Bollywood: Amitabh Bachchan oo dib usoo xasuustay dhibkii ka qabsaday Michael Jackson

Xiddigga shirkadda filimada Bollywoodka Hindiya, Amitabh Bachchan - oo ay Soomaali badan u yaqaannaan "Cali Dheere" ayaa maanta baraha bulshada soo dhigay sawir xasuus gaar ah ku leh.

Isagoo sharraxayay sawirka ayuu sheegay in uu ka mid ahaa filim laga dalbaday inuu u labisto sida fannaankii caanka ahaa ee geeriyooday Michael Jackson.

Qoraal uu soo raaciyay sawirkan uu ku shaaciyay bartiisa Instagram-ka ayuu Amitabh Bachchan ku yidhi: "Waa markii uu Manmohan Desi ku fakaray in aan iska dhigi karo Michael Jackson xilligii aan sameyneynay filimkeennii Ganga Jamuna Saraswati. Maxaan guul darro socota ahaa!!"

Taageerayaasha atoorahan ayaa faallooyin ay ka bixiyeen qormadiisa iyo sawirka la socda ugu sheegay in uu si fiican uga soo baxay matalaaddaas.

Xasuusta Amitabh ayaa daliil u ah in xiddigii heesaha pop-ka, Michael Jackson uusan ahaan jirin kaliya fannaan muusikadiisa la jecel yahay balse uu sidoo kale ahaa nin looga daydo hab ciyaareedka iyo labiska dharka.

Michael waxaa loo aqoonsaday in uu ka mid ahaa dadkii saameynta ugu badan dunida ku lahaa qarnigii 20-aad.

Wuxuu fannaanka geeriyooday 25-kii bishii June ee sanadkii 2009-kii, xilligaas oo uu ahaa 50 sano jir.

Amitabh Bachchan oo ay hadda da'diisu tahay 78 sano qudhiisu wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka ugu caansan Hindiya iyo dunida, waana mid ka mid ah xiddigaha rugcaddaaga ah ee tiiraha u ah shirkadda filimada Bollywood-ka.

Xirfaddiisa jilista ayuu sii wadaa xilli lagu guda jiro cudurka safmarka ah ee Covid-19, wuxuuna soo jilay xalaqad kale oo ka mid ah musalsalkiisa Kaun Banega Crorepati.

Horaantii sanadkan ayuu Amitabh markii ugu horreysay soo dhigay filimada dhinaca online-ka ah ku baxa, filimkiisii ugu horreeyayna wuxuu noqday Gulabo Sitabo.

Filimkan oo uu soo saaray Shoojit Sircar waxaa sidoo kale ku jira jilaaga Ayushmann Khurrana.

Bishii July ee sanadkan, Amitabh iyo qoyskiisa - wiilkiisa Abhishek Bachchan, gabadha uu sodoga u yahay ee Aishwarya Rai Bachchan iyo gabadha uu awowga u yahay ee lagu magacaabo Aaradhya - ayaa dhammaantood laga helay fayraska corona. Hase yeeshee waxay ka caafimaadeen maalmo kaddib.