You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Bollywood: Salman, Akshay, Amitabh - dhammaan Jilayaasha Bollywood ee magacyadooda baddalay
Qaar badan oo ka mid ah xiddigaha shirkadda filimada Bollywood-ka Hindiya ayaa magacyadii ay lahaan jireen iska baddalay ka hor inta aysan noqonin caan.
Dhammaantood waxay magacyo kale sameysteen markii ay isku dayayeen in ay ku soo biiraan xirfadda jilitaanka ama aysan ka soo muuqannin filimadoodii ugu horreeyay.
Qaarkood sababta ay qaateen go'aankaas waa in magacyadooda dhabta ah aysan ku wanaagsaneyn caannimada.
Halkan waxaan kusoo gudbineynaa liiska jilayaal ka tirsan Bollywood-ka oo baddalay magacyadooda ka hor inta aysan xiddigaha waaweyn noqonin.
1- Amitabh Bachchan
Jilaagan rug caddaaga ah waxay Soomaalidu u yaqaannaan "Cali Dheere" laakiin magaca uu Bollywoodka ku galay aadna loogu yaqaanno caalamka oo dhan waa Amitabh Bachchan.
Balse, waligaa ma maqashay in magaciisa dhabta ah uu yahay Inquilab Srivastava, kaas oo loogu yeeri jiray inta uusan atooraha noqonin ka hor?
Amitabh hadda waa 78 jir wuxuuna magac weyn ku leeyahay xirfadda jilitaanka Hindiya, isagoo kasoo muuqday filimo aad u badan.
Intii u dhaxeysay 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii wuxuu ahaan jiray jilaaga ugu saameynta badan shirkadda Bollywood-ka.
Amitabh Bachchan mar wuxuu xitaa ku biiray siyaasadda, ka hor inta uusan dib ugu soo laabanin xirfaddiisa.
2- Akshay Kumar
Kumar oo loo yaqaanno ciyaaryahanka Bollywood-ka wuxuu ka mid yahay jilayaasha ugu magaca weyn shirkaddan uguna saameynta badan.
Laakiin markii uu billaabayay xirfaddan wuxuu ka tanaasulay magaciisii dhabta ahaa ee la oran jiray Rajiv Hari Om Bhatia.
Atoorahan waxay Soomaalidu aad ugu garan og yihiin magaca "Mastar Boon" kaasoo uu ku matalayay mid ka mid ah filimadii uu soo dhigay.
Akshay wuxuu ku jiraa liiska 10-ka jilaa ee ugu horreeya adduunka ee lacagta ugu badan ku qaat jilitaanka filimada.
3- Salman Khan
Salman markii sawirkiisa la arko ama magaciisa la maqlo inta badan dadka daneeya filimada ee caalamka way wada yaqaannaan.
Balse magacaas ma aha kii dhabta ahaa ee uu kusoo barbaaray. Magaciisa runta ah ee la oran jiray inta uusan xirfadda filimada kusoo biirin waa Abdul Rashid Salim Salman Khan.
Markii uu xiddiga noqonayay wuxuu magaciisa kusoo koobay qeybta ugu dambeysa, kaas ayaana aad ugu caan baxay.
Hadda waa atooraha lagu tilmaamo inuu ka mid yahay shakhsiyaadka gacanta ku haya Bollywood-ka.
4- Hrithik Roshan
Dad faro ku tiris ah ayaa og in magaca uu atoorahan ku naalloonayo uusan ahayn kii saxda ahaa ee uu lahaa inta uusan ku biirin filimada.
Markii hore waxaa la oran jiray Hrithik Nagrath, laakiin wuxuu u baddalay Hrithik Roshan. Dabcan waxay ujeeddadu ahayd inuu sameysto magac fudud oo carrabka taageerayaashu uu si sahlan u qaban karo.
Inkastoo uu Bollywood-ka kusoo biiray sanadkii 2000 wuxuu ka magac weyn yahay jilayaal uga soo horreeyay oo kusoo jiray ilaa 1990-meeyadii.
5- Rekha
Atariishadan quruxda badan ee muddada dheer soo heysatay Bollywood-ka waxay lahayd magac kale inta aysan caan bixin.
Waxaa la oran jiray Bhanurekha Ganeshan. Magacaas wuxuu isu baddalay Rekha, ilaa heer dadka inta badan aysan aqoonin xitaa waxa loogu daro.
Rekha markii ay dhalinyarada ahayd waxaa raggii ay haasaawaha lasoo sameysay ka mid ahaa ninka hadda Ra'iisul Wasaaraha ka ah dalka Pakistan, Imran Khan, oo xilligaas ahaan jiray ciyaartooy caan ah.
Waxaa la sheegaa in ay ku dhawaadeen guur.
6- Shilpa Shetty
Shilpa waxay ku jirtaa atariishooyinka Bollywood-ka ee looga dambeyn jiray qoob ka ciyaarka, filimo badan ayayna ksoo muuqatay ilaa markii ay xirfaddeeda billowday.
Laakiin waligaa ma is weudiisay in magacan aad ku taqaannid uu yahay kii saxda ahaa ee ay lahaan jirtay?
Horay waxaa loo oran jiray Ashwini Shetty, balse way iska baddashay markii ay xiddigta noqotay.
7- Tiger Shroff
Dabcan magaciisu wuxuu u qurux badan yahay sida uu jirkiisa u qurxiyay, laakiin ma aha kii saxda ahaa.
Tiger Shroff waxaa markii hore la oran jiray Jai Hemant Shroff. Hadda waa 31 jir wuxuuna ka mid yahay jilayaasha ugu mustaqbalka fiican Bollywood-ka Hindiya.