Cambaarta Madow: 6 su’aal oo ku xeeran caabuqa cusub ee weerarka ku haya bukaanada Covid ee Hindiya

Waxay ku magacaabeen "cambaarta madow" waxaana gudaha Hindiya looga arkaa "qarowga ku dhexjira cudurka faafa" ee Coronavirus.

Isbuucan, illaa 9,000 oo kiis oo ah xanuunkan, oo loo garanayo mucormycosis, oo sababa caabuq, ayaa laga soo weriyay dalka Hindiya.

Bukaannada qaar waxaa lagu badbaadin karaa in hal il laga bixiyo, mana lahan xal kale. Sidoo kale heerka dhimashadana waxay gaareysaa boqolkiiba 50.

Kumnnaan kiis ayaa la soo sheegay in lagu dhex arkay bukaannada ka caafimaaday xanuunka Covid-19, qaarkoodna waxayna ku jireen cisbitaallada oo waxaa la filayay in korona fayras ay ka soo kabtaan. Haddaba, waxaa lala xiriirinayaa xanuunkan faafa ee faraha ba'an ku haya caalamka.

Dhakhaatiirta waxay sheegayaan in xiriirka arrintan uu yahay mid ka dhashay dawada loo adeegsado cudurka Covid-19. Sidoo kale, dadka qaba cudurka macaanka ama sokorta, waa kuwa halista ugu badan ugu jira mucormycosis.

Waxaa jiro arrimo muhiim ah oo ay tahay in aad ka fahanto caabuqa cambaarta madow ama mucomycosis, iyo sababta ay saameynta sidaa u xun u leeyahay.

1. Muxuu yahay mucormycosis?

Mucormycosis, waxaa sida guud loo garanayaa "cambaarta madow", waana caabuq aad nadir uga ah caalamka.

Waxaa sababa in qofka uu la kulmo ama isticmaalo waxyaabaha sababa xanuunkan sida Mucor, oo qeyb ka ah bahda la isku dhoho Mucoraceae, oo sida caadiga ah laga dhex helo ciidda, dhirta iyo khudaarta boloshahay ama halowday.

"Waxaa laga helaa meel kasta - dhulka iyo hawadaba iyo xitaa sanka ama candhuufta dadka caafimaadka qaba," ayuu yiri Dr Akshay Nair, oo ah dhakhtar qaabilsan qalliinka indhaha oo ku nool dalka Hindiya. Wuxuu la hadlay BBC.

Wuxuu saameeyaa sanka, maskaxda iyo sambabada, wuxuuna halis gelin karaa nolosha dadka qaba xanuunka sokorta iyo kuwa difaaca jirkooda uu aad u liito, sida kuwa qaba kansarka ama HIV / AIDS.

2. Maxaa dhaliya caabuqan?

Dhakhaatiirta waxay aaminsan yihiin in mucormycosis uu ka dhalan karo isticmaalka waxyaabo leh maadada steroids - dawo loo adeegsado bukaannada ay xaaladdooda aadka u xuntahay ee qaba korona fayras.

Dawadan waxay yareysaa xanuunka ba'an ee sambabada, waxayna ka hortageysaa dhibaatada uu Covid u geysanayo jirka iyo hannaanka difaaca. Waa dawo u fiican la dagaallanka fayraskan.

Balse waxay sidoo kale yareyneysaa difaaca jirka, waxayna sare u qaadeysaa heerka sokorka ee dhiigga - dhammaan, qofka qaba xanuunka sokorta iyo midka aan qabinba.

Khubarada waxay aaminsan yihiin in hoos u dhaca difaaca jirka uu sabab u yahay in qofka uu ku dhaco caabuqa mucormycosis.

"Sokorta waxay yareysaa difaaca jirka, korona fayras na wuu uga sii daraa, ka dib dawada steroids ee caawineysa bukaanka Covid-19, waxay uga sii dartaa xaaladda", ayuu yiri Nair.

3. Maxay tahay sababta uu Hindiya ugu badan yahay?

Waxay si dhow ula xiriirtaa su'aashii hore.

Hindiya waxay bartamaha ugu jirtaa mowjadaha labaad ee korona fayras oo faro ba'an ku haya dalkaas, in kastoo tirada kiisaska maalinlaha ah ay sii yaraaneyso.

Balse hannaanka caafimaadka ayaa dhibaato adag la kulmay muddo isbuucyo ah, cisbitaalladana waxaa ku yaraaday qalabka neefta siiya bukaannada, dawadana aad ayey gabaabsi u noqotay.

Taas waxay sababtay in dhakhaatiir badan ay billaabaan in bukaannada ay siiyaan dawada ka sameysan maadada steroids, si ay u daweeyaan dadka qaba Covid-19.

Gobolka galbeedka ku yaalla ee Maharashtra waa mid ka mid ah gobollada laga soo sheegay tirada ugu badan ee "cambaarta madow", wuxuuna ka mid yahay gobollada uu sida ba'an u saameysay mowjadda labaad ee Covid-19.

Sidoo kale, kor sida ku sharaxan, kiisaska cambaarta madow waxaa lala xiriirinayaa heerka sokorta dhiigga. Hindiya waa dalka labaad ee ay ku noolyihiin tirada ugu badan ee qabta xanuunka macaanka ee caalamka.

4. Maxay yihiin astaamaha lagu karto xanuunkan?

Bukaanka uu ku dhaco xanuunkan waxaa lagu arkaa astaamo ay ka mid yihiin cabbur iyo sanka oo dhiig uu ka yimaado.

Sidoo kale, waxaa barara indhaha oo aad u xanuunaya, illin ka timaadda indhaha iyo shucaac ku furma aragga. Sidoo kale wuxuu qofka beelayaa hal il. Waxaa dhici karta in finan madow ay ka soo baxaan hareeraha sanka.

Dhakhaatiirta waxay sheegayaan in bukaannada badankooda ay isbitaallada yimaadaan xilli xanuunka uu meel xun gaaray. Mar ay aragga beeleen oo dhibka uu sii batay.

Markaa, dhakhaatiirta waxay ku qasban yihiin in ay qofka ka saaraan isha uu xanuunka aad u saameeyay.

Mararka qaar, bukaanka wuxuu beeli karaa labada indhood. Waxaa dhacda xilliyo dhakhaatiirta ay qofka ka bixinayaan lafta dhabanka, si looga hortago in xanuunka uu faafo.

Balse waxaa lagu daweyn karaa irbadda la dagaallanka cambaarta. Waxaana qasab ah in qofka la siiyo maalin kasta - illaa siddeed isbuuc. Waa dawada keli ah ee la dagaallami karta xanuunkan.

5. Ma yahay cudur la kala qaadi karo oo faafa?

Mucormycosis ma ahan cudur la kala qaadi karo - dadka iyo xoolahaba. Wuxuu ku dhex billowdaa bukaanka, sida kuwa qaba sokorta ama difaaca jirkooda uu yaryahay.

Balse, maadaama uu yahay caabuq cambaar ah oo ku jira dhulka ama hawada, way adag tahay in qofka uu iska ilaaliyo.

Haddaba, qofka caafimaadka qaba ama hannaanka difaaca jirkiisa uu fiican yahay, waa in uusan ka baqan in xanuunka uu ka qaado qof kale.

"Jeermiska iyo cambaarta waxay ku sameysan yihiin jirkeenna, balse hannaanka difaaca ayaa ka hortaga," ayuu yiri K. Bhujang Shetty, agaasimaha Isbitaalka Narayana Nethralaya ee Hindiya.

"Marka hannaanka difaaca jirka uu daciifo, taas oo sabab ay u tahay dawada kansarka ama sokorta, xubnahan (cambaarta iyo jeermiska) way ka faa'ideystaan wayna sii bataan," sida uu Shetty u sheegay Reuters.

6. Heerka fafidda xanuunkan ee Hindiya intuu gaarsiisan yahay?

Sarkal sare oo ka tirsan dowladda Hindiya, VK Paul, wuxuu sheegay in "dhibaato wayn oo xanuunkan mucormycosis ah oo dillaacay in aysan jirin. Balse tiro sii kordheysa ayaa dalka oo dhan laga soo sheegay, waxayna gaartay 8,800, isbuucan.

"Isbuucii waxaan halkan ku arkeynaa labo ama seddax kiis. Waa qarow ku dhex jira cudurkan faafa," ayuu yiri Dr. Renuka Bradoo oo ka tirsan cisbitalka Sion ee Bombay.

Dr. Baxi wuxuu daweeyay illaa 800 oo qof oo qabay cudurka sokorta, uuna ku dhacay COVID-19, sannadkii la soo dhaafay, midkoodna muusan ku dhicin xanuunkan cambaarta madow.

Bukaankii ugu yaraa ee uu daweeyay bishii la soo dhaafay, wuxuu ahaa 27 sano jir, kaas oo qabay cudurka macaanka. "Waxay noqotay in aan qalno isbuucii labaad ee COVID uu la jiifay, waxaanna ka saarnay hal il. Waa musiibo," ayuu yiri.

Hay'adda baritannada caafimaad ee Hindiya iyo Wasaaradda caafimaadka waxay ku baaqayaan in la dhowro nadaafadda iyo in la xakameeyo xanuunada la midka ah sokorta.

Sidoo kale, waxay dadka ugu baaqayaan in ay xirtaa kabo, surwaal dheer, shaati gacmo-dheere ah iyo gacmo-gashi, si ay uga hortagaan wasaqda, busta iyo in ay iska ilaaliyaa in cambaarta dhulka ay jirkooda u soo gudubto.