Xiriirka khasabka ah: 'In nin xoog wax iiga qaato, waxaan u maleyn jiray arrin caadi ah'

.

Xigashada Sawirka, BBC/EMMA LYNCH

Bishii September, dowladda Ingiriiska waxay khasab ka dhigtay in carruurta iskuullada lagu baro noocyada xiriirka lamaaneyaasha, gaar ahaan xiriirka khasabka ah ee xoog la isku muquuniyo.

Farqiga u dhaxeeya xiriirka lamaaneyaasha saxda ah ama aan dhibaatada wadanin iyo midka tacaddiga uu ku dheehan yahay mar walba ma aha mid ay dadka oo dhan wada ogyihiin - gaar ahaan marka saameynta aan dhammaadka lahayn ee dadka noloshaas ku jira aysan muuqanin - laakiin dhaawac xoog leh ayaa ka dhan kara.

Markii gabadha lagu magacaabo Sarah* ay da'deedu ahayd ku dhawaad 16 sano, waxay isu soo dhawaadeen wiil ay isku fasal ka ahaayeen iskulka, oo lagu magacaabo Zach*.

Kaddib markii ay dhowr isbuuc sheekeysanayeen, wuxuu ku casuumay inay xaflad u raacdo. Markii hore way cabsaneysay sababtoo ah uma aysan baranin inay kaligeed meel aaddo - sidaas darteed waxay ka codsatay inay saaxiibbadeed soo raaci karaan.

"Waxaan rabaa inaan labadeenna kaliya ahaanno," ayuu ku yidhi, sida ay sheegtay. "Fursadda aan u helnay inaan labadeenna isla joogno waa mid aan hadda heysanno, mar dambena aan nasoo mareynin."

Sarah runtii waxay billaabeysay in ay ka hesho Zach, markii uu ka dalbaday in ay labadooda kaliya israacan, waxay dareentay in isagana uu sidaasoo kale uga helay iyada.

Marka inkastoo ay ka baqeysay inay kaligeed xilli habeen ah la socoto, waxay mararka qaar la soo qaadan jirtay wakhti.

Dhowr bilood kaddib si rasmi ah ayey u billaabeen xiriir jacayl, waxayna noqdeen lamaane wada jira.

.

Xigashada Sawirka, SIAN BUTCHER

Mar ay xaflad guri ka dhaceysay u socdeen, ayey isagoo la jooga Sarah dharkeeda ku soo labisatay. "Midkaas xoogaa jirkaaga ayuu aad usoo saarayaa," ayuu ku yidhi, isagoo u muujinayay in dharka ay soo xiratay uusan ku qanacsaneyn.

Iyadoo kalsooni ku qabta dookha Zach, Sarah waxay soo xidhatay labis kale.

Markii ay Sarah hadallo is dhaafsadaan wiilasha kale ee fasalkeeda, Zach wuxuu ka caban jiray inay isku dayeyso sidii ay isaga uga maseyrsiin lahayd.

"Maxay tahay sababta kale ee aad ula hadleysid isaga?"

Waxay xaqiiqo u hubtay in hadalkaas uu ahaa mid daacadnimo uun ka ah, oo wiilashaas aysan wax dan ah ka lahayn, laakiin waa laga yaabaa inuu ku saxan yahay dareenkiisa hinaasaha ah, sida ay u maleyneysay.

Zach markaas kaddib wuxuu inuu daroogo isticmaalo, isagoo si joogto ah iskuulka ugu heysan jiray. Sidaas dareed, Sarah waxay u sheegtay inay u walwaleyso isaga.

"Iga jooji xukunka xad dhaafka ah."

Mar walba oo ay mowduucaas soo hadal qaaddaba, Zach wuxuu ku eedeyn jiray inay xukumeyso.

Habeen habeennada ka mid ah, waxay google ka raadisay. "Ma waxaan ahay qof wax xukuma?"

Mar walba oo ay Sarah waqti la qaadato Zach, waxay kasii fogaaneysay saaxiibbadeed. Zach wuxuu u sheegay in arrintaas ay caadi tahay marka uu xiriir jacayl billow yahay.

"Laakiin xitaa maba ka helin saaxiibbadaa," ayuu ku yidhi.

Natiijadii imtixaanka ayaa soo baxday. Sarah waxay heshay dhibco ka yar kuwa Zach.

"Bal eeg natiijadan, waan filayay inay sidaas noqon doonto."

Sarah waxay aadday jaamacaddii ugu horreysay ee dookheeda ahayd, halka Zach uu go'aansaday inuu imtixaan kale dib ugu fariisto. "Ha bixin, maxaad meeshan iiga tageysaa aniga?" ayuu ku yidhi.

Wuxuu aad u xoojiyay cadaadiska uu Sarah ku saarayay in aysan jaamac aadin, xitaa wuxuu u sheegay inaysan wax micno ah lahayn jaamacad dhigashadeeda.

"Lacag unbaad khasaarineysaa. Aniga ayaa biil reerka noo keeni doona, haddii kale ma noolaadeen adigoo shaqeynaya."

Sarah, oo hadda 23 jir ah, waxay sheegtay in sannadihii ugu horreeyay ee xiriirkooda "aysan aad u xumeyn."

"Waxaan ula jeedaa, xiriirkeenna markii hore uma uusan xumeyn sidii uu markii dambe u xumaaday.

Markii ay jaamacadda billowday dabeecaddiisii oo dhan aad bay usii xumaatay, mar walbana wuxuu isku dayi jiray inuu cadaadis ku saaro sidii ay u soo booqan lahayd ama ay ugu diri lahayd kharash uu ku booqdo.

Ugu dambeyn wuxuu billaabay inuu handado, xitaa mar wuxuu u sheegay inuu qoorta ka kala wareejin jaro si uu u dilo, taasna uu awoodo.

Mararka qaar wuxuu aad u cadhoon jiray haddey iyada raali ka ahaan weyso inuu dhunkado ama uu dano kale ka leeyahay.

Sarah waxay sheegtay in markii hore ay caadi u maleyn jirtay in xiriirka sidaas xun xun loo dul qaato.

"Waxay ila ahayd wax iska caadi ah in uu nin xoog wax iiga qaato, waayo waxaan ahaa 16 jir, khibradna uma lahayn arrimahaas," ayey tidhi.

.

Xigashada Sawirka, SIAN BUTCHER

Sarah waxay dareentay in xiriirka ay la wadaagto Zach uusan nafteeda u wanaagsaneyn, amnina aysan ku dareemeynin.

Laakiin nasiib darro markii ay xiriirkooda soo afjartay, tacaddigii ma dhammaanin, walina wuxuu isku dayi jiray inuu sii dhibaateeyo, oo ay mar kale xiriiraan.

Muxuu sharciga ka qabaa in xoog wax lagu muquuniyo?

Qiyaastii labo dumar ah ayaa isbuuc kasta loo dilaa tacaddiga qoysaska ka dhaca. Kiisaskan waxaa mararka qaar lala xiriiriyaa "xoog ku muquuninta", sida ay sheegtay Dr Jane Monckton Smith, oo khabiir ku ah dambiyada.

Dhibaatada xiriirka muquuninta ah waxay ku dhici kartaa da' kasta, ha yaraato ama ha weynaato.

Sanadkii 2015-kii ayuu xiriirka lamaaneyaasha ee muquuninta ah sharci darro ka noqday waddanka UK, waxaana sidoo kale la mamnuucay tacaddiyada qoysaska dhexdooda ka dhaca.

Si sharcigan loo dabaqo, xiriirka muquuninta ah waa inuu ahaado mid sababaya cabsi ah in qofka lagu sameyn karo waxyeello.

Inkastoo mar walba kiisaska muquuninta ay la socdaan tacaddiyo kale oo loo maxkamadeeyo dadka ku eedeysan, haddana waxaa soo badanaya dadka maxkamadaha ay uga socdaan dacwadaha noocaas ah.