'Ninkii ay soo dhoweysatay ayaa ku kallifay inay is disho'

Gemma Robinson

Xigashada Sawirka, Kirsty Robinson

Sanadkii lasoo dhaafay, Gemma Robinson, oo 34 jir ahayd ayaa isdishay iyadoo dhowr maalmood uun ay ka harsan yihiin xilliga ay maxkamadda ku arki lahayd ninkeedii hore oo tacaddiyo ku sameyn jiray. Qoyskeeda ayaa ka hadlaya waxa sababay geerida Gemma iyagoo rajeynaya in qisadan ay caawin karto dadka kale ee ku jira xiriirka tacaddiga ku dheehan yahay.

Markii uu Damian Wilson laabta galiyay walaashiis Gemma isagoo isku diyaarinayay safar uu ugu duulayay waddanka Cambodia bishii September 2019, aad bay u ilmeysay.

Inay la qiirooto noqoshada uu walaalkeed ugu laabanayay waddankaas ku yaalla Koonfurta-bari ee Aasiya, oo uu horay ugu maqnaa ku dhawaad shan sano, ma ahayn wax sidaas u sii weyn. Laakiin kaddib Gemma waxay walaalkeed dhagta ugu sheegtay arrin uu ka walwalay.

"Runtii xaaladdeyda ma fiicna," ayay ku tidhi.

"Waxay ahayd markii ugu horreysay ee ay sidaas sameyso," ayuu yidhi Damian. "Waxaan xasuustaa inaan is dhahay: 'Runtii waa ka dhab arrintan.'"

Wuxuu u sheegay inuu durba soo laaban doono, wuxuuna ka dalbaday inay wax yar "dulqaadato".

Laakiin waxay ahayd markii ugu dambeysay ee uu Damian arkay walaashiis.

short presentational grey line

Markii ay ku soo koreysay London, Gemma waxay ahayd qof caan ah, cod dheer sidoo kalena "la jecel yahay oo dadka soo jiidata".

"Waxay ahaan jirtay qof nolosha ku faraxsan," ayuu yidhi Damian, waxayna aad u jeclaan jirtay xafladaha iyo qoob ka ciyaarka ay la sameyn jirtay saaxiibbadeed iyo walaasheed Kirsty.

"Waxay ahayd qofka xiisaha ugu badan u yeeli jiray xafladaha, waxaan ahaan jirtay labo qof oo qoob ka ciyaarka isla sameeya," ayay tidhi Kirsty.

Damian and Gemma

Xigashada Sawirka, Damian Wilson

Qoraalka sawirka, Gemma, iyo walaalkeed ka yar Damian oo carruur ah

Markii ay soo weynaatay, Gemma waxay ahayd qofka kaliya ee dadkoo dhan ay u tagaan marka ay culeys ka dareemaan nolosha, sida uu xasuusto Damian.

"Haddii qof uu dhibaato kala kulmo xiriir ka burburay ama culeys kale oo ka heysta qoyska, waxay mar walba garab taagneyd saaxiibbadeed. Xaalad kasta oo ay ku sugan tahay, waxay mar walba dhinac iska dhigi jirtay danaheeda, waxayna caawin jirtay dadka garabka uga baahan," ayuu yidhi.

"Waxay ila tahay dhibkeeda ugu weyn inuu kaas ahaa. Diiradda ma aysan saari jirin xaaladdeeda gaarka ah, xilli kasta waxay ku mashquulsaneyd dadka kale."

Gemma waxay noqotay hooyo kaddib markii ay wiilkeeda ugu horreeya dhashay iyadoo 20 jir ah, shan sano kaddibna waxay dhashay gabar.

Qoyskeeda waxay sheegeen inay jecleyd hooyanimada, shaqadeedana waxay ahayd macallimadda jimicsiga. Wax walba waxay u muuqdeen inay u hagaansan yihiin.

Laakiin arrimihu waxay ku xumaadeen lix sano ka hor. Waxay noqotay hooyo kaligeed ah kaddib markii ay kala tageen aabaha labadeeda carruurta ah, kaddibna waxay billowday inay dareento xanuun daran oo dhabraka ah, kaasoo sababay inaysan sii wadi karin shaqadii ay jecleyd.

"Maekii aadan xaalad fiican ku jirin ... waxaad dhex galeysaa dad aan fiicneyn," ayuu yidhi Damian.

Waqtigaas ayay ahayd markii ay la kulantay Joe Falconer.

Damian, Gemma and Kirsty

Xigashada Sawirka, Kirsty Robinson

Qoraalka sawirka, Damian (bidix) iyo Kirsty (midig) waxay sheegeen in walaashood ay xaalado adag martay

Gemma waxay kula kulantay Falconer maqaaxi ku taalla xaafadda Bexley, koonfurta-bari London.

"Dhammaanteen waan u aragnay shakhi ahaan dhowr jeer oo kala duwan. Aniga, aabbeheey iyo xubnaha kale ee qoyska, waxaan dhaheynay: 'Ma hubno ninkan'. Taas ayay ahayd falcelinteennii ugu horreysay," ayay tidhi Kristy. "Marka aad la hadleysid, toos kuuma soo fiirinayo."

Damian wuxuu qabay fikir kaas ka duwan: "Aniga waligey kama aanan helin, laakiin waxaan ogaa in walaasheey ay jeceshahay, sidaas darteed waan isku dayay inaan aqbalo."

Balse waqti dheer kama soo wareegin markii uu Falconer lasoo baxay daceecad xukun ah.

"Waa la garan garay in Gemma ay dooneysay inay ka noqoto xiriirkiisa, runtii kuma aysan faraxsaneyn. Waa la dareemayay inay wax ka khaldan yihiin," ayay tidhi Kristy.

Marba marka ka dambeysa wuxuu ka joojinayay inay saaxiibbadeed aragto, sida ay sheegtay Kristy, markii bannaanka ay isu soo raacaan habeenkiina, Falconer wuxuu indhaha ku taagi jiray nimanka kale, dood ayuuna ku furi jiray Gemma.

Gemma ma aysan soo sheegin markii ugu horreysay ee uu weeraray, sida ay sheegtay Kristy. Laakiin markii labaad way dacweysay.

Kaddib Falconer maseyr awgiis ayuu u burburiyay Gemma gurigeeda, wuxuuna xoog ugu nabay darbiga. Iyada waxaa la geeyay meel amni ah, halka Falconer uu sugayay dhageysiga kiiska dacwadeed ee maxkamadda.

Laakiin markii kiiska laga billaabay amxkamadda, Gemma waxay qoyskeeda u sheegtay in meesha ay ku nooshahay tilmaamnteeda maxkamadda laga aqriyay, waliba Falconer hortiisa.

"Ma garanayo sababta ay sidaas u sameeyeen, ma ahan arrin fiican. Gurigaas amniga ah sabab ayay u joogtay," ayay tidhi Kristy.

Falconer waxaa lagu helay dambigii loo maxkamadeynayay, waxaana lagu xukumay in uusan wax xiriir ah la sameynin Gemma, laakiin wuxuu soo aaday meeshii ay dagganeyd wuxuuna ka dhaadhiciyay inay gudaha u fasaxdo. Waxay ka oggolaatay inuu seexdo qolka fadhiga . Wuxuu u sheegay inuu walwal badan kala kulmay xaaladda uu ku jiray.

Ku dhawaad hal bil kaddib, mar kale ayuu weeraray Gemma.

short presentational grey line

Gemma waxay aadday guriga saaxiibteed waxayna go'aansatay inay habeenkaas halkaas soo seexato xilli carruurteedana ay la jireen waalidkeeda. Falconer wuxuu billaabay inuu usoo diro farriimo aflagaaddo ah, isagoo ku eedeynaya inay la joogto nin kale.

Wuxuu soo waxay oo uu farriimo usoo diray in ka badan 70 jeer halkaas habeen gudihiis. Kaddib raalligalin ayuu ka bixiyay, wuxuuna Gemma ka dhaadhiciyay inay subaxdii guriga ku soo laabato.

Markii ay iska soo furtay albaabkii hore, oo ay jaranjarada soo fuuleysay ayuu si lama filaan ah ugu soo booday Falconer, si arxan darro ah ayuuna u weeraray.

"Gacanta ayuu ka qabtay, musqusha qabeyska ayuu geeyay wuxuuna ku kala tuuray waaskada qabeyska," ayay tidhi dacwad ooge Vivian Walters oo ka hor hadleysay maxkamadda.

Qoorteeda ayuu hoos ugu nabad isagoo sabab u noqday inay neefsan weyso, dhowr jeerna wajiga ayuu ka feeray, sida ay sheegtay dacwad oogaha.

Markii uu baxay kaddib, Gemma waxay si dhib leh ku tagtay qolka jiifka, halkaasoo qof dariskeeda ah uu ku arkay islamarkiina ugu yeeray albalaasta.

Falconer waxaa la xiray saddex maalmood akddib.

'Aad cabsaneysay'

Markii ay isbitaalka kasoo baxday, Gemma waxay u tagtay walaasheed Kristy si ay ula noolaato, halkaasoo ay dhaawacyada wajiga ka gaaray uga kabsaneysay. Laakiin Kristy waxay sheegtay in walaasheed aysan dib dambe xaaladdeeda u fiicnaanin.

"Laga soo billaabo subaxdaas uu weeraray, waxay ahayd qof ka duwan qofkii ay ahayd. Waxaan arkay walaasheey oo noqotay qof iska qolof ah. Waxay ahayd ruux aad u cabsanaya," ayay tidhi Kristy.

"Habeenkii way ooyi jirtay, waan u tagi jiray si aan u maslaxo. Aad bay isugu buuqsaneyd. Cod dheer oo dhan uma aysan dulqaadan karin, gaar ahaan cod kasta oo nin ah marka ay maqasho way boodi jirtay."

Gemma kaddib waxaa la geeyay guri kale oo amaan ah.

Wax yar kaddibna waxay caawinaad ka heshay qof kal talin jiray dhibaatooyinka qoyska. Kristy waxay sheegtay in Gemma ay carootay markii loo sheegay in wicitaankii la talinta ahaa uu dhammaaday.

"Arrintaas runtii way iga xanaajineysaa aniga sababtoo ah laga yaabee haddii ay caawinaaddaas heli lahayd inay xaaladdu sidan ka duwanaan lahayd, maxaa yeelay way u baahneyd." ayay tidhi Kristy.

Shirkadda Choices oo adeeggaas bixineysay waxay BBC-da u sheegtay in aysan arrintan ka hadleynin maadaama la sameeyay kormeer ku saabsan kiis isdilitaan ah.

Xaaladdu way kusii adkaatay Gemma markii uu waddanka UK galay xayiradada Covid-19. Waxay billowday inay si xad dhaaf ah u cabto si ay xanuunka isu illowsiiso.

Bishii July, Gemma way isdishay iyadoo 34 jir ah. Waxaa laga filayay inay Falconer ku wajahdo maxkamadda dhowr maalmood kaddib.

short presentational grey line

Damian, oo ku sugnaa Cambodia ayay wacday hooyadiis.

"Wuxuu ahaa war aad u naxdin badan. Waxaan soo raacay duullimaadkii ugu horreeyay," ayuu yidhi.

"Waan ogahay inay xaqiiqsatay in mar dambe aysan arki doonin nolol farxad leh. Gaar ahaan maadama ay ahayd hooyo dhibaato la kulantay, inkastoo aysan habbooneyn inay carruurteeda iyo annagaba naga tagto. Waxay ila tahay inay sannado badan soo rafaadday... waxaana u maleynayaa in Joe uu qarkii ugu dambeeyay ka tuuray," ayuu yidhi.

Gemma and Damian

Xigashada Sawirka, Damian Wilson

Qoraalka sawirka, Damian wuxuu aaminsan yahay in walaashiis ay ku adkaatay inay maxkamadda ku aragto ninkii soo dhibaateeyay

"Arrintan waxaan ogaaday oo kaliya markii ay Gemma dhimatay kaddib - Waxay Kristy iyo saaxiibteed u sheegtay inay wali jecleyd ninkaas," ayuu yidhi Damian.

"Marka aad qof sidaasoo dhan u jeceshahay, xanuunka aad dareemeysid wuxuu la mid yahay mid aadan waligaa dareemin. Taasna waxaaba kasii daran marka uu qofka aad sidaas u jeceshahay ku jir dilo oo maskaxdana kaa dhaawaco, intaasoo dhan kaddibna lagu dhoho wajigiisa hor tag maxkamadda gudaheeda si aad xabsi u dhex dhigto, arrintaasoo kale qof walba way ku adkaaneysaa," ayuu yidhi.

Lucy Hadley, oo ah madaxa hay'ad samafal ah oo ka shaqeysa ololaha caawinta dumarka, ayaa sheegtay in qiyaastii 30 haween ah ay isbuuc walba is dilaan kaddib markii ay la kulmaan tacaddi qoyskooda gudihiisa ah.