Colaadda Gaza: Dagaalka TikTok ka socda ee u dhexeeya Falastiiniyiinyta iyo israa'iiliyiinta

Dibadbaxayaal u dhashay Falastiin oo sawir iska qaadaya, May 2021

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xilli dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Xooggaga Falastiiniyiinta uu meel xun marayo, ayaa barta TikTok waxay noqotay madal lagu sii hurinayo xiisadda halkaas ka taagan.

TikTok oo horay caan ugu ahayd bandhiga ciyaaraha qoob ka ciyaarka ayaa hadda isku badelay bar lagu faafiyo wararka. Dadka ugu badan ee isticmaala shirkadan laga leeyahay Shiinaha ayaa waxa ugu badan dhalinyaro, waxaana lagu qiyaasaa ku dhowaad 700 oo milyan.

Muuqaalo gantaal lagu riday Israa'iil, burburka ka dhacday Gaza iyo dibadbaxyada Falastiiniyiinta ayaa dhammaantood lagu faafiyay barta. Taasi ayaa abuurtay kala qaybsanaan weyn iyo dagaal u dhexeeya taageerayaasha labada dhinac.

Waxaa sidoo kale jira walaac laga qabo in baraha bulshada lagu faafiyo warar been abuur ah ama kuwa xagjirnimo ah.

Ku dhawaad 140 qof ayaa ku dhintay Gaza tan iyo markii ay colaaddu billaabatay Isniintii. Gantaallada Falastiiniyiinta ayaa gudaha Israa'iil ku dilay 8 qof.

Isku dhacyada rabshadaha wata ee udhaxeeya ciidamada Israel iyo Falastiiniyiinta ayaa noqday kuwii ugu xumaa tan iyo 2014-kii

Rabshadahan u dambeeyey ayaa yimid kaddib dhowr bilood oo xiisad ay ka taagnayd magaalada Qudus, intkastoo khilaafku uu soo taagnaa tobonaan sano

Xitaa ka hor inta uusan qarxin dagaalkii udambeeyay, xiisada udhaxeysa Falastiiniyiinta iyo Israa'iiliyiinta ayaa ka taagnayd barta TikTok

Bishii April, barta TikTok ayaa waxa lagu faafiyay muuqaal ay dhalinyaro dhowr ah ku dharbaaxayaan wiilal Yuhuud ah oo la saarnaa gaadiidka shacabka ee Bariga Qudus. Booliska ayaa sheegay inay xireen laba qof lagu soo eedeeyay falkaas.

Milateriga Israa'iil

Xigashada Sawirka, Reuters

Muuqaallada dibadbaxyada ka socda qaybo ka mid ah dunida ayaa sidoo kale lagu faafiyay TikTok. Dadka isticmaala bartaas ayaa adeegsanayay hal kudhigyo ah "badbaadi SheikhJarrah", muuqaaladaas ayaa si weyn looga daawaday guud ahaan caalamka.

Booliska Israa'iil ayaa gudaha u galay Masaajidka Al-Aqsa ,iyadoo Xamaas ay ka dalbatay booliska Israa'iil in ay ka baxaan gudaha masaajidka iyo degmada u dhow ee Sheikh Jarrah, halkaas oo qoysaska reer Falastiin ay sheegeen in Israa'iil ay ka waddo deegaameyn.

Xamaas ayaa gantaallo ku garaacday Israa'iil markii dalabkoodii la fulin waayay.

Chris Stokely-Walker, oo ah qoraaga buugga TikTok Boom "Shiinaha, Mareykanka iyo tartanka awoodda baraha bulshada," ayaa BBC-da u sheegay in fudeydka adeegsiga TikTok iyo caannimada fudud ay suurtagelisay in muuqaalada la soo geliyo barta si degdeg ah ku fafaan.

"Habka muuqaalada loo sameeyo ayaa ah mid fudud, qof walba ayaa xaqiiqdii samayn kara iyaga oo aan waxba laga caawinin," Ayuu yiri.

"Sidoo kale waxaan ognahay in TikTok ay bishii isticmaalan dadka gaaraya 732 milyan oo qof, marka waxaa suurtagal ah in muuqaaladaada ay daawadaan dad aad u badan."

Dadka adeegsanaya TikTok iyo baraha kale ee bulshada ayaa isticmaalaya fariinta ah #SaveSheikhJarrah ama badbaadi deegaanka SheikhJarrah iyo muuqaallo muujinaya rabshadaha u dhexeeya Israa'iil iyo Xooggaga Falastiiniyiinta.

Hal fiidiyoow oo laga duubay dadka ka cararaya duqeymaha Israa'iil ay ka wado Gaza, oo lagu qoray halkudhiga badbaadi Sheikh Jarrah ayaa waxa TikTok ka daawatay 44 milyan oo qof.

Muuqaal kale oo ay soo dhigtay Sabrina Abukhdeir ayaa wuxuu helay 1.5 Milyan, muuqaalka ayaa waxa ku jiray carruur Falastiinin ah iyo burburka Qaza.

"Waxaad samayn laheedeen adinka ayey idin jirtaaa," ayey ku qortay muuqaalka iyada oo dadka ka codsanaysa inay sii faafiyaan.

Tuulooyin iyo magaalooyin badan oo ku yaal Daanta Galbeed waxaa gilgilay banaanbaxyo cadheysan jimcihii, taasoo keentay baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan in xaaladda la dejiyo.

Mudaaharaadyo ka dhaceed xudduudaha Urdun iyo Lubnaan ee Israa'iil, jimcihii.

Xigashada Sawirka, Reuters

Taageerayaasha Israa'iil ayaa sidoo kale soo dhigay TikTok. Hal muuqaal oo la sheegay inuu muujinayo askari Israa'iili ah oo ka ilaalinaya haweeney Falastiiniyiin dhagaxaan ay tuurayaan mudaharaadayaasha Falastiin ayaa daawaday dad ka badan 1.5 milyan.

Ciidamada Difaaca Israa'iil ayaa bartooda Twitter waxa ku xiran dadka gaaraya 1.3 milyan halka TikTok-na ay ku xiran yihiin taageerayaal gaaraya 70,000, waxay halkaas ku baahinayeen muuqaalada ciidamada ku sugan gudaha Israa'iil.

Dr Gabriel Weimann oo ka tirsan jaamacada Haifa ee Israa'iil ayaa sheegay in uu jiro dagaal "quluubta iyo maskaxda" ah taasna ma noqon karto "dagaal loo siman yahay"

Bishan fiidiyow si weyn ugu faafay TikTok iyo Twitter labadaba oo muujinaya Yuhuudda oo qoob-ka-ciyaareysa oo faraxsan halka geed uu ku gubanayo dhismaha masaajidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus. Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa ku andacoonaya inay u dabaaldegayaan burburka masjidka.

Habeenimadii Khamiista, Wasiirka Difaaca Israa'iil Benny Gantz, waxa uu weydiistey Facebook iyo TikTok in ay ka saaraan qoraalo bogaggooda lagu faafiyay isaga oo sheegay in ay dhiiri gelin karto rabshadaha.

"Kuwani waa tallaabooyin si toos ah uga hortagaya rabshadaha si ula kac ah ay u kicinayaan baraha bulshada ee ay wadaan cunsuriyiinta xagjirka ah ee doonaya inay waxyeeleeyaan dalkeenna," ayuu yiri sida la sheegay.

Colaadda Gaza ayaa dhalisay in rabshadaha ay ku fidaan deegaannada ay Israa'iil haysato ee Daanta Galbeed, halkaas oo ay isku faro-saareen Falastiiniyiinta iyo xooggaga ammaanka ee Israa'iil.

Ugu yaraan 10 qof Falastiiniyiin ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen rabshadaha Daanta Galbeed, halka boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.

Xooggaga ammaanka ee Israa'iil ayaa dibedbaxayaasha u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa, rasaasta cinjirka ah iyo xabbado nool, halka Falastiiniyiintana ay tuurayeen bambooyinka betroolka laga sameeyo.

Xiisadda halkaa ka taagan ayaa lagu tilmaamay tii ugu xumayd ee gobolka soo marta muddo sanado ah.

Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegtay in qiyaastii 10,000 oo Falastiiniyiin ah ay ka barakaceen guryahooda Gaza colaadda awgeed.