Isra Xirsi: Maxaa gabadha Ilhaan Cumar looga hadal hayaa Mareykanka?

Isra Xirsi, Gabadha Ilhaan Cumar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Isra Xirsi, oo ay dhashay Ilhaan Cumar, una ololeysa arrimaha isbedelka cimilada ayay warbaahinta Mareykanka hadaldayaan, ka dib markii ay wax ka bedeshay qoraalka yar ee sharaxaya nolosheeda ee Twitter-keeda.

Waxay qaar ka mid ah ku eedeynayaan in ay "shuuciyadda taageertay oo astaantooda ay adeegsatay". Isra Xirsi, waxay qeyb ka ahayd dhallinyaradii bilowday isu soo bixii isbedelka cimilda.

Isra oo hadda 18 sano jir ah, "waxay qoraalka Twitter-keeda ku dartay dubbaha shuuciyadda iyo astaan kale", sida ay warbaahintaas qorayaan.

Fox News oo ka mid ah warbaahinta ka hadlaya arrintan waxay sheegeen in Isra Xirsi "ay si waadax ah ugu baaqday kocdoon shuuciyad".

Balse gabadha Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twitter-ka kaga jawaabtay arrimahan, waxayna tiri: "Dhowr bilood ka dib ba, warbahinta dhanka midigta u janjeera, aniga ayey igu mashquulaan".

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Isra Xirsi, waxay sannadkii 2020 ka mid ahayd diiwaanka Forbes ee "40 Under 40" ee Dowladda iyo Siyaasadda. Waxaa sidoo kale lagu soo qaatay warbaahinta waaweyne oo ku tilmaamay Isra in ay tahay "badbadinta dhulka".

Ilhan Cumar, gabadheeda iyo wiilkeeda.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ilhan Cumar, gabadheeda iyo wiilkeeda.

Waxay mar ka mid ahayd dadkii uu sarreeyay ee ka hadlay shirka isbedelka cimilada. Bishii la soo dhaafayna waxay cashar ka bixisay Jaamacadda Washington.

Sida uu qoray Fox News, oo soo xigtay afhayeenka Ilhan Cumar Jeremy Slevin, wuxuu yiri: "Miyaadan xishooneyn? Ilhan Cumar waa masuul la soo doortay, balse gabadheeda ma ahan. Sidoo kale eeg, Ilhaan iyo gabadheeda waxaa la soo gaarsiiyay hanjabaado isu dhigma oo dil ah. Taa waa masuuliyad darro iyo halis wayn."

Wuxuu intaa ku daray in ay tahay "dhibaateyn furan oo online-ka ah oo ka dhan ah toban sano jir, taas oo kaga imaaneysa xubin ka tirsan congress-ka". Wuxuu ka falceliyay farriin Twitter-ka ah oo ay soo dhigtay Marjorie Taylor, oo laga soo doortay deegaan ka tirsan Georgia.

Ka bood X boggan, 3
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 3