You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Khilaafka doorashada: Go'aanka Midowga Afrika muxuu uga dhiganyahay dowladda Soomaaliya?
Golaha nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika waxa ay ku baaqeen in ergay gaar ah oo ka socda ururka loo magacaabo ismari-waaga doorashada ee hadda ka taagan Soomaaliya, si uu isgu keeno dhinacyada Soomaalida.
Ka dib kulankii ay shalay yeesheen ee ku saabsanaa arrimaha Soomaaliya, waxay xalay soo saareen war-murtiyeed ay ku qeexayaan mowqifkooda ku aadan doorashada Soomaaliya.
War-murtiyeedka oo ka koobnaa 14 qodob, Midowga Afrika wuxuu ku cambaareeyay go'aankii Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ee mudda kordhinta ugu sameeyeen madaxwaynaha.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale madaxda Soomaalida ugu baaqay in ay ka wada-xaajoodaan sidii dalka ay doorasho uga dhici lahayd.
Go'aanka Midowga Afrika muxuu uga dhiganyahay dowladda Soomaaliya?
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in go'aanka Midowga Afrika ee la xiriira ismari-waaga siyaasadeed ee hadda ka taagan dalka uu yahay mid adag, marka loo fiiriyo habka ay uga hadleen, taas oo ah wax aan horey looga fileynin.
Dr Jibriil Cali Aw Maxamed, oo wax ka dhiga jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in arrintaan ay waji gabax ku tahay dowladda Soomaaliya.
"Runtii, marka hore dowladda Soomaaliya arrintaan waxay ku tahay waji gabax, waayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga ayaa u safray dalka Koongo, si uu ula kulmo guddoomiyaha Midowga Afrika, isaga ayaana codsaday in Afrika ay arrinta soo kala dhex gasho," ayuu yiri Jibriil oo BBC-da u waramayay.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay soo dhoweyneyso in Midowga Afrika uu qaato dowrka fududeynya, si saamileyda siyaasadda ee dalka ay uga heshiiyaan hannaanka doorashada xilligeedii la soo dhaafay.
Arrintan waxay soo baxday kaddib markii, dhawaan wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uu booqasho ku tegay caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, Kinshasa, halkaasi oo uu kula kulmay dhiggiisa, Madaxweyne Felix Tshisekedi, oo haatan ah guddoomiyaha Midowga Afrika.
Dr Jibriil Cali Aw Maxamed ayaa qaba in booqashadii Madaxweyne Farmaajo ee Koongo, iyo kulankaas uu dhigiisa la yeeshay, ay qasbayso in uu hadda u hoggaamsamo warka ka soo baxay Midowga Afrika.
"Haddii dowladda ay ku adkeysan lahayd 'innagu dal Qaran ah ayaan nahay oo hay'addaha yaga ayaa wax maareeynaya innagaa heshiineyna', wa alaga haybsan lahaa, laakin maadama uu qoor dhiibtay oo uu yiri 'Afrika ayaa arrinta fududeynaysa' hadda wuxuu ku qasban yahay madaxweynaha inuu raaco," ayuu yiri Jibriil.
La socodka dhaqdhaqaaqa ciidamada ammaanka Soomaaliya
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay si toos ah ugala Wareegeen Ciidamada AMISOM, istiraatiijiyada iyo howlgallada lagula dagaallamaya Al-shabaab, isla markaana looga saarayo deegaannada ay haystaan.
Balse hadalka ka soo baxay Midowga Afrika ee ah in ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM ay la socdaan dhaqdhaqaayada ciidamada ammaanka Soomaaliya, waxay u muuqtaa arrintaa isbadel ku dhacayo.
"Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Soomaaliya ay la wareegeen hormuudnimada, oo howlgallada ay noqdeen in dowladda Soomaaliya ay yeeriso qaabkii loo galayo, goorta la galayo iyo halka laga qaayo. Arrintaas in dib looga noqdo ayay ka dhignaanaysaa in AMISOM ay isha ku hayso oo ay la socoto ciidamada siday u baxayaan iyo goobta la gaynayo," ayuu yiri Barafasoor Jibriil.
Soomaaliya oo eedaysay Jabuuti iyo Kenya
Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor inta aan la soo saarin war-muriyedka Midowga Afrika, waxay dalalka Kenya iyo Jabuuti ku eedaysay in ay wadaan 'olole ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya oo ay sheegtay in ay ka dhex wadaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.'
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, oo ka hadlayay Taleefishinka Qaranka ayaa tilmaamay in ay hayaan xog xasaasi ah oo xaqiijinaysa in labadaan dal ay "soo jeedinayaan qodobbo ay doonayaan in lagu daro" bayaanka uu guddiga Midowga Afrika kaga arrinsanayay Soomaaliya.
Wasiirka maaliyadda dowladda Jabuuti, Ilayaas Muuse Dawaaleh, oo bartiisa twitter-ka soo dhigay qoraal ayaa sheegay: "Aad iyo aad ayaan uga niyad jabay ugana xumaanay in aan ka maqlo wasiir sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo mar labaad ku celinaya eedaymo been abuur ah.
"Wuxuu Jabuuti ku eedaynayaa in ay ku lug leedahay xiisadda siyaasadeed ee xilligaan ka jirta Soomaaliya. Aan caddeyo, Jabuuti uma qalanto eedaymahaas oo kale".
Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, ma ahayn mid sidii hore u wanaagsan. Sidoo kale xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa aad u sii xumaaday tan iyo markii xiriirka diblumaasiyadeed uu go'ay ee sannadkii hore.
Go'aankii muddo kordhinta Golaha Shacabka
Dhawaan ayey aheyd markii Golaha Shacabka ee Soomaaliya uu ansixiyay qaraar uu muddo labo sano ah xilka ugu kordhinayay dowladda, waxaa meel aad xasaasi u ah gaartay xaaladda siyaasadda Soomaaliya iyadoo hadda khilaafka doorashada u dhidibada sii aasanayo.
Wadahadalladii ugu dambeeyay ee ka socday teendhada Afisiyoone ayaa natiijo la'aan ku so dhamaaday markii dhinacyada ay isku afgaran waayeen hannaanka wada xaajoodka, wax tanaasul ahna la heli waayay.
Kulan uu Golaha Shacabka Soomaaliya yeeshay 12-kii bishan ayuu ku go'aamiyay in muddo laba sano ah la siiyo dowladda uu wakhtiga ka dhamaaday 8-dii bishii February. Madaxwayne Farmaajo ayaa isna saxiixay qaraarka mudda kordhinta ee uu Golaha Shacabku meel mariyay, taas oo ahayd tallaabo la wada filayay.
Mucaaradka oo ka soo horjeestay muddo kordhinta
Madasha Badbaado Qaran oo ay ku midoobeen siyaasiyiinta mucaaradka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrinta muddo kordhinta, balse dhamanatood waxaa ay ka simanyihiin in ay diideen go'aanka golaha shacabka.
Waxay go'aankaas ku tilmaameen waxba kama jiraan. Waxay sidoo kale sheegeen in go'aankaas uu khatar ku yahay xasilloonida, nabadda iyo midnimada Soomaaliya iyo tan dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo ka mid ah Madasha Badbaado Qaran, qoraal uu maamulkiisu soo saaray waxaa lagu sheegay in tallaabo uu qaadi doono haddii ay dhici waydo in miiska wadahadalka la isugu soo laabto.
Waxay intaa ku dareen in ay la wadaagi doonaan go'aannada ay qaataan umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.