Weerarkii Capitol: Ma laga yaabaa in Trump xilka laga qaado kahor inta uusan Aqalka Cad ka tegin?

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi ayaa xildhibaannada la wadaagtay qorshooyin xilka looga qaadayo Madaxweyne Donald Trump kahor inta uusan billaaban hannaanka xil ka qaadista.

Ms Pelosi ayaa sheegtay in codka la qaadayo maalmaha soo socda lagu doonayo meel marinta qaraar ugu baaqaya Madaxweyne Ku Xigeenka Mike Pence inuu xilka madaxtinnimada uga qaado Mr Trump.

Dimuqraaddiyiinta ayaa kaddib Mr Trump ku soo oogi doona eedeymo kicin ah iyo doorkii uu ku lahaa weerarkii dhismaha Capitol.

Codka ugu horreeya ayaa maanta oo Isniin ah la qaadi doonaa.

Maalintii shalay ahayd, Ms Pelosi ayaa qorshaheeda u gudbisay xildhibaannada kaas oo si arsmi ah looga codsanayo Mr Pence inuu adeegsado wax ka beddelkii 25-aad ee dastuurka dalkaas, oo u oggolaanaya inuu noqdo sii hayaha xilka madaxweynaha isla markaana uu Aqalka Cad ka saaro Mr Trump.

"Annaga oo difaaceyna dastuurkeenna iyo dimuqraaddiyaddeenna, si degdeg ah ayaan u howlgeli doonnaa, sababtoo ah madaxweynaha wuxuu khatar muuqata ku yahay labadaba," ayay tiri.

Warqaddeeda ayaa waxaa kale oo ku xusan in tani ay noqon doonto tallaabadii ugu horreysay, isla markaana in Dimuqraaddiyiinta "ay ka shaqeyn doonaan sharci xil ka qaadis ah".

James Clyburn, oo ah xubin sare oo Dimuqraaddiga ka tirsan, ayaa telefishinka CNN u sheegay in inkastoo cod loo qaadayo xil ka qaadista Mr Trump ay dhici doonto toddobaadkan dhexdiisa, haddana uu xisbigu Senate-ka u gudbin doonin maxkamadeyn ilaa ay ka dhamamato 100-ka maalmood ee ugu horreeya ee Joe Biden.

"Aan madaxweynaha la doortay Biden siinno 100-ka maalmood ee ugu horreeya ee uu u baahan yahay meel marinta ajandeyaashiisa," ayuu yiri Mr Clyburn.

Taas ayaa Mr Biden u oggolaan doonta inuu ansixiyo golihiisa wasiirrada uuna hirgeliyo siyaasidihiisa oo ay ka mid tahay wax ka qabashada coronavirus -taas oo ay noqoneyso inuu Senate-ku sugo haddii uu hayo qorshaha xil ka qaadista.

Mr Trump ma uusan soo hadlin tan iyo Jimcihii intii laga mamnuucay dhowr shirkadood oo baraha bulshada ah - oo uu ka mid yahay Twitter.

Axaddii, si kastaba, Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha uu Talaadada u safri doono Texas si uu u booqdo ballaarinta derbiga xadka Mexico.

Mr Trump ayay Dimuqraaddiyiinta iyo tiro ka tirsan Jamhuurga ku eedeeyeen inuu gacan ku lahaa weerarkii Arbacadii lagu qaaday dhismaha Kongareeska oo ay shan qof ku dhinten.

Balse xildhibaannada Jamhuuriga ee Senate-ka midkoodna ma uusan sheegin inuu u codeyn doono xil ka qaadistiisa.

Xildhibaan kale oo Jamhuuri ah kana tirsan Senate-ka, Pat Toomey, ayaa shalay Mr Trump ugu baaqay inuu is casilo.

"Waxaan u maleynayaa sida u wanaagsan dalkeenna.... waa inuu madaxweynuhu is casilo uuna u tago sida ugu dhaqsiyaha badan," Sen Toomey ayaa sidaasi u sheegay barnaamijka Meet the Press ee telefishinka NBC.

"Waxaan ogahay inay taasi u dhowdahay inaysan dhicin, balse waxaan u maleynayaa inay tahay sida ugu fiican."

Lisa Murkowski, oo ka soo jeedda Alaska, waa sanatarkii ugu horreeyay oo Jamhuuri ah oo ku baaqa inuu xilka ka dego madaxweynaha. Ben Sasse, oo isagana ah Jamhuuri ka tirsan Senate-ka kana soo jeeda Nebraska, ayaa sheegay inuu tixgelin doono mooshinka xil ka qaadista haddii uu hirgeliyo Aqalka.

Dhanka kale, barasaabkii hore ee California kana tirsanaa Jamhuuriga, Arnold Schwarzenegger ayaa muuqaal uu shalay soo duubay Mr Trump ku tilmaamay "madaxweynihii ugu xumaa abid".

Iyadoo ay baarayaashu isku dayayaan inay dacwad ku soo oogaan kuwii weerarka ku qaaday dhismaha Capitol, waaxaha booliiska ee Virginia iyo Washington ayaa sheegay in saraakiisha ay siiyeen fasax, sababo la xiriira inay u howlgaleen wax ka qabashada dhacdadaas iyaga oo shaqada fasax ka ahaa.

Shan waaxaha booliska ah oo Florida iyo Magaalada New York ku kala yaalla ayaa sidoo kale sheegay in laga yaabo in xubno hore oo ka tirsanaa ay ku sugnaayeen goobta markii ay dibadbaxayaasha galeen Capitol, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Reuters.

Aqalka Cad ayaa xil ka qaadista ku sheegay mid dano siyaasadeed laga leeyahay, taas oo "keliya sii kala qeybin karta dalkeenna weyn".

Haddii uu qorshuhu meel maro, Mr Trump wuxuu noqon doonaa madaxweynaha keliya ee Mareykanka ee soo maray ee labo jeer laga keenay mooshin xil ka qaadis ah.

Si ay taasi u dhacdo, eedeymaha xil ka qaadista waa la geeyaa Aqalka codna loo qaadaa.

Waxaa kaddib loo gudbin doonaa Senate-ka, halkaas oo marka codadka saddex meel loo dhigo ay muhiim tahay in labo meel ay u codeeyaan xil ka qaadista madaxweynaha. Haddii laga qaado xilka, Senate-ka ayaa sidoo kale cod u qaadi doona in Mr Trump uusan mar dambe xil qaban.

Si kastaba, Mr Clyburn, oo Kongareeska ka tirsan kana soo jeeda Koofura Carolina, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in xil ka qaadis aysan suurto gal ahayn kahor inta uusan Mr Trump uga degin xilka muddo 10 maalmood gudahood.

Taas beddelkeed, Dimuqraaddiyiinta ayaa ke fekeraya dib u dhigista inay qorshaha xil ka qaadista u gudbiyaan Senate-ka.

Waxaa laga yaabaa inay si aan rasmi ahayn ugu baaqeen Mr Pence adeegsiga wax ka beddelkii 25-aad.

Si kastaba, inkastoo Mr Pence uu u muuqdo inuu iska fogeynayo madaxweynaha isagoo Axaddii sheegay inuu qorsheynayo ka qeyb gelidda caleema saarka Mr Biden ee dhacaya 20-ka January, ma muuqato wax muujinaya in madaxweyne ku xigeenku uu diyaar u yahay adeegsiga wax ka beddelka dastuurka.

Mr Trump ayaa sheegay inuusan ka qeyb geli doonin xafladda caleema saarka Mr Biden. Wuxuu haatan qirtay in looga adkaaday doorashadii 3-dii November uuna diyaar u yahay xil wareejin nabad ah, balse wuxuu sii watay sheegashooyinka aan salka lahayn ee ah in doorashada lagu shubtay.

Mr Biden ayaa sheegay in xil ka qaadista ay u taallo Kongareeska, balse uu ku fekerayay "muddo dheer in Madaxweyne Trump uusan u qalmin xilka".