Jir dhiska iyo Bollywood: Salman Khan, Hrithik, John Abraham..; yaa ka caawiya dhismaha murqaha caloosha?

Xigashada Sawirka, Shahid Kapoor
Daawadeyaasha filimada waxay mar walba la yaabaan sida uu u dhisan yahay jirka atooreyaasha iyo atariishooyinka iyo waliba in jilaa kasta uu leeyahay waxa loo yaqaanno "six-pack". Haddaba maxay tahay sirta ka dambeysa arrintaas, sideese qof walba u sameyn karaa?
Laga billaabo Youtube ilaa Facebook, dhammaan baraha bulshada waxaad ku arkeysaa taageerayaasha oo jilayaasha weydiinaya xogta ku saabsan sida ay jirkooda u qurxiyaan.
Laakiin murqaha iyo caloosha dhisan (six-pack-ka) loo jeedo waxaa ka dambeeya shaqo adag iyo go'aan qaadasho muhiim ah oo ay sameeyaan xiddigaha filimada iyagoo gacan ka helaya tababareyaashooda.
BBC-da ayaa isku dayday inay fahanto sida ay atooreyaasha iyo atariishooyinka ugu suurtagasho inay caqabadahaas ka gudbaan, waxayna la hadashay qaar ka mid ah khubarada tabarra xiddigaha ugu waaweyn Bollywood-ka.
Sidoo kale khubaradu waxay ka sheekeynayaan waxyaabaha la sameeyo si jirka loo dhiso.
Haweeneyda tababartay atooreyaasha iyo atariishooyinka ugu caansan Bollywood-ka
Leena Mogre, oo ah khabiir dhinaca jir dhiska ah waxay ka mid tahay tababareyaasha khaaska ah ee loogu jecel yahay guud ahaan shirkadda Bollywood-ka.
Mogre waxay gym ka furtay magaalada Mumbai xilli aysan meheradaha noocaas ah jirin.
Ilaa hadda waxay tababartay Kareena Kapoor, Katrina Kaif, Ranbir Kapoor, Deepika Padukone, Madhuri Dixit Nene, Kangana Ranaut, Salman Khan iyo John Abraham.
Sidoo kale waxay tababaraha khaaska ah u ahayd ciyaartoy ay ka mid yihiin Harmanpreet Kaur iyo Rohit Sharma.
"Xarunteyda yar ee dhismaha jirka waxaan furay 1994-kii. Xilligaas dadka xitaa ma aysan aqoonin magaca gym," ayay tidhi Leena Mogre.
Markii ay atariishada caanka ah ee lagu magacaabo Madhuri Dixit maqashay in gabar ay furatay gym, way wacday waxayna ku tidhi: "filimka Hum Aapke Hain Kaun wuxuu noqday hit, sidaas darteed bannaanka uma bixi karo oo ma aadi karo jimicsi, fadlan ma iigu imaan kartaa guriga oo ma igu tababari kartaa?"

"Waxa ii ahayd fursad aad u weyn," ayay tidhi Mogre.
Madhuri Dixit ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay ee ka tirsan Bollywood ee yeesha tababare khaas ah. Iyada kaddib jilayaal kale oo badan ayaa ku dayday, halkaas ayeyna xirfadda Mogre kusii weynaatay.
Leena waxay tidhi: "Markii aan billaabay inaan atooreyaasha laftooda tababar siiyo, dad badan ayaa ila yaabay oo igu dhahayay 'ma adigoo gabar ah ayaad niman tababareysaa, guryahooda ugu tageysaa, sidaas miyey fiican tahay?', laakiin waxaan u sheegi jiray inaan u shaqeeyo sida ay dhakhaatiirta u shaqeeyaan. 28 sano ayaan shaqadaas kusoo jiray."
"Dhammaan atooreyaasha iyo atariishooyinka aniga horteyda ayey kusoo kobceen. Kareena markii ay filimada kusoo biireysay dadaal kuma aysan bixin jirin jir dhiska, sidaas awgeed aniga ayaa subax kasta gurigeeda kasoo kaxeyn jiray oo geyn jiray gym-ka."
"Sidaas oo kale, waxaa la ii keenay Ranbir Kapoor. Rishi Kapoor iyo Neetu Kapoor ayaa ii sheegay inay doonayaan in uu wiilkooda noqdo halyeey, jirkiisana uu dhismo. Kaddib waxaa markii ugu horreysay la kulmay Ranbir.
"Maalintii ugu horreysay jimicsi aad u badan ayuu sameeyay, ilaa uu istaagga ka dhacay. Sidaas waxaan ugu sameeyay inaan arko heerka awoodda. Waan ku faraxaa maanta markaan arko Ranbir."

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Salman Khan waxaa ii keentay Katrina. Maadaama iyada lafteeda ay kasoo muuqaneysay filimada waxay ka mid ahayd dadka daneeya jir dhiska. Deepika Padukone qudheeda waxay ahayd qof jirdhiska aad ugu fiican."
Isku dheelitirka xilliyada cuntada
Inta badan dadku waxay aaminsan yihiin in jimicsiga iyo cuntooyin gaar ah oo la joogteeyo kaliya ay horseedaan jir qurux badan. Laakiin waxaa cuntooyinka gaarka ah ka muhiimsan in la isku dheelitiro cuntooyinka.
Leena ayaa tidhi: "Dhammaan ardaydeyda jimicsiga waxaan u diidaa inay ku ekaadaan hal raashin. Waxaan u sheegaa inay cunaan cuntada guryaha lagu sameeyo. Raashinka guriga ayaa ka fiican kan khaaska loogu dadaalo. Kaliya basbaaska halaga yareeyo, saliidda halaga yareeyo. Waxaan dhahaa cun wax walba, balse isku dheellitir.
"Haku u badanin protein-ka iyo budada jirka lagu dhiso. Kuwaas waxay murqo kuu yeelayaan xilli kooban oo kaliya, hal sano kaddibna way baaba'ayaan. Sidaas darteed, xitaa haddii aay protein isticmaaleysid ama budo, sidoo kale la cun raashinka guriga, sida galleyda, masagada iyo khudaarta noocyadeeda kala duwan."
Markii uu Hrithik Roshan soo jili rabay filimka Bang Bang iyo markii uu Aamir Khan isu diyaarinayay filimkiisii Ghajini, labadaba waxaa soo tababaray Satyajit Chaurasia.

Xigashada Sawirka, SATYA
Labada atooreba waxay filimadaas kasoo muuqdeen iyagoo leh jir si fiican u dhisan oo shaqo badan la galiyay.
Satyajit Chaurasia oo BBC-da uga warramaya sida uu ula kulmay Amiir Khan ayaa yidhi: "Waxaan daganaa Nagpur. Aamir Kahan wuxuu iga dalbaday inaan ugu tago magaalada Mumbai, halkaasna aan ka furo gym."
"Markii aan ku jiray fasalka siddeedaad ee iskuulka ayaan daawaday filimka Hollywood-ka ee Conan the Barbarian, kaasoo uu atoore ka ahaa Arnold Schwarzenegger. Markii aan jirkiisa arkay waxaan ku fikiray inaan jir noocaas ah sameyn karo. Labo sano kaddib, markii aan ahaa safalka 10-aad, waxaan gym ka furay Nagpur, si tartiib tartiib ah ayaana jirkeyga u dhisayay."
Wuxuu sheegay in sanadkii 1995-kii uu tagi jiray Mumbai isagoo rajadiisu ahayd inuu mar uun halkaas ka furto gym weyn.
"Maalin maalmaha ka mid ah, waxaan magaalada u raacay walaalkeey oo filim duubayay. Ajay Devgn iyo Amir Khan ayaa halkaas ku sameynayay filimka Ishq. Dad badan oo aan ka mid ahay ayaa daawanayay goobta filimka lagu sameynayay.
"Xoogaa kaddib waxaan arkay Aamir Khan oo i eegaya, markii ay duubista dhammaatay kaddibna, wiil u shaqeynayay ayaa ii yimid, oo ii sheegay inuu ii yerayo Aamir. Markii aan u tagay, wuxuu igu yidhi, 'jirka si fiican ayaad u dhistay, sidee kuugu suurtagashay?'".
"Kaddib waxaan u sheegay in aan leeyahay gym yar oo ku yaalla Nagpur, anigana aan ahay tababare. Intaas markaan u sheegay Aamir wuxuu iga dalbaday inaan gurigiisa ugu tago oo aan tababar tijaabo ah u sameeyo. Laba saacadood kaddib, wuxuu iga codsaday inaan Mumbai tago, oo gym ka sameeyo, wuxuuna igu yidhi, 'waan imaan doonaa gym-kaaga, adduunyaduna way ku baran doontaa'".
Atooreyaal kale ayaa kusoo biiray gym-ka uu Satyajit ugu dambeyn ka furay Mumbai, waxaana ka mid ahaa Hrithik Roshan,Zayed Khan, Ajay Devgan, Rani Mukerji, Isha Deol iyo Saiff Ali Khan.
Satyajit wuxuu BBC-da u sheegay in uu xitaa Shahid Kapoor tababar siiyay isagoo aan wax lacag ah ka qaadeynin, maadaama xilligaas uusan waxba heysanin.
Tababareyaashan waxay ku taliyeen in qof walba ay muhiim u tahay inuu fursad siiyo dhismaha jirkiisa. Ugu yaraan hal saac maalintii waxay ku filan tahay inaad jir qurux badan yeelato.










