyay, marka kalena haddey sheegi lahaayee, sidaas bay ku mari lahaayeen. Habeen iyo maalinba way mari lahaayeen".

Wuxuu ku adkeystay in uu madaxda ay xaq u leeyihiin in ay is sheegaan ka dibna maraan waddada. "adiga ayey amnigaaga ilaalinayaan", ayuu yiri.

"Haddii aadan isa soo sheegin ama isa sheegin markaas, ilaaliyahaagiina meel aan dhoweyn uu taagan yahay, asna uusan wax sheegin; muxuu u wadaa oo ilaaliye ugu yahay."

Wuxuu tilmaamay in aysan jirin cid ay colaad u qabaan, "ayna hayaan shaqo qaran, taasna ha nalagu tixgeliyo. Meeshana waa na lagu og yahay ee burcadnimo kuma degganin".