Dagaalka Qabow ee Shiinaha iyo Mareykanka: Muxuu yahay iska hor imaatka qarsoon ee u dhexeeya labadan dal?

Joe Biden

Xigashada Sawirka, Reuters

Kulan dhexmaray saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Biden iyo dhigooda Shiinaha, waa fursaddii ugu horeysay ee fool-ka-fool ah oo lagu cabiro dhaq dhaqaaqa xiriirka labada dal.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, iyo La Taliyaha dhanka Amniga Qaranka, Jake Sullivan, ayaa Alaska kula kulmi doono diblumaasiga ugu sareeya Shiinaha, Yang Jiechi, iyo wasiirka arrimaha dibadda, Wang Yi.

Kahor kulanka, Mr Blinken wuxuu xusay in tani aysan ahayn "istiraatiijiyad wadahadal" mana jirin "hadaf laga leeyahay ".

Sida uu sheegay: "Wax qabadyadan haddii ay tahay in ay raacaan, runti waa in ay ku saleysnaadaan soo jeedinta ah in aan aragno horumar la taaban karo iyo natiijooyin la taaban karo oo ku saabsan arrimaha naga khuseeya Shiinaha."

Xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha waa kii ugu xumaa ee soo mara, muddo sanado ah, waxayna umuuqataa in uu sii xumaanayo weli.

Waxay noqotay wax iska caadi ah in lagu tilmaamo xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha inuu yahay "Dagaal Qabow" oo cusub, oo tixraac u ah loolanka u dhexeeya Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeet.

Haddii "Dagaalkii Qaboobaa" uu micnihiisu yahay halgan weyn oo ku lug leh dhammaan dhinacyada awoodda qaran ee u dhexeeya laba nidaam siyaasadeed oo aan is-waafaqi karin, markaa si cad tartanka Mareykanka iyo Shiinaha wuxuu leeyahay dhawaqyo iska horimaadkii Mareykanka iyo Soofiyeeti la mid ah.

JFK iyo Krushchev 1961-kii

Xigashada Sawirka, Getty Images

Istiraatiijiyadda ku-meel-gaarka ah ee Maamulka Biden ayaa la sii daayay horraantii bishan. Waxaana lagu xusay in Shiinaha uu yahay dalka keliya ee u babac dhigi kara Mareykanka, haddii ay noqon lahayd awoodiisa dhaqaale, diblomaasiyadeed, militari iyo teknoolojiyadeed ba, si loo wajaho caqabadda joogtada ah ee nidaamka caalamiga ah ee xasilloon oo furan".

"Shiinaha wuxuu qaatay mowqif muujinaya rabitaanka xiriir wanaagsan, iyadoo uu sii laba jibaarayo danihiisa gaarka ah ee dimuqraadiyadda ka soo horjeedda, gaar ahaan arrimaha Hong Kong, iyo caburinta aan xishoodka lahayn ee muslimiinta Uighur ee laga tirada badan yahay," ayaa lagu sheegay qoraalka Mr Blinken.

Beijing mararka qaar waxay lumisaa fursad ay ku tilmaamto xanuunnada nidaamka Mareykanka. 'Wuxuu Shiinaha ku guul darreystay maaraynta musiibada xanuunka Covid-19,' mudadii uu xilka hayey madaxweynihii hore Donald Trump.

Marka la eego ereyada kor ku xusan waxaa laga yaabaa in sumadda "Dagaalkii Qaboobaa" ay u muuqato mid sax, laakiin sidee ayey faa'iido u leedahay runti?

Dagaalkii Qaboobaa ee asalka ahaa, Midowgii Soofiyeeti iyo xulafadiisii ​​inta badan waxay ka go'doonsanaayeen dhaqaalaha adduunka, waxaana aasaas u ahaa xanibidda dhoofinta agabka. Taas bedelkeeda, Shiinaha ayaa ah isha dhaqaalaha adduunka, dhaqaalihiisuna wuxuu si qoto dheer ugu dhex milmay kan Mareykanka.

In kasta oo Dagaalkii Qaboobaa ee hore uu lahaa aragti farsamo oo muhiim ah - sida hubka iyo tartanka hawada sare - balse loollanka cusub ee Mareykanka iyo Shiinaha wuxuu ku lug leeyahay teknoolojiyadaha muhiimka ah ee sii hormarin doonaa bulshadeenna mustaqbalka, sida sirdoonka macmalka ah iyo 5G.

Xaaladda guud ee adduunku way ka duwan tahay. Dagaalkii qaboobaa, adduunka waxaa loo qaybiyey laba xero. Laakiin qaabka Dagaalkii Qaboobaa waa mid qoto dheer oo qatar ku ah ixtiraamka aasaasiga ah.

Dukaanka Huawei

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dagaalkii qaboobaa wuxuu ahaa halgan siyaasadeed oo aan wadar ahaan lagu soo koobi karin oo dhinac walba uu ku diiday sharci ahaanshaha kan kale. In kasta oo Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti ay dhif iyo naadir tahay in ay wax garaacaan, haddana dad aad u tiro badan ayaa ku lumay isku dhacyada wakiillada adduunka.

Shiinaha, in kastoo, uusan ahayn Midowgii Soofiyeeti haddana, aad ayuu uga awood badan yahay. Markii ugu sarreysey Koboca dhakhliga gudaha ee Midowgii Soofiyeeti wuxuu ahaa boqolkiiba 40%, marka loo barbardhigo kan Mareykanka, hase yeeshee Shiinaha wuxuu yeelan doonaa dhakhli la mid ah kan Mareykanka toban sano gudahood. Tartanka Shiinaha waa midkii ugu adkaa ee Mareykanka uu wajahayo, tan iyo qarnigii 19aad.

Dhibaatada Shiinaha iyo Madaxweyne Biden waa mid adag. Ujeeddooyinkiisa siyaasadeed ee arrimaha dibadda ayaa dhaqso u wajahaya Beijing. Laakiin inkasta oo nooca tartanka uusan aheyn mid la dhayalsan karo, haddana waa inaan laga badbadin.

Mareykanku miyuu ka soo kaban karaa fowdadii Trump oo dib ma u soo nooleyn karaa dimuqraadiyaddiisa? Miyuu ku qancin karaa xulafadiisa in Mareykanka uu si rasmi ah dib ugu soo laabtay sidiisii hore, isagoo ah laacib lagu kalsoonaan karo masraxa adduunka? Mareykankana si dhaqso ah ma u ballaarin karaa saldhigiisa waxbarasho iyo tiknolojiyadiisaba?

Shiinaha ma la qabsan karaa koritaanka dhaqaalaha oo gaabis ah iyo dadka da'da ah? Xisbiga Shuuciga ah miyuu awoodi doonaa inuu soo ceshto daacadnimada iyo taageerada bulshada Shiinaha muddada fog?

Shiinaha wuxuu leeyahay awood badan laakiin sidoo kale nuglaansho badan. Mareykanka wuxuu leeyahay daciifnimo weyn laakiin sidoo kale firfircoonaan badan. Waa ciyaaryahanno adduunka muhiim u ah iyo guud ahaan nolosheena oo dhan.