Bumble: App ay gabar u sameysay shukaansi oo suuqa kusoo galay $13bn

Jah wareer ma yaallo halkan: App-ka ka isku shukaansado, oo magac looga dhigay in dumarka ay awood u leeyihiin la xiriirista ragga ay u arkaan dookhooda, ayaa suuqa kusoo galay saami dhaqaale oo dhan $13bn kaddib markii la shaaciyay liiska saamiyada.

Haweeneyda app-kan iska leh oo lagu magacaabo Whitney Wolfe Herd oo 31 jir ah waxay ka mid noqotay dumarka dhifka ah ee si iskood ah isaga dhigay bilyaneer. Waxay horumar weyn ka gaartay liiska uu sameeyay wargeyska Wall Street.

App-ka Bumble, oo sidoo kale iska leh app-ka Badoo, wuxuu ka mid noqday liiska shirkadaha labaatanka ka yar ee Mareykanka ee ay haweenka aasaaseen.

Saamiga shirkaddan ayaa ku billowday $43 midkiiba, taasoo qiimaha guud ka dhigeysa wax ka badan $8 bilyan oo doolar.

Laakiin ganacsi furan oo lasoo bandhigay Khamiistii ayay saamiyada midkiiba ku noqdeen in ka badan $76, oo ka dhigan in guud ahaan ay yihiin lacag ka sarreysa $13bn (£9.4bn).

'Tallaabada ugu horreysa qaad'

Ms Wolfe Herd waxay app-keeda ku aasaastay gobolka Texas ee dalka Mareykanka sanadkii 2014, iyadoo xilligaas garab ka heleysay bilyaneer u dhashay Ruushka oo lagu magacaabo Andreey Andreev, kaasoo ah aasaasaha website-ka la isku shukaansado ee Yurub, Badoo.

Waxay sheegtay in lagu dhiirrigaliyay sameynta app ay dumarku "ku qaadi karaan tallaabada ugu horreysa" iyadoo ciil ka qabtay barnaamijyada shukaansiga ah ee ay inta badan raggu maamulaan.

Si ka duwan sida ay u shaqeeyaan inta badan bogagga haasaawaha, haweenka oo kaliya ayaa app-kan kula xiriiri kara ragga ay dookhooda u arkaan, halka markii ay laba qof isku hal jinsi yihiin -ama labo gabdhood ama labo wiil - uu mid walba billaabi karo farriimaha.

"Waxaan soo arkay sida xiriirka halka gacan ku dhisan uu saameyn ugu soo yeeshay nolosha," ayay ku tiri warqad ay u dirtay dadka ay maalgashiga ka dalbaneysay ka hor inta aan liiska lasoo bandhigin. "Waxaan rabay inaan baddalo arrintaas."

Ms Wolfe Herd, oo ah haweeneydii ugu da'da yareyd ee shirkad dadweynaha u furan ka sameysay gudaha Mareykanka, ayaa sidoo kale qeyb ku leh aasaasidda app-ka Tinder, laakiin waxay shirkaddaas uga tagtay eedeymo la xiriira tacaddiyo galmo awgood.

Shirkadda iska leh Tinder ee lagu magacaabo Match Group Inc, oo beenisay eedeymahaas ayaa isku dayday inay maxkamad la tiigsato Bumble, laakiin way ku guul darreysteen waxayna bixiyeen lacag dhan $1 milyan oo doolar si loo xalliyo muranka.

Ms Wolfe Herd waxay shirkadaha Bumble iyo Badoo hoggaanka u heysay tan iyo sanadkii 2019-kii, xilligaas oo uu Mr Andreev iska iibiyay saamigii uu ku lahaa labada shirkadoodba si uu u maalgashado shirkadda weyn ee Blackstone.

Labada app marka la isku daro waxaa isticmaala dad gaaraya 40 milyan oo si joogto ah ugu xiriira, waxaana ka mid ah in ka badan 2.4 milyan oo lacago ku bixiya isticmaalka.

Saameyntacudurka safmarka

Maamulka Bumble, oo apps-keeda laga heli karo in ka badan 150 waddan ayaa sheegay inay rajo ka qabaan sare u kac maadaama ay sii badanayaan dadka iskaabulada ah ee caalamka sidoo kalena ay jiraan dad badan oo u heellan inay lacag ku bixiyaan sidii ay lamaane ku heli lahaayeen.

Shirkaddas ayaa adeeggeeda ku sii fidineysa meelo cusub.

Laakiin horumarkaas oo jira haddana waxaa saameyn ku yeeshay cudurka safmarka ah oo waxyeelleynaya ganacsigooda, waxaana yaraan kara dadka helaya dhaqaalaha ay ku iibsanayaan adeeggooda.

Sanadkii 2019-kii faa'iidada u soo xarooneysay waxay sare u kacday 35% taasoo marka la xisaabo noqotay faa'iido dhan $68.6m.

Hase yeeshee, sagaalkii bilood ee ugu horreeyay 2020-kii, wuxuu kobaca hoos aaday 15%, khasaarahana wuxuu noqday $116m.

Bilihii ugu dambeeyay, maalgashadayaasha ayaa u muuqda inay xiiseynayaan saamiyo cusub, taasoo ay ka faa'iideysan karaan shirkadaha qaar.